Jaaliyadda Somaliland Ee Ingiriiska SSUK Oo Guddoomiye Cusub Dooratay

0
950

Picture2London (Geeska)- Xubnaha ururka ay ku bahowday Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska oo magaceeda loo soo gaabiyo SSUK ayaa Axaddii toddobaadkan ee 17ka Bisha Siddeedaad 2014ka isugu yimi shirweynihii guud ee jaaliyadda SSUK (Somaliland Society UK), kaas oo ay ajandayaashiisa ka mid ahaayeen, in loogu doorto hoggaan cusub, la is xaal waraysto, loona sii dardar geliyo hawlaha iyo isku xidhnaanta jaaliyadda. Kulankan oo ahaa mid si ballaadhan loo soo agaasimay marti sharafta ka soo qayb gashay waxaa ka mid ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamanka dalka Ingiriiska, wakiilka Somaliland ee UK iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Khudbado kala duwan oo kulankan jaaliyadda SSUK laga jeediyey ayaa si gaar ah ay isku mid masuuliyiintii kala duwanayd iyo xubnihii jaaliyadda u hadlayba ay diiradda ugu saareen ereyo dhiirri gelinaya midnimada iyo wada jirka jaaliyadda reer Somaliland, waxa kale oo ay aad ugu adkeeyeen dhammaan xubnaha jaaliyadda in si fardi ah iyo si wadar ahba loo sii dardar geliyo dadaallada aqoonsiga diblumaasiyadeed dunida loogaga raadinayo qadiyadda Somaliland. Waxa kale oo dardaaranno iyo guubaabo dhiirri gelin ah loo jeediyey masuuliyiinta kala duwan ee jaaliyadda somaliland ee Ingiriiska, kuwii xilka banneeyey iyo kuwa gebo-gebadii kulankan guud loogu doortay hoggaanka.

Gebogebadii kulankan ayaa sidii qorshuhu ahaa lagu doortay madaxda cusub ee jaaliyadda Somaliland hoggaamin doonta labada sano ee soo socda, cod gacan taag ah oo ayaana lagu doortay guddoomiyaha, guddoomiye-ku-xigeenka iyo xubnaha siddeeda ah ee noqon doona guddida hoggaamisa jaaliyadda, masuuliyiintaas oo dhammaantood mid mid loogu codeeyey. Iimaan Maxamed Ciise ayaa uu shirweynuhu u doortay, guddoomiyaha jaaliyadda SSUK ee labada sano ee soo socda, guddoomiye-ku-xigeenna waxaa loo doortay Cabdinaasir Caynaawi. Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Md. Iimaan oo ah aqoonyahan hore uga tirsanaan jiray xildhibaannadii golayaashii deegaanka Somaliland ee kuwa hadda ka horreeyey, waxa uu sidoo kale hore u ahaan jiray guddoomiyaha ururka jaaliyadda reer Somaliland ee Galbeedka London. Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisuba isla madasha shirkan ayaa ay kula wareegeen xilka guddoomiyenimo ee loo doortay. Guddoomiyihii hore ee jaaliyadda SSUK Cabdalla Saalim oo xil-wareejintii ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qabsoomidda shirkan, oo uu sheegay in uu si aad u qurux badan u dhacay. “Waxa aan ballan qaadayaa in aan la shaqayn doono guddoomiyaha cusub” ayaa uu yidhi guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda SSUK Md. Saalim, isaga oo intaas ku sii daray in uu aqbalay soo jeedin uga timid guddoomiyaha oo ah in uu ka mid noqdo guddida cusub ee jaaliyadda si uu khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisa jaaliyadda ula wadaago.

Ugu dambayntii waxaa shirkaas soo xidhay safiirka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Cali Aadan, waxa aanu madashaas ka jeediyey ereyo waano, tusaalayn iyo dhiiri gelin isugu jira oo ku waajahan guud ahaan jaaliyadda reer Somaliland ee Ingiriiska gaar ahaanna masuuliyiinta cusub ee loo doortay hoggaanka jaaliyadda, oo uu sidoo kale hambalyeeyey.