Isuduwaha Gudiyada Amaanka Ee Dawlada Hoose Hargeysa Oo Ku Baaqay Dhalinyarada Rabshadaha Samaysa In Si Adag Loo Waajaho

0
466

 

Hargeysa( Geeska )-Isku duwaha nabadgalyada dawlada hoose ee magaalada  Hargeysa Md.Maxamed Xirsi Cumar, ayaa si adag ugu baaqay booliska,gudiyada nabadgalyada iyo maxkamadaha inay iska kaashadaan danbiyada ay  ku kacaan dhalinyarada magaalada oo uu sheegay inay isku laayaan kooxo kooxo iyo dadka oo ay moobaylada kaga qaadaan dariiqyada.

Maxamed Xirsi waxa sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu carabka ku adkeeyay in dhibta ugu weyn ee dhanka amaanka ka jirta caasimada ay tahay caruurtaas koox kooxaha iska laynaaya, dadka ku dhaca dareeqyada isaga oo sheegay in hadii aan wax laga qaban ay faraha ka sii baxi doonaan.

Waxaanu isku duwaha nabadgaylada ee dawlada hoose Maxamed Xirsi isaga oo arimaas ka hadlaaya uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Dhibka ugu weyn ee dhanka amaanka caasimada ka jiraa waa caruurta, caruurtii oo intay ciida ka badatay aad moodo in aan cidiba dhalin, oo hooyooyinkiina jiidhay aabayaashiina aanay jirinba,runtii arintaasu waa arin xaasaasiya iyagiibaa is jaraaya dadkiina moobayladii bay ka qaadayaan,waxaad moodaa waxbarashadiiba in tilifishankii kaga  awood batay.”

“ Waxa si weyn loogu baahan yahay in arimhaas laga tashado, lana sameeyo wacyi galin xoogan oo waalidiinta ah, waxay isku laynayaan marka kubada wada ciyaaraan iyo xaafad xaafad dadkiina dhiibto ayay I keenayaan iyagiina dhaawacyo ayay isku gaysanayaan. Markaas waxay ila tahay in la sameeyo wacyi galin badan, maxakamadahana loo soo jeediyo inay si dagdag ah talaabo uga qaadaan qofka la soo qabto, kulan ay arintaas hoos loogu eegayna ay wada yeeshaan saldhigyada booliska,maxkamadaha iyo gudiyada xaafadaha. Waana in marka boolisku ay soo qabtaan ee la sugo waxa uu samaynaayay si dhaqso ah loo xukumo oo ama xabsi loo diro ama ganaax ay waalidiintu dareemaan dhibkiisa lagu xukumo. Arintaasi waa mid u baahan wax ka qabsho weyn.”

masuulkan ayaa ah isku duwaha dawlada hoose gudiyada nabadgalyada ee magaalada Hargeysa,  gudiyadan oo ka jira dagmooyinka magaalada, isla markaasna haay’adaha amaanka ka caawiya amaanka magaalada,lana socda dhaq dhaqaaqyada xaafadaha ee ku lidiga ah arimaha amaanka.