Hargeysa(Geeska)-Hilibka ayaa shalay laga waayay suuqyo badan oo ka mid ah caasimadda Hargeysa, ka dib markii ay shaqo joojin sameeyeen hiliblayaasha caasimadda Hargeysa ee ku bahoobay shirkadda NAFAQO.
Dad badan oo hiliblayaal ah oo ka tirsan NAFAQO ayaa shalay mudaharaad cabasho ah la hortagay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaanay saxaafadda u sheegeen inay shaqo joojinta sameeyeen ka dib markii ay shirkadda Maandeeq ku kordhisay lacagta ay ka qaado qaliinka neefka xoolaha ah. Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay qaar badan oo ka mid ah haweenka hiliblayaasha, kuwaas oo xalay u hoyday xabsiga.
Shaqo joojinta hiliblayaasha ayaa sabab u noqday in inta badan magaalada Hargeysa laga waayo hilibka, halka goobaha laga helayna lagu iibinayay qiimo aad u sareeya.
Dawladda Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, laakiin xubno ka tirsan golaha deegaankaa Hargeysa ayaa sheegay inay ka tashanayaan cabashada hiliblayaasha.