Jaamacada Gollis Qaybteeda Caafimaadka Oo Soo Kordhisay Adeegyo Cusub Iyo Qalab Casri Ah

0
624

Picture3Hargeysa (Geeska)- Jaamacada Gollis ee magaalada Hargeysa ayaa sanadkan dib u habeyn iyo qalabeyn ku sameysay kuliyada caafimaadka, iyadoo isku diyaarinaysa sharciyaynta komishanka mihnadaha caafimaadka ee loo yaqaan NHPC. Sidoo kale waxa ay kuliyada caafimaadku kordhisay qalabkii waxbarashada iyo barnaamijyadii caafimaadka si ay ardaydeeda hore ugu sii mariso aqoontooda caafimaadnam, korna ugu qaado, ayna ula jaanqaadaan heerka caalamiga ah ee jaamacadaha..

Dr Mahad Cabdi Yaasin oo ah maamulka qaybta caafimaadka ee jaamacada Gollis ee magaalada Hargesa ayaa ka warbixiyey Kulliyada caafimaadka ee jaamacada iyo adeegyada ay bixin doonto, isaga oo sheegay in badhtamaha sanadka danbe ay soo bixi doonaan curadadii ugu horeeyey ee qaybta caafimaadka.

Dr Mahad ayaa ugu horayn ka hadlay qaybaha Kuliyada caafimaadku ka kooban tahay iyo wakhtiyadii la yagleelay:-

“Jaamacada Gollis qaybeeda caafimaadka waxa la aas-aasay 2009-kii, albaabadana waxaa loo furay 2010-kii, sababta keentay in kulliyada la aas-aaso kaw waxaa ka ah dhakhaatiirtii oo yaraatay, waayo waxaa la yidhaahdaa ilaa 1988kii dalak dhakhaatiir uma ay soo bixin dagaaladaiina waxa ay saameyeey ama yareeyeen dhakhaatiirtii yarayd ee dalk joogtay, markaa fursad ayaa soo baxday oo bulshadina way kordhaysaa oo waxay u baahdeen dhakhaatiir, ta labaadna waxay noqotay dadkii caafimaadka ka shaqaynaayey guud ahaan ama dhakhtar ha noqoto, kalaliye caafimaad,umulisanimo ama farsamo caafimaad (lab technician) ha noqotee, kulliyad guud ahaan waa mid balaadhan  oo waxaanu leenahay qaybtan caafimaadka ee aynu ka hadlayno, waxa kale oo aanu soo saarnay kooxdii ugu horaysay Somaliland ee suuxiyayaal ah, waxaanu leenahay qayb shaybaadhka ah oo iyana laga qalin jabinayey oo aanu dalka u soo saarnay, waxaanu leenahay qaybta caafimaadka guud ama fayo dhawrka guud oo aanu qaybtii Sadexaad hada soo saarnray, waxaanu leenahay qaybta nafaqada (Nutrition). Guud ahaan intaas ayey ka kooban tahay kulliyadu”

Dr Mahad Cabdi Yaasin wuxuu si qoto dheer u sharaxay qaybo badan oo ka mida caafimaadka oo ardayda reer Somaliland baahi weyn u qabeen oo ay soo kordhiyeen, waxaanu yidhi:-

“Bulshada waxaanu u sheegaynaa in aanu soo kordhinay Lab casriya oo kuwii ugu dambeeyey ah, kuwaas oo u qayb sama saddex qaybood ka shaqaybaadhka oo ay ardaydu ku eegayaan waxyaabihii ilmi ma qabatayga ahaa oo dhan ay ku arki karaan. Wax kale oo aanu soo kordhinay qayb qolfoofkii lagu baranaayo iyo qayb Skill lab la yidhaahdo oo sidii qofka xaaladiisu degdega tahay wax loogu qabanaayey ee Katiitar loo galinaayey, ee sayloon loogu xidhaayey ama dhiig loogu ama NG Tube loo galinaayey iyo waliba qaabkii qofka dhakhtarka ahi ula macaamilaayey bukaanka”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas noogu daray inay kulliiyadu leedahay qayb wax akhris oo uu ardaygu ku baadhi karo qaybaha kala duwan ee uu baranaayo, waxaanay jaamacadu leedahay sida uau sheegay Dr Mahad goob wax akhris:-

“Wax kale oo aanu soo kordhinay qayb weyn oo Library ah, waxaanu ka kooban yahay qayb Digital ah oo ardaygu afartan kun ay shay wax ka badan, buugaag, magazine iyo wax yaabo kale oo caalami ah, ardaguna hadii uu doonaayo, ardaygu hadii uu doonaayo ka keydka (Software) ayuu galayaa, haddii uu rabo buugaagta caadiga ahna iyaga oo daabacan ayuu helayaa oo uu akhrisanayaa”.

Waxa kale oo aanu xidhiidh la leenahay cusbitaalada wadanka ugu waa weyn oo hada ay ardaydayadu ka howgalaan. Waxa kale oo kuliyadu sameysaa deeq caafimaad oo dhakhaatiirta jaamacada iyo ardayda ugu saraysaa ay ugu baxaan tuulooyinka wadanka iyaga oo bixinaya adeeg caafimaad iyo daawooyin bilaash ah.

Jaamacada Gollis ayaa dufcadii ugu horaysay soo saari doonta badhtamaha sanadka 2016, kuwaas oo ku biiri doona bahada caafimaadka ee Somaliland. Waxaa arrintaas ka hadlaya mar kale Dr Mahad Cabdi Yaasin:-

“Kulliyada caafimadku curadadii ugu horeeyey waxay soo saari doontaa haddii ilaahay yidhaahdo 2016-ka bilihiisa lixaad ama todobaad, kuwaas oo aanu Somaliland ku soo kordhin doono. Guud ahaan kulliyadu waxay ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhinac walba leh, waxaanu ka qayb qaadanaynaa caafimaadka wixii nagaga soo hagaaga oo aanu is leenahay wax badan ayaad ku kordhin doontaa bulshada”.

Ugu danbayntii wuxuu Dr Mahad Cabdi Yaasin fariin u diray bulsho weynta afka soomaaliga ku hadasha, waxaanu yidhi:-

“Waxa kale oo aan intaas ku dari lahaa ardayda cusub ee ku soo biiraysa kulliyada waxa looga baahan yahay waxaa ka mid ah inuu ardaygu shahaado rasmiya sito, kana soo qalin jabiyey imtixaanka guud ee Somaliland, waa inuu darajadiisu tahay A ama B marka loo qaadanaayo qaybta caafimaadka. Waxa kale oo muhiim ah inuu ardaygu u fadhiisto imtixaan, imtixaankaas oo ah ogolaanshe, kana koobaan Biology, chemistry iyo English, waana inuu ku gudbo. Waxa kale oo aanu ku darnaa waraysi aanu ardayga weydiino sababta uu u doonayo inuu noqdo dhakhtar noqdo oo hamigii ma leeyahay, waxaa qodob afaraad ah in qofka aanu u samayno hubin caafimaad oo maskaxda ah oo waxaa eega qolooyin ku takhasusay caafimaadka maskaxda, qofka dhakhtar noqonayaa waa inuu maskax ahaan u caafimaad qaba si uu bulshadiina u badbaadiyo, kuwaasina waa waxyaabaha lagu soo galo. Markaa waxaanu qaadanaa tiro xadidan oo nadiif ah eek a bixi karta kulliyada maadama oo uu qof bili’aadan ah la tacaalaayo. Guud ahaan ardayda soomaaliyeed albaabadaydu way furan yihiin, gacmo furan ayaanu ku soo dhaweynaynaa”.