Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo sedex qodob oo aad u mumiim ah, kuwaas oo hadii aynu dhaqan gelino ay hubaal tahay in aynu ku horumarayno, waxaanay yihiin sedexdaa qodob:
1- In lagu dhiirri geliyo dadka wixii uu khayr ku jiro.
2- Abaaraha sidaynu uga baxnaa.
3- In wasaarad cusub lagu soo kordhiyo wasaaradaha.
Sedexdaa masalo waynu uga hadli doonaa midmid, aanaynu ku horrayno qodobka koowaad ee ah, dhiirri gelinta dadka wixii fiican. Wali maan iyadoo dadka lagu dhiirri gelinayo wanaaga, alayle marmar way dhacdaa carruur ku guulaysata tartanka xifdiga quraanka in wax lasiiyo oo xataa madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo khayr Ilaahay hasiiyee marmarka qaar baabuur ayaabu siin jiray carruurtaa ku guulaysatay quraanka, taasina waa dhiirri gelin aad u wanaagsan, hadaba waxa jira dad badan oo mufakiriin ah oo laga yaabo in hadii wax caawiya ay heli lahaayeen ay dalkooda guulo usoo hoyn lahaayeen, tusaale ahaan waxa jira dad ku fikira in ay cilmi baadhid sameeyaan, waxa jira qaar ku fikira in ay wax ikhtiraacaan, waxa jira qaar iyagu iskuba dayay oo maskaxdooda ka keenay waxyaabo ikhtiraac ah, waxa jira qaar aad u maskax badan oo (IQ) goodu uu sarreeyo, kuwaas oo xaga wax barashada iyo imtaxaanaadka meelo aad u sarreeya iyo buundooyinka ugu badan ka qaata, hadaba waxa aynu aragnaa iyadoo la dhiirri gelinayo inan yar oo erayo gabay ah isku hagaajiyay ama hees ku luuqeeyay, kii wax fiican soo kordhiyayna lama dhiirri geliyo!!
Maxaa loo dhiirri gelin waayay oo loo gacan qaban waayay oo xaflad loogu dhigi waayay ama tiifiiga looga soo dayn waayay ama wax barasho loogu diri waayay kii baabuur yar sameeyay ama duyaarad sameeyay ama telefoon sameeyay inta wiilal iyo hablo yaryar heesaha lagu barbaarinayee mustaqbalka iyo sharafka laga xumaynaayo.
Qodobka 2aad; Had iyo jeer abaaro ayaynu ka cabanaa oo dad iyo xoolaba inaga laaya, maanta halka uu caalamku marayo waynu aragnay meerayaashaa loo sahan tegayaa sidii loo degi lahaa inaguna heerkaasaynu taaganahay, abaaraha iyo balanbalka waxa inoogu wacan tamar darrideena, markastana waxa aynu tukanaa roob doon, in ilaahay labaryaa waa waajib laakiin wixii aynaan qabsan karayn ayaynu ilaahay waydiisanaynaa wixii aynu qabsan karaynana waynu u kaalmaysanaynaa Ilaahay inuu inala qabto, hadaba Ilaahay dee wuu inoo shubay oo inoo shubay laakiin maxaad kahaysaanbaa meesha taala, hadaynu biyahan khasaaraya ee qulqulaya xidhan lahayn oo aynu kuwa dhulka ku jira lasoo bixi lahayn, weligeen abaar iyo faqri toona maynaan aragneen, Ilaahay subxaanuh dadka nimcada uu siiyay ka faa’iidaysta ee wax ka qabsada ayuu ka jecelyay kuwo bilaa tamar ah oo cabasho iyo calaacal iyo cabaaduun halkaa lafadhiya.
Qisooyinka quraanka ku jira waxa inoogu sugan cilmi iyo in aynu caqliga ka shaqaysiino, tusaale ahaan, nebi Muuse (salalahu calayh wasalam) markii uu qoomkiisii ilaahay roob doon u waydiiyay ayuu ilaahay wuxuu ku yidhi usha ku dhufo dhagaxa kadibna biyaa kasoo burqaday, Ilaahay umuu kari waayin inuu muhiigaan uga faruuro samada laakiin cilmibaa meesha ku jira, waxana weeye cilmiga ku jiraa in dadku ay ficil layimaadaan oo ay dhulka biyaha ku jira kalasoo baxaan, mucjiso nebi ha ahaato usha dhagaxa biyaha kasoo daynaysaa, hadana meesha xikmad kelena way ku jirtaa oo ah dadka oo loo tilmaamayo in ay ficil layimaadaan iyo shaqo.
Qisa kele, markii uu nebi yuusuf(salalahu calayh wasalam) dalka masar wasiirka maaliyada ka ahaa ayaa boqorkii dalka haystay ayaa ku riyooday todoba sac oo wayd ah oo cunaya todoba sac oo shilis riyadaana markii uu fasirkeeda gartay waxay noqotay todoba sano oo barwaaqo ah oo ay ka dambeeyaan todoba sano oo abaar ah, waxay markaa dantu noqotay sidii looga artatabansan lahaa abaartaa dheer ee soo socota, nebi Yuusuf muu odhan roobdoontuunbaynu badin oo waynu iska fadhiyi laakiin wuxuu bilaabay in wax la beerto todobadaa barwaaqada ah oo wixii lacuna maahee wixii kele la kaydsado, bal markaa dalka masar oo aynu garanayno inta uu leegyahay waxa uu cunayo todoba sano kudar waliba biyihii todobadaa sano lagu noolaan lahaa dad iyo xoolo intuu noqon karaa tacabka galay, waa wax aynaan suurayn karin.
Mawduucaa markalaynu dhamaystiri doonaa insha Allah ee halala socdo qaybta dambe.