Inaynu Dhisno Dalka Waxa Ka Haboon Dhisitaanka Quluubta Dadka Iyo Midnimada Umadeena

0
775

Dhinacna waxaynu ku dhaqmaynaa nidaam beeledyo qabiilaysan oo lugaheena iyo gacma heena isku xidhay.Korodhka waayo aragnimo iyo isbedelka aqooneed ee ay ku talaabsato bulsho sahan iyo hayaan dheer ugashay horumarinta iyo xaqiijinta himiladeedu markasta waxay dunida kuso kordhisaa casharo iyo duruus ay kaga daydaan umadaha kale ee ka fikirka hooseeya.Taasina waa waxa dunida ukala qaybiyey sadexda bahood ee kala ah. dawlahada hore umaray, kuwa soo koraya iyo dunida sadexaad oo lagu xanto ma gudbayaal.

Si kasta oo loogu kala horeeyo taxanaha taariikheed waxa gundhig u ah isbedelkasta oo dhaca inay hormuud ka yihiin umad ka midaysan gudaha oo gacmaha is haysata iskuna raacsan khasaare iyo faaiido waxa laga kasbado dadaalada hormuudka ay ku noqon karaan.Inaguna waxaynu nahay dal yar oo hantay nabad gelyo iyo guulo isdaba jooga laakin ku jaahwareeray mucaarad iyo muxaafid aan lo meel dayin tiirka markasta siyaasigu cuskanayaana ay noqotay qabiilaysi ay mararka qaar gaadhayso in looga tanaasulo khaladaado badan.

Il waxaynu ku eegaynaa dawladaha horumaray oo aynu sidanaa fikradahii ay haatan hore uga mareen oo raba cidkastaa inay horta so raacdo dadaalkoodi dheera oon dusha lagaga boodin,Dhinacna waxaynu ku dhaqmaynaa nidaam beeledyo qabiilaysan oo lugaheena iyo gacma heena isku xidhay.

Hadaba hadaynu dhab u hubino dibu dhaceena isna waydiino afkaarta aynu ku horumarikarno waxaynu heli kartaa faaiidada ay leedahay inaynu isku duubnaanaa dhinaca bulshada iyo dhinaca axsaabta siyaasiga ahba.Waxa sido kale lagama maarmaan ah in aynu u aamino midnimadeenu inay tahay wadada keliya ee aynu umari karno hanashada iyo hirtelinta himiladeena ay ugu horayso inaynu dhisano dal iyo dad madax banana.Talooyinkanina waxay ahaan karaan kuwo soo dedejiya isku tiirsanaanta iyo midnimada bulshada reer Somaliland oo awoodi kara inay daah furan himiloyin ay so raacan raadkeena badiba wadamada afrikanka ah ee aynu dheernahay diinta iyo hoodadaba lakin nasiibku inooga hiiliyey

 1 wakhti iyo hanti lacageed waa inaynu ku bixinaa sidaynu udawaynlahayn dadka aaminsan reernimada qabiilaysan. Una muujinaa sidan diin iyo dadnimo toona ugu haboonayn qabyaalada.2 xukuumadu waa inay qorshayaasheeda ku darsataa inay siday dadka ugu qancin lahayd inay ceeb iyo nasiib darro inagu tahay raadadka qabyaaladu inagu reebtay.3- dhalinyarada waa inaynu ka dhiganaa jiilka ugu horaya ee laga badbaadin karo inay ugacan galaan taariikhaha caadifadaysan. Si ay udhamaystiraan dadaalka inagu aynu shumuceeda sii shidayno.4- iskuulada iyo wasaarada waxbarashada waa in lagu qoraa barnaamijyo ka sheekaynaya dibu dhaca qabyaalada iyo horumarka midnimada.5-axsaabta oo ah cida metelaysa inay inooga hormuud yihiin isbedelada siyasadeed waxa fiicnan lahayd in xeer dastuuriya lagaga xakameeyo ku dhaqanka qabyaalada iyo beelaha oo lagula hadlo reernimo wax aan maamus dadnimo oo siman aan ahayn.6-intaas ka dib waa in loo jeesto dhismaha iyo qurxinta raasamaalka aduunyo si ay u arkaan bulshada caafimaadka qabtaa halka ay gaadhay midnimadeeda iyo iska raali ahaan shaheedu.

 

 Maxamed Cabdirisaq Xasan

Somalilander in Dubai

Mabda111@hotmail.com