Is-Ilaalintii Kim Ee Kulankii Trump: Waxa Uu Hore U Sii Qaatay Cuntadiisa, Qalinka Saxeexa Iyo Suuligiisa

0
3685

Kamaal Marjaan

Singapore (Geeska) – Waxa uu ahaa kulan illaa saacadihii u dambeeyey ee qabsoomiddiisa ay dad badani filayeen in aanu suurtagal ahayn. Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Maraykan ahi uu la kulmo hoggaamiye Kuuriyada Woqooyi ah. Sidaa awgeed, waxa ay dad badani is weydiinayeen sababta uu Trump kulankan gaar ugu xiisaynayey, isaga oo la ogyahay in uu deyriyey ama ugu yaraan ka cadhaysiiyey dalal badan oo dalkiisa xulafo iyo saaxiib la’ ahaa abid, iyo sababta uu heshiis xakamaynta Nukliyeerka la xidhiidha uga doonayo Kuuriyada Woqooyi, isaga oo laalay heshiiskii la midka ahaa ee uu hore dalkiisu Iiraan ugula jiray.

Waxa uu maluhu u badan yahay in sababta ugu weyn ee Trump uu wadaxaajoodkan ula furay Kuuriyada woqooyi ay tahay in uu ku guulaysto abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda, ‘Peace Nobel Prize’. Laakiin macnuhu ma’aha in Kuuriyada woqooyi ay ku dagsoomayso ujeedadaas qarsoon ee Trump. Sida muuqata Kuuriyada woqooyi waxa ay go’aansatay in Trump ay siiso fursaddaas uu abaalmarinta ku raadinayo, maadaama oo iyadana ay kulankan ugu jirto faa’iido ka weyn ta uu Trump ka helayo ee ah mid shakhsiyaddiisa uun ku kooban. Waxa uu kulankani Kuuriyada woqooyi u yahay dan qaran iyo tallaabo hore loo qaaday oo lagu sugayo jiritaankeeda, marka hore Maraykanku indhaha ka qarsan jiray.

Kuuriyada Woqooy  weligeedba waxa ay ahayd dal dunida ka go’doonsan, oo mararka qaarkood lagu sigto in lagu tiriyo dal aan kuba jirin, adduunka. In madaxweyne Maraykan uu la kulmo Kim Jong-un waa calaamad rajo oo Kuuriyada woqooyi iyo dunidaba tusaysa in Kuuriya ay hadda kaddib tahay dal tirsan, iyo in ay leedahay muhiimada illaa heer diblumaasiyaddeedu gaadhsiisan tahay in ay la fadhiistaan, gorgortaan iyo wadaxaajoodna la gasho quwadda Maraykan. Waxa ay ugu yaraan tixgelin u tahay quwaddeeda iyo kaalinta ay Kuuriyada woqooyi dunida ku leedahay.

Haddaba, marka laga yimaaddo muhiimaddaas siyaasiga ah ee uu kulankani u lahaa Trump iyo Kim, waxaa jira dhinac kale oo ay warbaahinta dunida iyo xeeldheereyaasha sida dhow ula socday kulanku si aad ah indhaha ugu hayeen. Waa habdhaqanka labada hoggaamiye ee intii kulanku socday iyo horteed yar, taas oo xeeldheereyaashu ka akhrisanayeen dareenka mid kasta u qarsoon. Habdhaqannada iyo ficillada aad loo faalleeyey ayaa waxaa ka mid ahaa:

Sarrayn iyo adkaan muuji:

Madaxweynaha Maraykanka Donald Turmp waa 72 jir ah, da’dii ugu weynayd taariikhda Maraykanka ee xilkaas qabata, marka la eego da’da uu ahaa markii xilka loo dhaariyey. Halka hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi ee ay kulmayeenna uu yahay hoggaamiyihii abid ugu da’da yaraa taariikhda Kuuriyada woqooyi iyo taariikhda casriga ah ee dunida kalaba, ee hoggaamiye dal noqda, kaddib markii uu xilkaas qabtay sannadkii 2011 ka isaga oo 27 sano jiray.

Kala duwanaanshiyahaas weyn ee dhinaca da’da ahi, waxa ay ka mid ahayd arrimaha sida gaarka ah isha loogu hayo, gaar ahaan Trump oo loo fiirsanayey, habdhaqankiisa iyo sida uu ku qaabilo hoggaamiyahan ay isku da’da yihiin wiilkiisa saddexaad ee Eric Trump, oo ay labadooduba dhasheen bishii koowaad ee 1984 kii. Sababta muhiimadda aadka ah siisay da’du, waa kulanka maalintii kulankan Kim Jong-un ka horreysay uu Trump la yeeshay raysalwasaaraha da’da yar ee dalka Kanada Justin Trudeau. Raysalwasaaraha Kanada oo lix gu’ oo keliya ka weyn wiilka ugu weyn carruurta Trump ayaa si aad ah uga soo cadhaysiiyey madaxweynaha Maraykanka, markii ay labadooduba ka qaybgelayeen shirka toddobada dawladood ee dunida ugu ladan, oo kalkan lagu qabtay dalka Kanada.

Waxa isaguna kulankaas ka sii horreeyey mid sannadkii hore magaalada Paris ay ku yeesheen madaxweyne Trump iyo madaxweynaha dalka Faransiiska oo isagu la da’ ah wiilka curad ee Trump oo ay labadooduba sannadkii 1977 kii bishiisii laba iyo tobnaad dhasheen.

Kulankaas Trump iyo Macron, ayaa ay warbaahinta dunidu aad u faallaysay qaabka uu madaxweynaha Faransiisku u gacanqaaday madaxweynaha Maraykanka, oo uu ku qancin kari waayey ku sii jirista heshiiskii isbeddelka cimilada ee Trump markiiba ka baxay. Kamaradaha ayaa soo qaaday muuqaallo muujinaya in markii ay is gacan qaadayeen, uu Macron si ula kac ah ugu itaalsaday gacanta madaxweynahan da’da ah. Waxa aana la arkayey gacantiisa oo la dhiigroortay cadaadiskii xoogganaa. Falkaas ayaa lagu macneeyey in uu ahaa u awood sheegasho jidheed.

Haddaba Trump oo laga yaabo in uu xasuusanyahay wixii hore u soo kala gaadhay wiilashaa da’da yar ee hoggaamiyeyaasha dunida ka midka ah, ayaa la sheegay in markan uu la kulmayey Kim laga dareemay is adkayn iyo is dhalinyarayn badan. In kasta oo xeeldheereyaasha gorfeeyey macnaha ku duugan ishaarooyinka wejiga iyo dhaqdhaqaaqa jidhka ee Trump iyo Kim, ay sheegeen in labadoodaba bilowgii laga dareemayey sakati iyo didmo, iyo in xaalku ka yara qasan yahay. Haddana hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi ayaa isagu dhankiisa u muuqday mid doonayey in uu sida raggii hore ee da’da yaraa, isna markiisa ugu itaal sheegto madaxweyne Trump.

Qol weyn oo lagu sharraxay calamada Kuuriyada woqooyi iyo Maraykanka, ayaa ay labada hoggaamiye ka soo galeen laba albaab oo ka furnaa labada jiho ee iska soo hor jeeda. Ilbidhiqsiyadii u horreeyeyba, Trump oo la arko in uu dhoollatus caafimaad iyo nafsi wado, ayaa tallaabo dheerayn ay isku kalsooni ka muuqato ku soo galay masraxa, oo dhinaca Kim u socday, intaas kuma uu ekaan ee markii uu Kim gacanqaaday waxa uu u salaaxay garabka, taas oo ah calaamad isweynayn ah oo hoggaamiyeyaashu u isticmaalaan in ay rayulcaamka tusaan in masuulka la taagani ka hooseeyo oo xannaanayn iyo koolkoolin ka mudan yahay. Laakiin jawaabta Kim Jong-un ma’ay noqon mid sahlan. Sida muuqatayna isaga qudhiisu dhankiisa ayaa uu ka ballansanaa, oo gacanyareyaashiisa ayaa hore farta ugu soo fiiqay goljilicda odayga uu la kulmayo. Sidaa awgeed, salaan inta uu gacanta ka buuxsaday taabka Trump ayaa uu si aad uu xooggan u gacanqaaday. Kamaradda warbaahinta ma’ uu eegin Kim, ee indhaha ayaa uu indhaha ugu beegay Trump oo uu dhowr ilbidhiqsi indho qallafsan ku eegayey, waa calaamad u xoog sheegasho iyo muujin sarrayn ah, weliba marka lagu daro in Kim Jong-un uu ku guulaystay in markii ay is gacan qaadayeen Trump, ay gacantiisu sarrayso. Taas oo iyaduna ah calaamad hoggaamiyeyaashu ku muujiyaan in masuulka ay la kulmayaan ay ka sarreeyaan. Kim intaas kuma uu hadhin, ee haddana markii ay dhaqaaqeen ayaa uu gacantiisa dhabarka ka saaray Trump, taas oo ah astaan kale oo lagu muujinayo in ruuxan aad la kulmaysaa yahay ruux xannaanayn iyo ilaalin kaaga baahan.

