“Hore Looma Arag Madaxweynayaashii Hore Oo Shirarka Reeraha Dhex Fadhiya Siilaanyo, Mooyee”

47
706

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, isla markaana ka mid ah aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaalena Wasiir ka ahaa, ayaa wuxuu sharaf dhac iyo karaamo daro ku tilmaamay inuu Madaxweynuhu dhex fadhiisto qaybna ka noqdo Shir Beeleed, waxaanu tilmaamay in Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray in aanay waligood shir noocan oo kale ah ka qayb galin, oo aanay kala godobsan Wasiiraddooda.

1

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay  khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay Masuuliyiinta ugu sareeysa Xisbiga Waddani,Doorashada Madaxtooyada, musuq-maasuq iyo hanti lunsina ku eeddayey Xukuumaddan, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya Shirka uu Madaxweynuhu ka qayb galay ayaa yidhi  “Ololahan Kulmiye imika wadaa waa xaaraan, hantidii umadda ka dhaxaysay  ayuu ku ololaynayaa, qabyaalad iyo kala qaybin Somaliland ayey wadaan, heshiisyo iyo taariikho aanay garanayn ayey ka sheekaynayaan, Madaxweynuhuna inuu Shir noocan oo kale ah fadhiisto waa khalad,  Shir heshiisyo aan jirin oo laba Qabiil lagaga sheekaynayo inuu Madaxweynuhu qayb ka noqdo sharaftiisa maaha, isagana uma fiicna,Mansabkiisana uma fiicna, Qarankana uma fiicna, inuu ka dhex muuqdana waa khalad, in Wasiiraddii la socdayna qaar dibadda loo saaro, oo reernimo loo soo saaro qaarna isaga la fadhiyaan qaab khaldan weeye”.

Siyaasi Cabdi Haybe, wuxuu intaas raaciyay “Madaxweynuhu taariikh cusub oo aanay hore u sameyn Madaxweynayaashii hore ayuu sameeyey, horena umay dhicin  Madaxweynayaashii hore inay dhex fadhiistaan ama qayb ka noqdaan Shir qabyaalad iyo qadhaadh lagaga hadlayo, Odaygana sharaftiisa may ahayn inuu Shirkan fadhiisto, waxaana leeyahay Madaxweyne laba Beelood uma tihid Madaxweyne, ee  waxaad Madaxweyne u tahay guud ahaan Shacabka iyo Beelaha Somaliland ee karamadaada iyo sharaftaada ilaali, reer walba ama beel walba Xisbiga ay doonaan ayey galayaan, labada qof ee is dhalay ama walaalaha ah ayaa kala mawqif iyo kala Xisbi noqon kara, ee waxan aad heshiisyada moodaysaan heshiisyo idin noqon maayaane, jujuubka inaga daaya, oo Qabyaalad laga soo gudbay dib ha inoogu celinina, Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne, Madaxweynaashii hore Wasiiradooda may kala godobsan jirin, ee adigu ha kala godobsan Wasiiraddaada, oo reer reer ha u kala saarin  ”.

Cabdi Haybe ayaa wuxuu beeniyay warar laga baahiyay xisbiga Waddani,  “Xisbiga Kulmiye ayaa dacaayado  wada, waxaanu doonayaan inay Xisbiga Waddani iska hor keenaan, balse Cabdiqaadir Jirde waa Guddoomiyaha Xisbiga, waana Guddoomiye ku meel gaadh ah, cod aqbaliyad ah ayaa lagu doortay, isaga ayaana hawshii wada oo xilkii Guddoomiye la wareegay, Xirsina waa Hogaamiye oo isna cod aqlabiyad ah ayaa lagu doortay, Cabdiraxmaan Cirro-na waa Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani isna cod aqlabiyad ah ayaa lagu doortay, muran iyo khilaaf ma jiro, cid is haystaana ma jirto, Dastuurka iyo Xeerka Xisbiga ayeyna wax walba ku cad yihiin,marka madaama Xisbiga Waddani nidaam iyo hanaan cusub jeexay, oo Guddoomiyihii iyo Musharixii kala saaray, ayuu Xisbiga Kulmiye oo awood u yeelan waayey inuu ku dhaqaaqo ama u badheedho talaabadan oo kala saaro Musharaxa Madaxweyne iyo Guddoomiyaha ayaa dacaayado faafinaya.”

Cabdi Haybe mar uu ka Doorashada Madaxtooyada, baaqna u diraayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Doorashadu waa inay wakhtigeedii ku dhacdaa, Komishanka Doorashooyinkana waxaan leeyahay waa inay sida ugu dhakhsaha badan dadka ugu keenaan Kaadhkii Diiwaangelinta,oo dadka loo qaybiyaa kaadhadhka, Roobabkiina waa kuwan inoo da’ay, waxaana ALLE ka baryeynaa inuu Roobkiisa iyo raxmadiisa ina wada gaadhsiiyo, oo abaartuna si toos ah inooga jabto, si Doorashadu wakhtigeeda inoogu dhacdo, Komishankana waxaan leeyahay hawlihiina wata, oo cidi yaanay idinku maamulin, cidina idin soo faragelin”

Cabdi Haybe mar uu Xukuumaddan ku dhaliilayey musuq iyo hanti boob ayaa yidhi “Xukuumaddani wey boobtay hantiidi qaranka sida ay doonto ayeyna ka yeeshay Guryihii Dawladda,dhaxalkii uu Ingiriisku inooga tagayna Xukuumadda iyo Kulmiye ayaa ku kala tagay, waxay iibsadeen iyo waxay isku qoreen ayey ka dhigeen,  hantida umadda ka dhaxaysana maaha wax shaqsi leeyahay, waxaana u malaynayaa in aan waxba lagu soo gaadhin”

 

Comments are closed.