Itoobiya Oo Isha Ku Haysa Dalka Masar Iyo Jawaabta Masar

0
770

Addis-Aba(Geeska/W.Wararka)-Wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa Arbacadii u yeedhay safiirka Masar u jooga Itoobiya, Abubakar Xanfi, si loogala xaajoodo wax loogu yeedhay xaalada dalka Itoobiya ee wakhtigan xaadirka ah.

1

Wakaalada wararka ee Itoobiya ayaa xustay in wasiiro-dawlaha wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya, Taye Selesse, uu kulan la qaatay safiirka iyaga oo ka wada-hadalay xidhiidhka labada dhainac. Shirka labada diblamaasi ayaa diirada lagu saaray sida warbaahinta Masar ay u tabiso dhacdooyinka Itoobiya, gaar ahaan kacdoonka Oromada ee todobaadkii ugu danbeeye.

Waxaa xusid mudan, in ay jiraan kumaakum qaxooti Oromo ah oo Masar u fidisay magan-galyo siyaasdeed. Dawlada Qaahira ayaa sheegtay in ay raacayso xeerka caalamiga ah ee daryeelka

Masar ayaa iyaduna beeniysay in ay faraha kula jirto arrimaha Itoobiya, waxaanay waxba kama jiraan ku tilmaanay warar ay warbaahinta Turkigu baahisay oo ahaa in Masar ka dambayso xasaradaha Itoobiya ka socda.

Waxaa xusid mudan, in ay jiraan kumaakum qaxooti Oromo ah oo Masar u fidisay magan-galyo siyaasdeed. Dawlada Qaahira ayaa sheegtay in ay raacayso xeerka caalamiga ah ee daryeelka qaxootiga, laakiin Itoobiya ayaan ku faraxsanayn shirar iyo ololle ay wado jaaliyada Oromada ee Masar kuwaas oo taagero loogu muujiyey kacdoonka ka socda ismaamulka Oromada.

Labada dawladood ayaa weli ku muransan sidii looga wada faa’iideysan lahaa biyaha wabiga Nile iyada oo Masar walaac ka muujisay dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ka wado wabiga.