Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabay Somaliya

0
609

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa safiir cusub u magacawday dalka Somaliya.

1

Ergaygii hore ee Dowladda Britain ugu qaabilsanaa dalalka Barwaaq-sooranka ee

(Commonwealth), Ambassador David William Concar ayaa loo soo magacaabay Danjiraha UK u joogi doona Somaliya, isagoo bedeli doona Danjirihii hore, Ms. Harriet Mathews oo xilkaasi qabatay bishii March 16-dii ee sannadkii hore, waxaana haatan loo bedelay Adeeg kale oo Diplomaasiyadeed.

Ambassador David William Concar waxa uu Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-sooranka ee dalka Britain (The Foreign and Commonwealth Office (FCO) ku soo biiray sannadkii 2004-tii, waxaana uu soo qabtay xilal kala duwan oo Diplomaasiyadeed.

Danjiraha cusub ee UK u soo magacowday

Somalia, Ambassador David William Concar oo ah Xaasle 3 carruur leh, waxaa la filayaa inuu xilka Danjirenimo ee Somalia la wareego bisha January  ee sannadka soo socda ee 2017-ka.