Jaamacadda Beder Oo Munaasibad U Qabatay 120 Arday Oo Ka Qalan Jabiyey

0
556

Hargeysa (Geeska)-Jaamacada Beder oo ka mid ah Jaamadaha dalka, ayaa waxay munaasibad qalan jabin ah u qabatay dufcadii afaraad ee ka qalan jabisa Jaamacada Beder, oo ah 120-arday oo iskugu jira Hablo iyo Inamo, isla markaana ka qalan jabiyey Kuuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadu bixiso,

1

Munaasibadii qalan jabinta oo si balaadhan loo soo agaasimay  kana dhacday shalay Amasadoor Hotel ayaa waxa soo qayb galay Maamulka, Masuuliyiinta iyo Macalimiinta Jaamacadda Beder, Arday qalan jabisay, Waalidiin,  Madaxda Axsaabta Qaranka, Wasiiro, Agaasimayaal iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

Guddoomiye ku Xigeenka Jaamacadda Beder Sheekh Aabi Cali Maxamed oo isagu ugu horeyn Munaasibadan ka hadlay ayaa u mahadnaqay Ardayda qalan jabisay, waxaanu ka xog waramay qiimaha ay Waxbarashadu leedahay, isagoo si gaar ah u sheegay in Jaamacada Beder ay tahay Jaamacad tayo leh oo soo saarta Arday akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba dhisan, waxaanu Ardayda ku dhiirigeliyey inay halkaas dadaalka ka sii wadan, oo ay aqoontooda sii kordhiyaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Prof Mubaarik Ibraahim Aar  oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay  marxaladihii kala duwanaa ee Jaamacada Beder soo martay, halka ay maanta marayso iyo halka ay hiigsanayso, wuxuu  sheegay in jaamacaddu ay shuruudo adag ku xidho Ardayga  Jaamacaddan doona inuu wax ka barto, sidoo kale wuxuu ku dheeraaday cilaaqaadka caalamiga ah ee jaamcaddani la leedahay Jaamacadaha Caalamiga ah,  waxaanu xusay in Jaamacadda Beder ay  suuragalinayso in  wax laga barto jaamacado dibadda ah, waxa kale oo uu sheegay in xidhiidh aad u wanaagsana ay leeyihiin Wasaaradda Waxbarashada ee dalka, waxa kale oo uu u mahadnaqay Ardayda qalan jabisay oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay ka baxaan Jaamacadda Beder.

Guddoomiye ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Ardaydani qalan jabiyaan, waxaanu ku dhiirigaliyey inay tacliinta halkaas ka sii wadaan, oo aanay Waxbarashada halkaas kaga hadhin.

Ku simaha  Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa wuxuu bogaadiyey ardaydan qalan jabisay, waxaanu ku taliyey in la kobciyo tayada waxbarashada dalka, oo la soo saaro Arday aqoon leh, waxaanu Jaamacadda Beder ku dhiirigeliyey inay halkaas ddaalka ka sii wado.

Wasiiirka Wasaaradda Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse  Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhiga Maxamed Warsame Jaamac oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ardaydan qalan jabisay   kula dardaarmay inay halkaasi ka sii wadaan Waxbarashada siina kordhiyaan dadaalka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa ku dheeraday qiimaha ay Waxbarashadu leedahay, waxaanu sheegay in Diinteena suuban ee Islaamku ay dhiirigelisay in wax la barto, waxaanu Jaamacadda Beder uga mahadnaqay kaalinta ay kaga jirto Waxbarashada dalka, waxaanu u mahadnaqay Ardaydan qalan jabisay.

Dhanka kale waxa iyana halkaas ka hadlay Masuuliyiin, Culimo, Madaxda Shirkadaha dalka iyo Arday, waxayna dhammaantood ka warameen qiimaha ay Waxbarashadu leedahay waxayna si gaar ah ugu mahadnaqeen Jaamacadda Beder oo ay sheegeen in Kuuliyaddo qiimo badan oo ay ka mid yihiin Shareecada, Maamulka iyo Dhaqaalaha Baanka Islaamka ay baraan Ardayda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habbane (Cabdilaahi Dheere), ayaa Jaamacadda Beder ku tilmaamay inay tahay jaamacadaha ugu wanaagsan Dalka, waxaanu kula dardaarmay Ardaydaa qalin-jabisay in ay waxbarashadooda sii wataan oo aanay ka hadhin, waxaanu sheegay inay xooga saari doonaan in tayaynta Waxbarashada maadaama jaamacado badan dalka laga hirgaliyay,ugu dambayntiina Ardaydii qalan jabisay ayaa Shahaadooyinkoodii la gudoonsiiyey.