Jaamac-Shabeel Oo Ka Jawaabay Hadalkii Xasan Sheekh

0
673

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee  Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu ku eekado dalkiisa, oo aanu ku mashquulin Somaliland, waxaanu uga digay in aanu sheegan Dekadda Berbera.

1

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii uu Madaxweynuhu ku kala qaaday labada Doorasho waxaanu yidhi “Xasan Sheekha Somaliya, waxaan leeyahay waxaad ku daalaysa oo aad ku xiiqaysa wax aanad dantaada hayn, ee inta aad Somaliland hadal hayso, waxa ku haboon inaad ku eekado dalkaaga iyo dadkaaga, waxaana kaga digaynaa in aanad sheegan mar kale Dekadda Berbera, ogowna in aanad Dekadda Berberi ay ku taalo Somaliland ee aanay ku oolin Somaliya”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Wada hadalo ayaa u socday Somaliland iyo Somaliya, wada hadaladaasna waxa qodobadii lagu heshiiyey burburiyey maamulka Somaliya oo uu hormood u yahay Madaxweynaha Somaliya, waxaana u haboon Madaxweynaha Somaliya in aanu isku mashquulin Somaliland ee uu hawlaha u yaala ee ka dayacan uu ku mashquulo”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey go’aankii Madaxweynaha ayaa yidhi “Saddexda Xisbi waxay isku raaceen inuu Madaxweynuhu go’aan ka gaadho saami qaybsiga, kalsooni ayeyna siiyeen, markaas haddii uu Madaxweynuhu door biday go’aana uu ku gaadhay in Doorashada Wakiilada dib loo dhigo si xal loogu helo saami qaybsiga, waa in lagu wada qancaa, sida cadna dadka reer Somaliland shucuurtooda iyo inay taageersan yihiin go’aankii Madaxweynaha ayey muujiyeen, Beesha Caalamkuna waa inay nagu taageeraan”.