Jamaal Cali Xuseen Muxuu Ka Yidhi xadhiga salaadiinta?

0
654

Picture2Waxaa la xidhay Boqor Raabbi, Suldaan Sabeyse, Suldaan Ibraahim Sulub. Nimankaa madax dhaqameedka ah ee Bulshada sharafta ku dhex leh maaha in fikirkoodda lagu cabudhiyo Oo xoriyadoodda la weeraro. Sharcigu miyaanu ahayn marka qof wax Lagu soo eedeeyo Ee ay maxkamaddi xukunto ayaa la xidhi karaa.  Arrinkani ma mid dadka lagu mashquulinayo OO boobka hantidda ummadda lagu jeedinayo baa? Waxaa iigu yaab badnaa markay xukuumadu tidhi dadka ayeey kicinayaan OO sababtaa darteed baanu u xidhaynaa. Horta dadka yaan la caayin ileyn Caqli bay leeyahiinoo maaha dameeri dhaan raacdaye. Waa mida labaade horta ma dawladda dadka hantidoodii boobaysa ayaa kicinaysa dadka mise Madax dhaqameed ka gilgishay xumaha OO dareenkoodda muujiyey. Waxaan ku talin lahaa inaan xuquuqul insaanka lagu xad gudbin oo madax dhaqameedkan xoriyadooda loo soo celiyo. Waftigii Ugu danbeeyey ee Caalamka ka socday ee xukuumadda la hadlay ayaa aad ugula hadlay arrinta xoriyadda muwaadiniinta Somaliland OO ay xukuumaddu god madow ku riday beryahii u danbeeyey. Ilaahay ha sahlo amuuraha.

Jamaal Cali Xuseen

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID