Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Muxaafadka ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo isagu ka mid ah Garabka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo Garabkoodu soo dhaweeyey yeelayna talooyinkii ay u soo jeediyeen Golaha Guurtida, dibna u dhigay Shirkii Golaha Dhexe ee ay u balameen inay qabtaan Maanta, ayaa Garabka ka soo horjeeda ee taageersan Musharaxnimada Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inay qaataan soo jeedinta Golaha Guurtida. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Muxaafadka ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Anagu waanu qaadanaynaa, waanu yeelay, waana soo dhaweeynay hadalkii iyo go’aankii Xubnaha Golaha Guurtida ee loo xilsaaray soo afmeerida khilaafka ka dhex jira Xisbiga, Shirkaygii Golaha Dhexe oo Bari (Maanta), ku beegan dib ayaanu u dhignay, oo Guurtida ayaa naga codsatay in aanu dib u dhigno”. Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaama aanu anagu dib u dhignay, waxa wacnaan lahayd in Garabkan kale ee iyana ku adkaysanaya inay qabsadaan Shirka Golaha Dhexe inay iyana dib u dhigaan,oo sida aanu I ixtiraamnay, una tixgelinaya Golaha Guurtida, inay iyana u tixgeliyaan, una Ixtiraaman”.