Marka aan Wax Hagaa Jirin, Siyaasi Kastaa Sidii ay uula eekeyd ayuu u Fasirtey Siyaasadda Shirkii Burco lagu Qabtey 1991 ee lagu go’aamiyey in Soomaaliland ay la soo noqotey madax banaanideeda,
waxa lagu doortey dawlad uu madax ka ahaa Abdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” (AHUN).
Dawladdaa waxa la siiyey laba waajib oo kala ahaa in muddo 2 sanadood gudahood ah ay ku qabato doorashooyin xor ah iyo iney 2 sanadood gudahood ku keento ictiraaf. Labadaa waajib ee la siiyey dawladaasi wax tafaasiil ah lagama bixin, lamana sameyn qorshe cado o muujinaya sidii labadaa arin lagu gaadhi lahaa. Duruufuhuba kumey simin oo waxa ay aheyd wakhti dalkuba marxalad adag marayey oo dawladda jirtey aaney heysan dhaqaale iyo wixii kale ee u sahli lahaa iney labadaa waajib ka soo baxdo. Taasi waxa ay keentey in qof walbaa ictiraafka u sharaxdo sidii ay isaga la aheyd maadama aanu jirin qeexid cad yo waajib la sameystey oo sheegaya halka laga raadinayo taasina waxa ay keentey in siyaasi kastaa sida ay isaga la tahay uun u safirto oo uu ku dhaqmo.
Bilowgii 1991 ayaa waxa muqdisho yimi wafdi uu hoggaaminayo Cisman Jaamac Cali (Cisman Kaluun) oo ay ka mid ahaayeen Xusen Cali Xirsi. Cismaan markaa waxa uu ka tirsanaa golihii dhexe ee SNM isla markaana ahaa siyaasi miisaan cuclus oo ka soo jeeda Somaliland oo sheegey in wafdigiisa uu soo direy madaxweunuhu. Wafdigii Cisman waxa ay la kulmeen dad aad u tiro badano o iskugu soo baxey xarunta xisbiga Hantiwadaagga ee magaalada burco oo markaa ay ku sugnaayeen baabuur aad u tiro badano o raran oo ah dadkii reer Soomaaliland ee Muqdisho ku noolaa oo u soo ambabaxaya woqooyi. Cismaan oo dadkaa khudbad u jeediyey ayaa u sheegey in umadda Soomaalidu aaney kala guurin dalkuna aanu kala go’ayn, sidaa darteedna baaburta rarka laga dhigo.
Badhtamihii 1991 waxa magaalada Muqdisho yimi wafdi ballaadhan oo uu hogaaminayey Salebaan Mohamoud Aden (Saleban Nuur) oo markaa wasiir ka ahaa Somaliland. Wafdiga waxa ka mid ahaa Abdirahman Aw Cali oo wasiir ahaa, Ismaaciil Buubaa, Aden Cabdi iyo rag kale. Wafdiga oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho ayaa kulamo la yeeshey madaxdii USC gaar ahaan General Ceydiid. Saleebaan waxa uu si cad u qeexay saxaafaddana u sheegay in labada umadood ee Somaliland iyo Somalia ay yihiin walaalo oo loo bahaanyahay in la iskaashado balse arrinta gooni isu taaga Somaliland aan laga wada hadli Karin lagana gorgortami Karin. Saleebaan iyo wafdigiisu waxa ay markaa ku soo degeen Hotel Guled oo ku yaalla Muqdisho waxaana soo siyaaran jirey dad badan oo ehel, tol iyo siyaasiyiinba leh. Habeen habeenada ka mida ayaa niman odayaal ihi booqasho ugu tegeen wafdiga waxa aaney la casheeyeen wasiiro ka mida ahaa wasiiradii uugu cuslaa ee wafdiga la socdey. Odayaashii markii ay ka soo noqdeen cashadii ayaan waxa ay ka warameen in qaar ka mid wasiiradii ay la casheeyeen ay ku yidhaahdeen waar dadkan guryahoodii xamar ku yaalley xaraashaya la taliya oo waxa ad tidhaahdaan guryihiina ha iska iibinina meeshan waa la wada hadlayaa waana la isku soo noqonayaa.
Isla sanadkaa waxa wafdi kexeystey wasiirkii arimaha dibedda ee xiligaa, Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sheekh Madar oo socdaal ku soo marey wadamo Yurub iyo mareykan iyo Kanada ah. Wafdia oo aad loogu soo dhaweeyey qurbaha ayaa jaaliyadihii ay booqdeen uuga xog waramey xaaladdu dalku ku jirey iyo sida loogu baahanyahay in qurba joogu ka qeyb qaato dib u dhiska dalka, taasi oo aheyd hadal aad dadku u jecleysteen. Balse, waftigu muu wadan wax qorshe ah oo dawladahaa ay booqanayaan kaga dhaadhicinayaan qadiyadda Soomaaliland, maney wadan siyaasad cad oo ku waajahan ictiraaf oo aan aheyn anagu koonfur waanu ka go’ney, waxaanan nahay dawlad madax banana. Markii uu ku soo laabtey Hargeisa ayaa isaga oo ka soo degey garooonka diyaaradaha Hargeisa ay warbaahintii xiligaa jirtey weydiisey Sheekh Yuusf (AHUN), ictiraafkii ma sidaa? Wuxu uugu jawabey, anigu ictiraaf ma wado balse magicii Soomaaliland waxa an soo geliyey coombuyuutaradii dunida. Dadkan ictiraafka isweydiinaya mid ma sheegayo waxan la isweydiinayaa waxa uu yahay.
Badhtimihii sagaashanaadkii ayaa wasiirka ka socda Sooomaaliland yimi magaalada London. Waxa uu u socdey dano shakhsi iyo dabcan kulano uu la yeeshey jaaliyaddii reer Soomaaliland ee London degeneyd. Isku maalmo ayaan wasiirka ka soo wada anba baxney London oo an Hargeisa wada nimid. Waxa an war heley wasiir oo ka hadlaya inu safarkiisiisu ahaa sidii wadankan ictiraaf loogu raadin lahaa. Waa dhab oo kulanadii uu la yeeshey jaaliyadda London joogtey niyad dhis iyo dhiirigelin ayay u aheyd. Balse wax ictiraaf ku saabsan kamoo hawl gelin.
Sidoo kale, dhamaadkii sagaashamaadkii ayaa anoo Hargeisa ka tegey oo fasax ku jooga London ayaan la kulmey Mujaahid Omar Dixood oo dalkii ka soo laabtey Hargeisa. Wuxu sitaa warqad uu yidhi waxa ii soo qorey madaxweynaha waxaana la ii soo magacaabey inaan wakiil ka ahey raadinta ictiraafka. Waxan ku idhi halkeed ictiraafka ka raadineysaa, meeshu yaalo miyaad ogtahay, mise madaxweynuhu ma kuu soo sheegey. Hadal wanaagsan ayuu iigu jawaabey oo ah inu isku taxalujin doono sidii uu qadiyadda Soomaaliland uuga dhaadhicin lahaa madaxda iyo dadka kale ee dalka ingiriiska degen. Waan aqaaney oo Omar Dixood oo nin mitid ah oo halganku dalka lagu xoreeyey iyo kii dib loogu dhisayeyba ka soo qaatey qeyb libaax. Balse ka soo direy ee yidhi ictiraafka raadi iyo isagu toona mey sheegin waxa la raadinayaa waxa auu yahay iyo halka laga raadinayo
1991 iyo wixii ka danbeeyey waxa wadanka iman jirey wafdiyo is daba joog ah oo u badan qaar jimciyadda quruumaha ka dhexeysa ka socda oo xog raadis ah, qaar samo fal ah iyo qaar shaqaale gargaaar ahba. Sahqo badan wadanka kamey socon oo wafdiga yimaadaba waxa toos loo geyn jirey madaxtooyada oo ay la kulmi jireen madaxweynaha iyo wasiiro. Waxa kale oo ay la kulmi jireen odayaal guurtida ah oo kala hadli jirey arimo badan oo uu ka mid yahay ictiraafku.
Mar kasta oo uu wafti yimaado waxa madaxtooyada horteeda isasoo tumi jirey dadweyne caruur iyo dumar u badan oo ay horkacayaan dhalinyaro an ka sii xusuusto Cali Qoryooley oo caleemo lulaya oo leh “No Muqdisho” iyo waa in lana ictiraafaa. Waftiyadaa intooda badani siyaasadba uuma socdaan ee waa dad ka shaqeeya samafal oo darajadooduba sidaa uuma sareyso. Balse dhinaca Soomaaliland xaalku wuxu ahaa cidii timaadaba waa in ictiraaf la weydiiyo.
Siyaasiga Soomaaliland u dhashey hal shey ayuu xariif ku ahaa weligiiba maantana ku yahay oo ad moodaa in buug looga wada naqiley. Indhaha dadka ayuu sidaa u eegaa, hadalkoodana uu dhageystaa. Halkaa uu arko in dadku eegayo ee uu dadku niyadda ku hayo ayuunbuu isna farta uugu fiiqa. Kamaba qasna oo iskuma dhibayo inu la yimaaddo barnaamij aqoon iyo odoros mustaqbal ku dhisan. 1991 iyo maanta oo laga joogo 23 sanadood, dadweynuhu siyaasiga ictiraaf ayay weydiinayaan iyaga oo aan si fiican u garaneyn waxan ay weydiinayaa. Siyaasiga isag oo aan meel ku ogeyn ayuu odhanayaa haddii an isku duubnaano oo an midnimo muujino, khasab ictiraafku isaga oo socda ayuu albaabka inooga soo
waxa lagu doortey dawlad uu madax ka ahaa Abdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” (AHUN).
Dawladdaa waxa la siiyey laba waajib oo kala ahaa in muddo 2 sanadood gudahood ah ay ku qabato doorashooyin xor ah iyo iney 2 sanadood gudahood ku keento ictiraaf. Labadaa waajib ee la siiyey dawladaasi wax tafaasiil ah lagama bixin, lamana sameyn qorshe cado o muujinaya sidii labadaa arin lagu gaadhi lahaa. Duruufuhuba kumey simin oo waxa ay aheyd wakhti dalkuba marxalad adag marayey oo dawladda jirtey aaney heysan dhaqaale iyo wixii kale ee u sahli lahaa iney labadaa waajib ka soo baxdo. Taasi waxa ay keentey in qof walbaa ictiraafka u sharaxdo sidii ay isaga la aheyd maadama aanu jirin qeexid cad yo waajib la sameystey oo sheegaya halka laga raadinayo taasina waxa ay keentey in siyaasi kastaa sida ay isaga la tahay uun u safirto oo uu ku dhaqmo.
Bilowgii 1991 ayaa waxa muqdisho yimi wafdi uu hoggaaminayo Cisman Jaamac Cali (Cisman Kaluun) oo ay ka mid ahaayeen Xusen Cali Xirsi. Cismaan markaa waxa uu ka tirsanaa golihii dhexe ee SNM isla markaana ahaa siyaasi miisaan cuclus oo ka soo jeeda Somaliland oo sheegey in wafdigiisa uu soo direy madaxweunuhu. Wafdigii Cisman waxa ay la kulmeen dad aad u tiro badano o iskugu soo baxey xarunta xisbiga Hantiwadaagga ee magaalada burco oo markaa ay ku sugnaayeen baabuur aad u tiro badano o raran oo ah dadkii reer Soomaaliland ee Muqdisho ku noolaa oo u soo ambabaxaya woqooyi. Cismaan oo dadkaa khudbad u jeediyey ayaa u sheegey in umadda Soomaalidu aaney kala guurin dalkuna aanu kala go’ayn, sidaa darteedna baaburta rarka laga dhigo.
Badhtamihii 1991 waxa magaalada Muqdisho yimi wafdi ballaadhan oo uu hogaaminayey Salebaan Mohamoud Aden (Saleban Nuur) oo markaa wasiir ka ahaa Somaliland. Wafdiga waxa ka mid ahaa Abdirahman Aw Cali oo wasiir ahaa, Ismaaciil Buubaa, Aden Cabdi iyo rag kale. Wafdiga oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho ayaa kulamo la yeeshey madaxdii USC gaar ahaan General Ceydiid. Saleebaan waxa uu si cad u qeexay saxaafaddana u sheegay in labada umadood ee Somaliland iyo Somalia ay yihiin walaalo oo loo bahaanyahay in la iskaashado balse arrinta gooni isu taaga Somaliland aan laga wada hadli Karin lagana gorgortami Karin. Saleebaan iyo wafdigiisu waxa ay markaa ku soo degeen Hotel Guled oo ku yaalla Muqdisho waxaana soo siyaaran jirey dad badan oo ehel, tol iyo siyaasiyiinba leh. Habeen habeenada ka mida ayaa niman odayaal ihi booqasho ugu tegeen wafdiga waxa aaney la casheeyeen wasiiro ka mida ahaa wasiiradii uugu cuslaa ee wafdiga la socdey. Odayaashii markii ay ka soo noqdeen cashadii ayaan waxa ay ka warameen in qaar ka mid wasiiradii ay la casheeyeen ay ku yidhaahdeen waar dadkan guryahoodii xamar ku yaalley xaraashaya la taliya oo waxa ad tidhaahdaan guryihiina ha iska iibinina meeshan waa la wada hadlayaa waana la isku soo noqonayaa.
Isla sanadkaa waxa wafdi kexeystey wasiirkii arimaha dibedda ee xiligaa, Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sheekh Madar oo socdaal ku soo marey wadamo Yurub iyo mareykan iyo Kanada ah. Wafdia oo aad loogu soo dhaweeyey qurbaha ayaa jaaliyadihii ay booqdeen uuga xog waramey xaaladdu dalku ku jirey iyo sida loogu baahanyahay in qurba joogu ka qeyb qaato dib u dhiska dalka, taasi oo aheyd hadal aad dadku u jecleysteen. Balse, waftigu muu wadan wax qorshe ah oo dawladahaa ay booqanayaan kaga dhaadhicinayaan qadiyadda Soomaaliland, maney wadan siyaasad cad oo ku waajahan ictiraaf oo aan aheyn anagu koonfur waanu ka go’ney, waxaanan nahay dawlad madax banana. Markii uu ku soo laabtey Hargeisa ayaa isaga oo ka soo degey garooonka diyaaradaha Hargeisa ay warbaahintii xiligaa jirtey weydiisey Sheekh Yuusf (AHUN), ictiraafkii ma sidaa? Wuxu uugu jawabey, anigu ictiraaf ma wado balse magicii Soomaaliland waxa an soo geliyey coombuyuutaradii dunida. Dadkan ictiraafka isweydiinaya mid ma sheegayo waxan la isweydiinayaa waxa uu yahay.
