Jaamac-yare Oo Hormuud U Ah Guddi Ay Somaliya U Magacawday Xulista Aqalkooda Sare

0
538

Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa shalay magacawday 7 xubnood oo dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda, kuwaas oo loo xilsaaray inay soo xulaan wax loogu yeedhay xildhibaanada aqalka sare ee Somaliya u meteli doona Somaliland.

1

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shalay magacaabay 7-da xubnood oo ugu horeeyo siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo ah siyaasi ruug cadaa ah oo reer Somaliland ah balse degen Muqdisho.

Sida qoraalka ka muuqata guddigan ayaa waxay hubinayaan oo ay kala xulayaan dadka Somaliland ka soo jeeda ee aaminsan mabda’a federaalka ee doonaya inay ka mid noqdaan aqalka sare ee baarlamaanka Somaliya.

Warqadda lagu magacaabay ayaa waxa lagu cadeeyay inay shaqadoodu noqon doonto

1 Inay si dheelitiran u cayimaan una kala qoondeeyaan  gobollada waqooyiga oo aan weli qoondo ka helin kuraasta aqalka sare ee baaralamaanka federaalka.

2.  Inay  qabtaan araajida hubiyaana inay murrashixiintu buuxiyeen shuuradaha

3. inay soo jeediyaan murrashixiinta u tartamaya

Toddobada xubnood ee ka soo jeeda Somaliland ee hawshan loo xilsaaray oo dhammaantood jooga magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ayaa kala ah:

1. Jaamac Maxamed Qaalid

2. Xuseen Ceelaaba Faahiye

3. Axmed Siciid Faarax

4. Maxamuud Axmed Ismaaciil

5. Ciise Ducaale Buun

6. Ibraahim Axmed Caabi

7. Cabdirisaaq Daahir Xuseen

Shakhsiyaadkan ayaa ah kuwo weli aaminsan mabda’a federaalka Somaliya, waxaanay isugu jiraan kuwo labaatankii sannadood ee u dambeeyay degenaa magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya iyo kuwo dhawrkii sannadood ee u dambeeyay halkaas tagay.

Hab-raac ay soo saareen madaxda dawladda Somaliya oo sheegtay inay wakiil ka yihiin Madasha Hoggaanka sare ee dalkaasi Soomaaliya ayay ku sheegeen in lagu dhaqayo habka ay u dhacayso doorasho ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland.