Washington (Geeska)- Wargeyska caanka ah ee Politico oo Internet ka lagu baahiyo ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne ku xigeenka hadda ee Maraykanka ee Joseph Biden uu yahay shakhsiga u calaamadsan Hilary Clinton in ay u dhiibto xilka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka haddii ay ku guulaysato doorashada madaxtooyada ee Sagaalka maalmood ee keliyi innaga xigaan.
Biden ayaa madaxweyne ku xigeen dalka Maraykanka ka ahaa tan iyo sannadkii 2008da oo mar la soo wada doortay madaxweyne Obama oo isagu marka hore soo xushay, laakiin sida inta badan laga filo madaxweyne ku xigeennada Maraykanka ee ah in marka uu dhammaado xilka madaxweynaha ay ku xigeenka u yihiin ay iyagu isa soo sharraxaan ma’ uu yeelin Biden, waxaana jira warar arrintaas ku sababaynaya xaaladda nafsiga ah ee madaxweyne ku xigeenku ku jiray markii doorashadan tartankeeda xisbiga laga soo dhex samaynayey oo u saamixi weyday in uu isa sharraxo, gaar ahaan xilligaas oo wiil uu dhalay u dhintay cudurka kansarka, isaga oo weliba marka hore u waayey lacagtii uu ku kharash garayn lahaa daweynta inanka, in kasta oo marka dambe qaadhaan weyn uu siiyey madaxweyne Obama.
Wargeyska Politico oo baahiyey warkan uu Geeska Afrika turjumay, waxa uu sheegay in Hilary Clinton aanay weli si rasmi ah uga codsan Biden in uu u noqdo wasiirkeeda arrimaha dibadda, haddii ay guulaysato, balse ay socdaan qorshe ballaadhan oo ay doonayso in ay ku qanciso in uu afarta sano sano ee madaxnimadeeda xilliga koowaad u ahaado wasiirka arrimaha dibadda.
Joe Biden ayaa lagu tiriyaa in uu yahay siyaasiinta dimuqraaddiga ragga ugu khibradda badan, haddii uu ku biiro gacanyarayaasha Hilary Clinton haddii ay guulaysatana, waxa uu noqon doonaa dhammaystirka 44 sano oo uu siyaasadda ku soo jiray, isaga oo hore lix jeer oo is xigta ugu guulaystay doorashooyinka aqalka odayaasha, kadibna muddo siddeed sano ah soo ahaa madaxweyne ku xigeen, gaar ahaanna uu madaxweynuhu u xil saartay arrimaha caalamiga ah ee xasaasiga ahaa, ee culayska diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed lahaa, gaar ahaan arrimaha Ciraaq iyo dalka Ukraine.