Jaa’isado La Guddoonsiiyay Arday Ku Guulaystay Tartanka Ka Socday Machadka Imaam Ibnu-Baaz

0
614

Picture1Hargaysa(Geeska):-Munaasibad Jaa’isado Lagu Gudoonsiinayey Arday Ku Guulaysatay Tartan Mudo saddex Bilood Ah Ka Socday Machadka Imaamu Ibnu-Baaz gaar ahaana qaybta dumarka Ayaa Lagu Qabtay hoolka shirarka ee jaamacada golis Magaalada Hargaysa.

Sidoo kale Munaasibadan ayaa ku qotontay sidii qaar ka mid ah culimadu ardayda ugu gudbin lahaayeen kalmad ku saabsan fadliga barashada cilmiga shareecada islaamka waxaana ka soo qayb-glaya Guddoomiye Ku Xiggeenka jaamacada golis ,Hormuudka Kulliyada Shareecada Ee Isla Jaamacadaasi, Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) Maamulka iyo Macalimiinta Machadka Ibnu baaz Iyo ardayda Munaasibadan loo qabtay ee Gabdhaha ah.

Mubaarig Suldaan Axmed oo ah Maamulaha Qaybta Dumarka ee Machadka Imaamu Ibnu Baaz Islamarkaana ka mid ahaa qaban-qaabiyayaashii tartankan ayaa ka waramay maraaxilkii uu tartankani soo maray, iyo cidii ka qayb-gashay waxaana uu yidhi:-“Musaabaqadani waxa ay ahayd musaabaqadii ugu balaadhnayd ee laga qabto mahadka ibnu baaz waayo waxa ay ahayd rag iyo dumar waxa ay socotay muddo saddex bilood ah inamada iyo hablahaba, waxa lagu tartamay galin hore iyo galin dambe , waxaana soo baxay hal fasal oo inamo ah iyo hal fasal oo hablo ah.

Maamulaha Guud ee Machadka Imaamu Ibnu Baaz Sheekh Faysal Yuusuf Cilmi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wax ilaahay loogu mahad-naqo ay tahay in Machadka Imaamu Ibnu baaz ay wax ka bartaan hablo iyo inamo u diyaara barashada shareecada, waxaana uu sheekhu uu hablaha munaasibadan loo qabtay kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan dacawada“ Marka aynu waaqaca u fiirsano ee ina sugaya hablow cilmigan aad baranaysaa waa waaqic laysku haysto gaalo iyo munaafaqiin iyo dad fara badan oo u ololaynaya  in ay hablaha diintooda ka kharibaan una saaraan saylada iibsiga dumarka”.

Sheekh Faysal Maamulaha Machadka Ibnu Baaz isagoo ka waramay waxyaabaha lagaga gudbi karo caqabadahaasi waxa uu yidhi:-“waaqacaa aad maanta arkaysaan hablow waxa aynu u baahanay hablo fikira waxa aynu u baahanay inan hami xambaarsan , hamiga ay xambaarsan tahayna uu yahay bal waaqican madaw ee inagu weegaaran inantan qaawan ee suuqa maraysa , inantan gaalada daba-socota ,hooyadan shandada weyn qaadatay ee lagu yidhi xuquuq baa kaa maqan yaa soo celinaya ,waxa aynu u baahanahay walaalayaal in ay habluhu fikir badan keenaan”.

Guddoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Golis Nimcaan Cabdi Cali oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka wax bartay uu waajib ka saaran yahay in wixii ay barteen dadka iyo dalkaba ay uga faaideeyaan“Runtii waxa aad moodaa dunidan maanta la joogo hirdan badanbaa ka jira markaa waxa la doonayaa maanta haddii hablo intan leeg tiradoodu oo qaybtii dacwada ku jira ,duruustii dacwiga ku jira waxa weeyaan in dacwada la fidiyo wixii xun ee aad aragtid aad wax ka qabatid oo aanad odhan maxaa iga galay , diinta, dadkaba iyo dalkanba waajibaa inaga wada saaran”.

Sheekh Muuse Maxamed Cabdiraxmaan oo ah Hormuudka Kulliyada Shareecada ee Jaamacada Golis ayaa halkaasi ka jeediyey kalmad ku saabsan Fadliga Cilmiga Sharciga Ahi leeyahay ,halka sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi(Berberaawi) uu isna halkaasi ka jeediyey kalmad ku qotontay ku dhaqanka cilmiga diiniga ah ka dib barashadiisa.

Gabagabadii waxa Munaasibadaasi jaaisado kala duwan lagu guddoonsiiyey ardaydii guulaha ka gaadhay tartankii muddada saddexda bilood ah u socday ardayda Machadka Ibnu Baaz gaar ahaana qaybta dumarka.