Badhtimihii sagaashanaadkii ayaa wasiirka ka socda Sooomaaliland yimi magaalada London. Waxa uu u socdey dano shakhsi iyo dabcan kulano uu la yeeshey jaaliyaddii reer Soomaaliland ee London degeneyd. Isku maalmo ayaan wasiirka ka soo wada anba baxney London oo an Hargeisa wada nimid. Waxa an war heley wasiir oo ka hadlaya inu safarkiisiisu ahaa sidii wadankan ictiraaf loogu raadin lahaa. Waa dhab oo kulanadii uu la yeeshey jaaliyadda London joogtey niyad dhis iyo dhiirigelin ayay u aheyd. Balse wax ictiraaf ku saabsan kamoo hawl gelin.
Sidoo kale, dhamaadkii sagaashamaadkii ayaa anoo Hargeisa ka tegey oo fasax ku jooga London ayaan la kulmey Mujaahid Omar Dixood oo dalkii ka soo laabtey Hargeisa. Wuxu sitaa warqad uu yidhi waxa ii soo qorey madaxweynaha waxaana la ii soo magacaabey inaan wakiil ka ahey raadinta ictiraafka. Waxan ku idhi halkeed ictiraafka ka raadineysaa, meeshu yaalo miyaad ogtahay, mise madaxweynuhu ma kuu soo sheegey. Hadal wanaagsan ayuu iigu jawaabey oo ah inu isku taxalujin doono sidii uu qadiyadda Soomaaliland uuga dhaadhicin lahaa madaxda iyo dadka kale ee dalka ingiriiska degen. Waan aqaaney oo Omar Dixood oo nin mitid ah oo halganku dalka lagu xoreeyey iyo kii dib loogu dhisayeyba ka soo qaatey qeyb libaax. Balse ka soo direy ee yidhi ictiraafka raadi iyo isagu toona mey sheegin waxa la raadinayaa waxa auu yahay iyo halka laga raadinayo
1991 iyo wixii ka danbeeyey waxa wadanka iman jirey wafdiyo is daba joog ah oo u badan qaar jimciyadda quruumaha ka dhexeysa ka socda oo xog raadis ah, qaar samo fal ah iyo qaar shaqaale gargaaar ahba. Sahqo badan wadanka kamey socon oo wafdiga yimaadaba waxa toos loo geyn jirey madaxtooyada oo ay la kulmi jireen madaxweynaha iyo wasiiro. Waxa kale oo ay la kulmi jireen odayaal guurtida ah oo kala hadli jirey arimo badan oo uu ka mid yahay ictiraafku.
Mar kasta oo uu wafti yimaado waxa madaxtooyada horteeda isasoo tumi jirey dadweyne caruur iyo dumar u badan oo ay horkacayaan dhalinyaro an ka sii xusuusto Cali Qoryooley oo caleemo lulaya oo leh “No Muqdisho” iyo waa in lana ictiraafaa. Waftiyadaa intooda badani siyaasadba uuma socdaan ee waa dad ka shaqeeya samafal oo darajadooduba sidaa uuma sareyso. Balse dhinaca Soomaaliland xaalku wuxu ahaa cidii timaadaba waa in ictiraaf la weydiiyo.
Siyaasiga Soomaaliland u dhashey hal shey ayuu xariif ku ahaa weligiiba maantana ku yahay oo ad moodaa in buug looga wada naqiley. Indhaha dadka ayuu sidaa u eegaa, hadalkoodana uu dhageystaa. Halkaa uu arko in dadku eegayo ee uu dadku niyadda ku hayo ayuunbuu isna farta uugu fiiqa. Kamaba qasna oo iskuma dhibayo inu la yimaaddo barnaamij aqoon iyo odoros mustaqbal ku dhisan. 1991 iyo maanta oo laga joogo 23 sanadood, dadweynuhu siyaasiga ictiraaf ayay weydiinayaan iyaga oo aan si fiican u garaneyn waxan ay weydiinayaa. Siyaasiga isag oo aan meel ku ogeyn ayuu odhanayaa haddii an isku duubnaano oo an midnimo muujino, khasab ictiraafku isaga oo socda ayuu albaabka inooga soo galay.
Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com