Dowladda Jabuuti ayaa ka hor timid qiimeynta uu soo saaray Bangiga Adduunka 2023 ee ku saabsan kala horeynta iyo dekedaha ugu fiican Guud ahaan caalamka iyada oo la eegayo shaqa wanaagooda iyo waxqabadkooda sannadlaha ah. Halka asan Dekada Berberana aan laguba soo Darin kliiskan Mamuulka dekeedaha dalka jabuuti ayaa si adag u cambaaraynayay qiimaynta CPI iyo kaalinta hoose soo gashay dekedda Jabuutoi.
Maamulka Dekeddaha iyo Aagga Xorta ah ee Jabuuti, ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin warbixintii u dambaysay ee Baangiga Adduunka ee ku saabsan qiimeynta dekadaha, kaas oo Dekadda Jabuuti dhigay kaalinta 379-aad oo markii hore taas oo ah mid aan la aqlaabi karin hoos u dhac aan sabab lahayn oo ka yimid kaalinta 26aad ila 379aad.
“Waxaan muujineynaa diidmadeena xooggan ee warbixintan, oo aan aaminsanahay inay tahay marin habaabin wayn oo ka dhan ah xaaladda dhabta ah ee ka jirta xarumaheena iyo tayada adeegyada aan bixinno”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Waxay sheegeen in dekedaha Jabuubti ay hormuud yihiin oo lagu yaqaano adeeg dhameystiran ee badaha.
“Dekadaha Djibouti waxaa loo aqoonsaday inay yihiin hogaamiyayaasha saadka badaha, dekedaha Djibouti waxa ay caan ku yihiin hufnaanta iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan isku xidhka Afrika iyo suuqyada caalamka.
Sumcaddan waxaa lagu dhisay waxqabad joogto ah iyo maalgashi la taaban karo oo lagu sameeyay kaabayaasha iyo teknoolojiyadda, sida nidaamka dhaqaalaha badda ee horumarsan ee fududeynaya habsami u socodka ganacsiga. Intaa waxaa dheer, Jabuuti waxay heshay abaal-marinno caalami ah oo badan iyo jawaab celin wanaagsan oo ay ka heleen la-hawlgalayaasheeda maraakiibta caalamiga ah.”
“Iyadoo laga jawaabayo qiimeynta muranka dhalisay, mamuulka dekeedaha ayaa sheegey inay hadda sameyneysaa dib u eegis qoto dheer oo ku saabsan habka iyo xogta uu isticmaalo Bangiga Adduunka.
Waxay qorsheyneysaa in ay wadahadal toos ah la yeelato hay’adda si loo xalliyo khilaafaadkaas iyo in la hubiyo in si sax ah loo muujiyo waxqabadka dekedda Jabuuti. Waxay sheegeen in dalka Jabuuti ay kusoo qulqulaayaan maalgashadayaasha dibadda kaas oo lagu raajo weyn yahay inuu wax ka badello dhaqaalaha dalka yar ee ku yaala Bariga Afrika.
Hoos u dhacaan ayaa la sheegay inay sabab u tahay dagaalada ka socda dalka Yemen ee xuutiyiinta ku beegsanaayan maraakibta iska gudba marrin biyoodka Babuul Mandab. Dhaqaalaha dalka Jabuuti ayaa waxa uu ku tirsaan yahay dekedaha. Dalka Djibouti waxa uu kamid yahay wadamaada ugu dhaqaalaha yar dalalka Afrika. Dekadaha ku yaal Bariga iyo Koonfur-bari Aasiya ayaa qayb libaax ka qaatay liiska qiimeynta Waxqabadka Dekeddaha Caalamiga ah ee 2023 (CPPI), iyaga oo haysta 13 ka mid ah 20 ka boos ee ugu horreeya qiimeynta. Dekadaha ku yaal Bariga iyo Koonfur-bari Aasiya ayaa qayb libaax ka qaatay liiska qiimeynta Waxqabadka Dekeddaha Caalamiga ah ee 2023 (CPPI), Liiska CPPI 2023 waxaa lagu soo daray 57 dekedood oo cusub, oo ay ku jiraan Muuga, Estonia iyo Duqm, Cumaan. Sidaa darteed, mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn Hindiya, dekedda Visakhapatnam, ayaa kor u soo kacday iyadoo soo gashay 20-ka ugu sarreeya ee dekedaha ugu waxtarka badan. Marka laga hadlayo dekedaha ugu waxqabadka wanaagsan, dekedda Yangshan ee Shiinaha ayaa sanadkii labaad ku soo baxday kaalinta koowaad, halka dekedda Salalah ee dalka Cumaan ay ku jirto kaalinta labaad. Dekedda Cartagena (Colombia) waxay u gudubtay inay gasho kaalinta saddexaad, waxaana ku soo xiga Tanger Med (Morocco), sida sannadkii hore oo kale waxay gashay kaalinta afraad, iyo dekedda Tanjung Pelepas (Malaysia), oo sidaas ku soo gashay 5-ta dekedood ee ugu tayada badan.