Marka ficilladii labadan nin ee kulanka koowad la is barbardhigana, waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in aanay labada hoggaamiye kala badin, oo uu mid kastaa kan kale iska caabbiyey, una muujiyey sarrayn.

Arrimaha kale ee xiisaha gaarka ah lahaa kulankan waxaa ka mid ahaa feejignaanta dhinaca ammaanka ee uu Kim Jong-un sameeyey. Taas oo inta tusaysa sida uu u fahamsan yahay dhagarta sirdoonnada reer galbeedka iyo in aanu ku dagsoomin dhoolla caddaynta diblumaasiyadda, ee ay qamuunyadu ka dambayn karto.

  1. Bedeladdii duulimaadka

In kasta oo uu niyadwanaaggaasi jiray, haddana madaxweyne Kim-jung Un waxaa ka muuqatay feejignaan dheeraad ah iyo in uu ka diyaargaroobay in kulankani uu noqdo mid ujeedo badan ah oo isaga lagu waxyeelleeyo. Arrintaasi waxa ay dunida in badan oo ka mid ah tustay in Kuuriyada woqooyi ay tahay dal leh gun dheer oo dawladnimo iyo faham fog oo sirdoon. Waxaa la fahmayey in kulankan ka hor ay masuuliyiinta Kuuriyada woqooyi dhan walba ka eegeen faa’iidada uu leeyahay iyo khasaaraha ka dhalan kara.

Dareenka ugu horreeyaana waxa uu ahaa in laga feejignaado in aanu kulankani noqon mid sirdoonka Maraykanku ku dhagrayo hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi. Waxyaabaha arrintaas muujinaya ee dhacay waxaa ka mid ahaa. diyaaradda sidday hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi intii ay hawada ku soo jirtay, ayaa mar keliya si lama filaan ay u beddeshay khadkii ay ku duulaysay iyo tirsiga duulimaadka.

Diyaarad Boeing 747 ah ayaa axaddii toddobaadkaas ka kacday magaalada Pyongyang ee caasimadda Kuuriyada woqooyi, waxa aanay ku socotay duulimaad tirsigiisu ahaa CA122 oo ku jihaysnaa magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha, lama ogeyn cidda saaran, laakiin marka la eego nooceeda iyo jihada duulimaadkeeda, la ismaba weydiinayn warka diyaaraddan. Waxa uu u muquday duulimaad rakaab oo la mid ah kuwii horeba labada dal isaga gudbi jiray maalin kasta. Laakiin muddo ay hawada ku soo jirtay kaddib, ayaa ay diyaaraddani mar keliya beddeshay tirsigii duulimaadkeeda oo ay ku dhawaaqday in uu yahay CA61 iyo jihadi ay ku socotay oo ay sheegtay in ay tahay Singapore oo ah halka uu kulanka labada hoggaamiye ka dhacayey. Intaas oo keliya ma’aha, balse hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi diyaaradda uu saaranyahay, waxaa hawada Shiinka ka soo raacay kolonyo diyaaradaha dagaalka Shiinaha ah oo ilaalinayey. Waxa ay ahayd calaamad muujinaysa in hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi uu qabo cabsi ah in la khaarajiyo.

Wargeyska ‘South China Morning Post’ oo arrintan wax ka qoray ayaa hawlgalkan diyaaradaha Shiinuhu ku ilaalinayaan hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi, waxa uu ku sheegay, hawlgalkii abid ugu ballaadhnaa ee lagu sugayo ammaanka duulimaadka hoggaamiye dal. Dhinaca kalana waxa ay ahayd farriin dadban oo uu Shiinuhu dalka Maraykanka ugu sheegayey in uu taageersan yahay Kim Jong-un, noloshiisuna muhiim u tahay.

