Jaamac Shabeel Oo Taageeray Muddo Kordhinta Guurtida

0
524

Picture6Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa  difaacay muddo kordhinta ay Guurtidu u sameeysay Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siillaanyo, waxaanu sheegay inay muddo kordhintaasi xaq tahay, waxaanu xusay inay Guurtidu xaq u leedahay muddo kordhinta.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, Mucaaradka ugu baaqay  inay iska ilaaliyaan kicinta iyo inay Bulshada ugu baaqan Mudaharaad, waxaanu tilmaamay in aanay dadku waxba ka aqoonin Mudaharaadka salmiga ah,waxaanu sheegay in Mudaharaadku dhib mooye aanu dheefi ka dhalayn, waxaanu ku booriyey Mucaaradka in wixii tabasho ah ee ay qabaan u maraan Sharciga oo ay ka feejignadaan wax walba oo khal-khal keenaya, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Guurtidu Somalilandba inta ay jirtay muddo kordhin wey sameeynaysay ee ma Maanta ayey muddo kordhintii xaq daro noqotay, Xukuumaddihii xukunka dalka u kala dambeeyey wey u kordhisay Golaha Wakiilada ee hadda dhawr jeer ayey u kordhisay, ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wey u kordhisay, Daahir Rayaale-na wey u kordhisay, ee muddo kordhinta xaalasha u noqotay Xukuumaddiihii Cigaal iyo Daahir Rayaale ee Axmed Siillaanyo maxa sharci daro ka dhigaya, cid u diidaysa ma jirto, Golaha Guurtiduna iyaga ayaa xaq u leh muddo kordhinta”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa mar uu ka hadlaayey Isbahaysiga Mucaaradka ayaa yidhi “Bulshadu uma baahna dhibaato, khal-khal iyo rabshad, dad Mudaharaad garanayana maaha, oo waxba kama yaqaana sida loo dhigo Mudaharaadka, qof walbana nolol maalmeedkiisa ayuu xarbiyayaa,markaas haddii dad noloshoodii la talacaya la yidhaahdo mudaharaada dhib mooye dheefi ka dhalan mayso, ee Mucaraadku waxa aan leeyahay dalka dawlad ayaa ka jirta, ee xadkiina ku eekada, wax dhib ahna dadka ha u horseediina, ee haddii aad wax tabanaysaan sharciga u mara, oo dadka dhibta ka daaya”.