Jaaliyada Somaliland Ee China Oo Casho-sharaf Ku Soo Sagootiday Tifaftiraha Geeska Afrika

0
610

Hargeysa(Geeska)-Jaaliyadda Somaliland ee dalka Shiinaha ee ku nool magaalada Guangzhou ee gobalka Guanngdong ee dalkaas, ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo muddo ku maqnaa dalkaas.

1

Casho sharaftaas oo ay soo abaabuleen ardayda iyo ganacsatada reer Somaliland ee ku nool magaalada Guangzhou, ayaa waxa ay ahayd mid sagootin ah, waxaana kala qayb galay wakiilka Somaliland ee dalka Shiinaha Cabdi Saleban Mingiste iyo wakiil ku xigeenka Cabdifataax Cilmi Muxumed, waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Dr. Khadar Ismaaciil Xasan oo dalka China ku bartay caafimaadka kuna diyaariyay shahaadada labaad ee master oo uu hadda gunaanadkeedii ku jiro, waxaanu Dr. Khadar sheegay in casho sharaftu tahay mid ay jaaliyadu garteen inay ku nabad gelyeeyaan tifaftiraha Geeska Afrika oo muddo kooban dalka la joogay, “Waxaan u mahadcelinayaa  ardayda iyo ganacsatada ka soo qayb galay kulankan casho sharafta ah ee aynu ku sagootiyayno walaalkeen Maxamed-Rambo oo muddo dalkan inala joogay haddana ku sii jeeda dalkeena hooyo.” ayuu yidhi Dr. Khadar oo  sidoo kale ka waramay xaaladda ay ku suganyihiin dhallinyarada iyo dadka kale ee Somaliland ee ku nool dalkaas oo isugu jira ganacsato iyo arday, waxaanu sheegay in dadka reer Somaliland ee China yihiin kuwo isku duuban oo iska war haya hadba waxa ay ku suganyihiin.

2

Wakiilka Somaliland ee Shiinaha Cabdi Maxamuud Saleban (Mingiste) oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa jaaliyadda Somaliland ee dalka Shiinaha uga mahadceliyay sida ay isugu duubanyihiin, waxaanu sidoo kale sheegay in mudadii uu halkaas joogay uu sameeyay xidhiidho diblomaasiyadeed oo kala duwan oo  uu isku xidhayo Shiinaha iyo Somaliland. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka war hayo xaaladda ardayda Somaliland ku suganyihiin.

Ganacsade Guuleed Xaaji Muuse oo degen dalka Shiinaha kana mid ah dhallinyarada ganacsatada ah oo isna halkaas ka hadlay, ayaa wuxuu soo jeediyay in la isku duubnaado reer Somaliland ahaan oo la iska war hayo, isagoo u mahadceliyay dadka kala duwan ee kulankaas cashada ah ka soo qayb galay.

Dr. Axmed Cabdiraxmaan oo ah wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda deegaanada Puntland oo isaguna barta culuunta caafimaadka, oo kulankaas cashada ah ka qayb galay ayaa wuxuu dhallinyarada reer Somalialnd ku ammaanay sida ay isugu duubanyihiin, isagoo kula taliyay inay halkaas ka sii wadaan isku duubnimada.

3

Tifaftiraha Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), ayaa jaaliyadda Somaliland ee dalka Shiinaha uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen iyo weliba sida ay u caawiyeen mudadii saddexda toddobaad ahayd ee uu dalkaas joogay, “Ma garanayo ereyo iyo weedho aan idiinku mahadceliyo, keliya waxaan idin leeyahay Alle ha idinka jisaa’I siiyo sida aad ii soo dhawayseen ee aad ii caawiseen mudadii aan idinla joogay. Sidoo kale waxaan idiinka mahadcelinayaa casho sharaftan sagootika ah ee aad ii samayseen, ugana timaadeen shaqooyinkiinii, waxaanan idin leeyahay sidaas isugu duubnaada oo iskaga wara haya.” ayuu yidhi tifaftiraha Geeska Afrika.

Jaaliyadda Somaliland ee degen dalkaas Shiinaha ayaa isugu jirta arday waxbarasho halkaas u joogta iyo ganacsato dalkaas wax ka soo dhoofiya. Ardayda ayaa waxa ay bartaan culuuno kala duwan oo isugu jira caafimaadka, injineerka iyo barashada culuunta maamulka ganacsiga. Waxaanay ardaydani fure u noqdaan dadka reer Somaliland ee dalka Shiinaha u taga hawlaha kala duwan.