  1. Bedeladdii Qalinka

Markii labada hoggaamiye kulankooda soo dhammaysteen ee ay warbaahinta horteeda ku saxeexayeen warqadda is-fahamka, Trump sida caadiga ah waxa uu adeegsaday qalinkii ku jiray jaldiga warqadda heshiisku ku dhex jirto. Laakiin Kim isagu ma’ uu qaadan qalinkii loo soo raaciyey, mana uu taaban. Walaashii oo ahayd gacanyaraha uu marka horeba ku aaminay in ay raacdo ayaa si degdeg ah u soo saartay qalin ay sidday oo inta ay ku soo dhowaatay u dhiibtay.

Waxa ay arrintan xeeldheereyaashu ka fahmeen in ay tahay cabsi uu Kim ka qabo in uu qalinkani uu ahaan karo mid la soo mariyey sun nooca muddada fog wax ku disha ah. Sababta kalana waa hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi oo ka taxaddarayey in qalinkan uu taabto, kaddibna halkaas laga leh dheecaankiisa hidda-sidaha (DNA giisa).

Waxa kale oo soo jiitay dareenka dadka dhugmada leh ee joogay goobtii kulanka ama daawaday, sida feejignaanta leh ee uu hoggaamiye Kim Jong-Un isaga ilaaliyey in uu taabto miiska hareerihiisa iyo wax kasta oo goobta yaallay.  Taas oo loo fasirtay in uu iska ilaalinayey in la helo hidde-sidhiisa DNA ama in sun hore loo sii mariyey uu taabto.

  1. Suuliga iyo cuntada

Hoggaamiyaha sirta badan ee koonfurta Kuuriyada woqooyi, Kim Jong-un ayaa la sheegay in feejignaanta dhinaca ammaankiisa ee uu sameeyey ay ka mid ahayd, in uu suuli gaar u ah oo la qaadi karo, ka soo qaatay dalkiisa. Waxa uu qorshihiisu ahaa in inta uu joogo Singapore aanu isticmaalin suuliga hudheelka ama goobaha kale ee uu tegeyo. Waa dadaal uu doonayo in aan kaadidiisa ama saxaradiisa la helin si aan loo helin DNA giisa. Waxa kale oo uu doonayey in aan shaybaadh lagu samayn oo halkaas aan laga ogaan xaaladdiisa caafimaad ee dhabta iyo xanuunnada uu qabo, haddii ay jiraan.

Kim Jong-un waxa kale oo uu hore u sii qaatay cuntooyinka uu cunayo inta uu joogo Singapore, sidaa awgeed marka keliya ee cunto aan u sii diyaarsanayn uu cunay, waxa ay ahayd markii isaga iyo madaxweyne Donald Trump ay wada qadeeyeen, taas oo ahayd cunto isku jirta oo labada hoggaamiye ay si siman weel ay ku wada jirto cuntadu looga wada guray. Si kalsooni loo helo oo aanay dhicin in midkood ka shakiyo in cuntada la siiyey ka duwan tahay ta la siiyey hoggaamiyaha kale.

Safarka Kim Jong-un ka hor waxaa dalka Singapore loo soo dhoofiyey gaadhiga gaarka ah ee hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, waxa aana la soo raaciyey ilaalo amni oo shaqadoodu tahay in gaadhi ay ka ilaaliyaan in qalab sirdoon lagu xidho ama cidi sun sii mariso. Markii uu Kim Jong-un uu soo gaadhay Singapore ayaa gaadhigiisa loogu geeyey gegida diyaaradaha oo uu raacay, isaga oo keliya ayaanu raacay intii uu joogay Singapore, in kasta oo madaxweynaha Maraykanka laftiisuna gaadhigiisa gaarka ah hore u soo qaatay, oo uu isaga isticmaalayey.

Marka la isku soo ururiyo kulanka labadan hoggaamiye, waxa uu ahaa mid xiise gaar ah u sameeyey dadka gorfeeya diblumaasiyadda iyo kulamada madaxda caalamiga ah, waxa kale oo uu macno u sameeyey dadka daraaseeya luuqadda jidhka iyo dareenka indhaha qofka laga akhristo, waxa aana hubaal ah in uu muddo noqon doono tusaale qolo kastaa u soo qaadato dooddooda la xidhiidha arrimahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here