Kaftanka maanta,waa halkii C/qayse maanta Maxamed Baashe wuxuu qaadayaa ,Maxaa faras magaalaha , Fiidka la iiga soo xidhay =
Abwaan C/qays baa berigii la xidhay , wuxuu qaaday heesta caanka noqotay ee tidhaa maxaa la igu soo xidhay , markaa waa halkii C/qayse , Maxamed Baashena wuxu qaadayaa , Farmaana umaan gelin .
Nina feedh kumaan dhufan ,
	Gacantana kuma fidin ,
	Far ma saarin ruux kale 
	faantana kamaan qubin .
Dalka maan ku wacad furin,
	Lama faqin cadaawaha ,
Fadaraalka Xamar iyo ,
Farmaajana umaan gelin ,
Falanqaynta doodii ,
	qofba meel ka fiirsaday ,
	Hadaan aragti faaqiday,
	Maan falin dhibaatee ,
Maxaa Faras magaalaha ,
Fiidka la iiga soo xidhay ?
			
		










