Ingiriiska Oo Cadeeyay Heerka Ay Gaadhay Shaqo La’aanta Dhallinyarada Somaliland

0
547

Hargeysa(Geeska)-Heerka ay marayso shaqo la’aanta dhallinyarada Somaliland ayaa u muuqata inay xadhkaha goosatay, waxaanay maraysaa meel xaasaasi ah. Warsaxaafadeed ay dawladda Ingiriisku ka soo saartay shirkii maalgashiga Somaliland ee Salaasadii ku qabsoomay London, ayaa waxa ay ku sheegtay in heerka shaqo la’aaneed ee dhallinyarada Somaliland uu u baahanyahay in deg deg wax looga qabto. “Somaliland, waxa ay shaqo la’aanta wiilasha iyo gabdhaha ay da’doodu u dhaxayso 25-34 jir ay marayaan 63% wiilasha ah oo bilaa camal ah iyo 80% haweenka ah oo bilaa camal ah. Arrintani waxay u baahantahay in si gaar ah diiradda loo saaro.” Sidaas ayay dawladda Ingiriisku ku tidhi warsaaafadeedka ay soo saartay, waxaanay intaas raacisay ka qayb galayaasha kulanki ay isku raaceen in caawimadu ay gacan ka gaysan karto kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga iyo shaqo abuurka.

Arrintan ay dawladda Ingiriisku ka dhawaajisay ee shaqo la’anata dhallinyarada Somaliland oo ay marka horeba shacabka Somaliland ogyihiin ayaa u muuqata masiibo haysata umadda Somaliland, waxaanay dadka reer Somaliland ee arrimaha dhaqaalaha faaqidaa ay ku tilmaamaan shaqo la’aanta dhallinyarada bamboo markay doonto si fudud u qarxi karta, haddii aan deg deg wax looga qaban.