Hargeysa(Geeska)-Marxuumad Hodan Xuseen Iidle ayaa shalay salaadii subax meel Burco u jirta 8 KM ugu geeriyootay umul aroor, ka dib markii ay laba carruur ah oo mataano ah umushay.
Qaraabaada Marxuumadan, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in hoooyo Hodan Xuseen Iidle oo ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee degen deegaanka Ceesha oo Burco dhinaca waqooyi kaga beegan 8km ay iyada iyo mid ka mid ah mataanihii ay umushay u geeriyoodeen daryeel la’aan iyo gurmad la’aan.
Qoyska iyo qaraabada Hodan ayaa xalay fiidkii marxuumada iyo ilmaheedii ku aasay deegaanka ay ku geeriyootay, waxaanay sheegeen in hooyadan geeriyootay ay weyday wax gurmad caafimaad ah, waxaanay ka mid tahay dadka deegaankaas degen ee ay abaartu ku habsatay oo ay xoolihiina ka baxeen.
Qoyska ayaa sheegay in ilmaha nool ee ka mid ah labada mataana ah ee midi hooyada la hoyday uu ku jiro xaalad wanaagsan, waxase ay sheegeen in deegaanka waqooyiga Burco oo ka mid ah deegaano kooban oo aanu Madaxwene Siilaanyo soo marin mudadii uu gobalada bari marayay ay ka jirto abaar adag iyo biyo la’aan sababay in dadkii deegaanka ay xoolihi ka baxaan islamarkaana ay maatada jilicsani ku suganyihiin xaalad khatar ah.
Dadka deegaanka oo iyaguna Geeska Afrika la hadlay ayaa sheegay inay isweydiiyaan sababta uu Madaxweyne Siilaanyo deegaanadooda u soo gaadhsiin waayay gurmadkii abaaraha ee uu mudada labada usbuuc ku siman ku dhex jiray, waxaanay hay’adaha caalamka iyo bulshada kale ka dalbadeen in deegaanadaas loo fidiyo gurmad deg deg ah.