“Horena Waa Loo Kordhin Jiray, Maantana Gudigii Doorashooyinku Waxay Tidhi Mudadaas Doorasho Kuma Qaban Karno. Dee Waa La Kordhin”

0
621

Picture7Hargeysa(Geeska) -Guddoomiyaha aqalka golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay dhawaan ku dhawaaqeen komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, kaas oo ku saabsanaa muddo kordhin ay u sameeyeen dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinkii Madaxtooyada iyo aqalka golaha Wakiilada oo dalka ka qabsoomi lahaa badhtamaha sanadkan, waxaana uu sheegay in xukuumadihii ka horeeyey tan hada joogta hore loogu soo samayn jiray muddo kordhino, maantana ay ka gole ahaan muddo kordhin u samayn doonaan xukuumada Siilaanyo, maadaama ayaa uu yidhi komishanka doorashooyinka qaranku ay iclaamiyeen in aanay doorashada wakhtigeedii ku qaban karin.

Md.Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, ka dib safar u muddooyinkii danbe ugu maqnaa dalka dibadiisa oo uu qolka nashada kula hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in dhawaaqa digniinaha ah ee ka soo yeedhaya axsaabta mucaaradka ahi aanay ahayn kuwo saamayn ku yeelan doona muddo kordhinta ay xukuumada Siilaanyo u samaynayaan.

“Horena waa loo kordhin  jiray maantana gudigii doorashooyinku waxay tidhi mudadaas doorasho kuma qaban karno dee waa la kordhin  ileen dawlad la’aani jiri maysee, waa la kordhin doonaa sidii sharcigu ahaa, maanta se idin odhan maayo mudadaas ayaa la kordhinayaa ee horta aanu hawshayada qabsano.“.Ayuu yidhi Md.Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha aqalka golaha guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi;“Xaalaada dalku marayo ee aad ii buun buuninaysaan anigu idin lama arko , waxa dhibaato ah ma jirto rag baa qaylinaya  guurtidii wali arintii hadii warqadii gaadhayna go’aan may gaadhin cidna lamay tashan  meel aad nagu  kufinaysaan anigu garan maayee insha allah wanaag bay noqon.”.