Indhuhu Waxa Ay Dhowryaan Dhawaaqa Guddiga Doorashada

0
661

Picture3Hargeysa(Geeska)- In ka yar boqol maalmood ayaa ka hadhsan wakhtiga ay tahay inay dhacdo doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee Somaliland oo ah 26 June 2015, maalintaas oo ay ku eegtahay shan sannadood ka hor wakhtigii ay dhacday doorashadii hore ee madaxtooyadu.

Hase yeeshe marka la eego mudada kooban ee ka hadhsan 26 June iyo hawlaha qabyada ah  waxa soo baxaysa in ay adagtahay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto, waxaana intaas dheer inaan weli la isla qaadan wakhtiga kale ee ay doorashadu dhici doonto.

Xisbiyada mucaaradka oo qaba inaanay doorashadu dhacayn ayaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedaynaya inay dhigtay caqabado badan oo suurtogelinaya inaanay doorashadu qabsoomin, iyagoo ku doodaya inaanay xukuumadu wakhti hore sidii sharcigu ahaa uga soo bixin qaybaha kaga soo beegmay qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. Hase yeeshee xukuumaduna waxay ku doodaysaa inaanay waxba qabyo ku ahayn islamarkaana qabsoomida wakhtiga doorashada laga sugayo guddiga doorashooyinak qaranka oo iyaga uu distoorku siiyay awoodda qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Marka ay doodu sidaas tahayna waxa muuqata inay indhaha shacabku eegayaan guddiga doorashooyinka qaranka oo dhawr bilood oo ay xafiiska joogaan aan weli laga hayn war si rasmi ah u kala cadaynaya inay doroashadu qabsoomi doonto 26 June iyo haddii ay dib uga dhacayso wakhtiga ay qorsheeyeen inay qabsoonto.

Xubnaha guddiga doorashooyinka oo u muuqda inay aad uga taxadarayaan inay tibaaxo si fudud banaanka uga soo baxaan ayaa dhinacooda ku mashquulsan ka baaraan degga wakhtiga ay doorashadu ku qaban karaan. Waxaana kale oo suurtogal ah inay guddiga doroashooyinku ogyihiin xogo kale oo aanay weli ciddi ogaan oo la xidhiidha dhinaca taakulada doorashada. Arrimahan oo noqon kara sababo ku qasbaya inay afka xidhaan oo ay dhawaaqooda la sugaan wakhtiga ugu haboon si aanay geed xas leh si fudud ugu dhicin.

Waxase muhiim ah inay guddiga doorashoyinku maanka ku hayaan in indhaha shacabka oo dhami dhinacooda ku maqanyahay islamarkaana laga sugayo inay sida ugu dhaqsaha badan ee aan haddana deg deg ahayn umadda ula hadlaan iyagoo maanka ku haya jidka ka horeeya ee aan hawsha yarayn. Waxa muhiim ah inay guddiga doorashooyinku iyagoo dareensan culayska ay leedahay hawsha ay hayaan ay haddana muhiim tahay in ugu yaraan laga helo jad-walkooda shaqo ee diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee doorashada, taas oo dejin karta xaaladaha siyaasiga ah kana jawaabi karta su’aalo badan oo la iska weydiinayo wakhtiga ay doorashadu qabsoomi karto.