Ka Maqnaanshihii Xafladii Madaxtoyada Ee 3-da Xisbi Waxay Muujisay Kala Qaybsanaanta Jirta

0
861

Picture6Hargeysa(Geeska)-Waxa layaab noqotay in markii u horaysay taariikhda Somaliland la arko saddexda xisbi qaran ee wadanka ka jira oo wakhtigan kala ah KULMIYE, UCID iyo Waddani oo aanay madaxdoodii ka qayb gelin xafladii loogu dabaal degayay munaasibadda 26 June oo habeenimadii jimcihii loo dabaal degay, laguna qabtay xaflad madaxtooyada. Shacabka Somaliland waxa ay maqnaanshaha masuuliyiinta xisbiyada qaranku sawir rasmi ah ka siisay halka ay marayso kala qaybsanaanta siyaasiyiinta dalku taas oo saamaysa shacabka oo iyaga laftoodu si weyn u kala qaybsan. Madaxtooyada Somaliland waxay shalay sheegtay inay kaadhadhka martiqaadka u gaysay madaxda xisbiyada oo ay tilmaantay inay iyagu si badheedh ah u go’aansadeen inaanayka dhex muuqanin xafladaas. Xafladda ay xisbiyadu ka qayb galkeeda ka gaws adaygeen ayaa waxa badankeeda loogu sacabo tumayay madaxweyne Siilaanyo oo ay fanaaniinta qaarkood qaadayeen heeso ay ku sheegayaan inuu u qalmo in shanta sanno ee dambe la doorto. Waxaana la odhan karaa sababta ay xisbiyada, gaar ahaan labada xisbi mucaarad uga gaws adaygeen xafladaas waa iyagoo dareensanaa in xafladu noqon doonto mid u gaar ah xukuumadda iyo siyaasadeeda balse aan lagu soo bandhigi doonin taariikhdii halgankii dalka lagaga xoreeyay Ingiriiska, xisbiyadana aan hadal laga siin doonin.

Si kastaba ha ahaate waxa la joogaa wakhtigii uu Madaxweyne Siilaanyo inta uu xaqiiqda waajaho uu garwaaqsan lahaa sida ay shacabku u kala qaybsanyihiin taas oo saamayn ku yeelanaysa siyaasadda dibadda ee qarankan. Madaxweyne waa inaad ka shaqaysaa sidii aad shacabkaaga u midayn lahayd mucaarid iyo muxaafidba. Hoggaamiyaha wanaagsani wakhtiaydan oo kale wuxuu qaataa go’aamo uu shacabkiisa ku midaynayo kagana saarayo tafaaruqa ka dhex jira si aanu muranka siyaasiga ahi qaranka saamayn ugu yeelan.