Jabuuti Oo Sheegtay Inay Jawaab Ka Sugayso Itoobiya Oo Ay Deked U Ballan-Qaadday

0
274

Jabuuti(Geeska) – Dowladda Jabuuti, ayaa sheegtay in ay wali Itoobiya ka sugayso in ay ka soo jawaabto dalabkii ay Itoobiya ku siisay dekedda Tojorah ee waqooyiga dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo waraysi siiyay VOA, ayaa sheegay in ay wali rajo ka qabaan in Itoobiya ay aqbasho soo jeedintooda, oo ay isticmaasho dekedda Tojorah.

“Arrintaasi wali miiska ayay saaran tahay ujeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed, waxaanu Itoobiya la wadaagnay mid kamid ah dekedaha ku yaal waqooyiga dalka” ayuu yidhi Wasiir Yuusuf.

Waxa uu sheegay in haddii Itoobiya ay aqbasho codsiga Jabuuti ay labada dhinac isla eegi doonaan nooca heshiiska ee ay wada-gali karaan, sida in ay wada abuuraan shirkad ganacsi taasi oo dhaqaalaha labada dal kor u qaadi doonta, waxaanu sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Jabuuti ay dadaal kasta ku bixinayso sidii loo qaboojin lahaa xiisadda labada dhinac, waxaanu xusay in

masuuliyad gaar ahi ay Jabuuti ka saarantahay amaanka gobolka madaama ay tahay guddoonka Urur Goboleedka IGAD.

31 August, ayuu Wasiir Yuusuf sheegay in ay Itoobiya ugu yabooheen dekedda Tojora oo ay maamulkeeda 100% ku wareejindoonaan, isaga oo sheegay in ay ku dhexdhexaadinayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin 3 September ayuu markale sheegay in Jabuuti kali ah ka hortagayso in ganacsiga Itoobiya uu u wareego dekedaha Berbera iyo Musawac, khilaafka labada dalna ay iyagu xalisan doonaan, laakiin iyagu ay ganacsato uun yihiin, isaga oo intaa raaciyay in anay 100% maamulka

dekeda ku wareejindoonin Itoobiya.

Itoobiya ayaa dhawaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay hortiisa ka difaacday heshiiska ay la gashay Somaliland, iyada oo sheegay in uu gobolka dan u yahay, dowladda Soomaaliya iyaa iyaduna si adag uga soo horjeedsatay heshiiska. Wadahadaladii u socday laba dal ayaan hada rajo laga qabin sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.