Hilary Clinton Oo Soo Saartay Buug Ay Ku Naqdiyeyso Siyaasadda Madaxweyne Barak Obama Ee Suuriya

0
561

Picture5Washington (Geeska)-  Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka ayaa fashilisay qodobbo ay sheegtay in ay ku kala fikir duwanaayeen Madaxweyne Barak Obama, kuwaas oo ay u aragto in fikirka madaxweynuhu ka qabay ee la raacay uu sabab u noqday dhibaatooyin badan oo markii dambe dhashay. Hillary Clinton oo si gaar ah uga hadlaysa qaar ka mid ah arrimaha ay ku kala aragtida duwanaayeen madaxweyne Obama ayaa caddaysay in bilowgiiba ay iyadu doonaysay in Maraykanka iyo dalalka la xulafada ahi ay hubeeyaan xoogagga mucaaradka ee dalka Suuriya, laakiin uu arrintaas si adag uga hor yimi madaxweyne Barak Obama. 

Arrimahan waxa ay Hillary Clinton kaga warramaysaa buuggeeda xusuus qorka oo la filayo in salaasada toddobaadkan uu soo galo suuqyada kutubta ee dunida. Talefishanka CBC News oo sheegay in uu helay nuskhad ka mid ah buuggan ay Hillary Clinton ku magacowday “Go’aamadii adkaa” ayaa Clinton marka ay ka hadlayso Suuriya waxa ay tidhi, “Waa ay adag tahay in mushkiladaha qodaxda badan xal loo helaa, mushkiladdanina (Suuriya) kuwaas ayaa ay ka mid ahayd oo tallaabo kasta oo la doorto waxaa muuqatay in ay ka sii xuntay ta dambaysaa”

Clinton waxa ay buuggeedan ku sheegaysaa in tan iyo markii uu kacdoonka hubaysan ee Suuriya bilowday ay ku qanacsanayd in hubaynta iyo diyaarinta dagaal-yahannada mucaaradku ay ahaayeen xalka ugu fiican si ay isaga caabbiyaan ciidamada madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad. Iyada oo arrintan sii waddana waxa ay tidhi, “In tallaabada la qaado iyo in aan la qaadinba khatar aad u badan ayaa ay lahayd, laakiin madaxweynaha (Barak Obama) ayaa aad ugu adkaysanayey in xaalku sida uu yahay loo daayo, oo aan la gaadhin heerkaas ah hubaynta mucaaradka” Waxa aanay tilmaamtay in iyaduna ay ixtiraamtay go’aankaas Obama iyo fikirkiisaa ah in aan la hubayn ciidamada mucaaradka ee Suuriya. Hilary Clinton waxa ay buuggeedan kaga sheekaynaysaa muddadii afarta sano ahayd ee ay madaxda u ahayd wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, ka hor intii aanay xilkaas iska casilin sannadkii 2013ka. Buuggan oo la filayo in uu aad u xiise badnaan doona ayaa isaga oo ku turjuman Afka Faransiiskana waxa uu soo bixi doonaa maalinta labaad oo ah arbacada soo socota.

Waxaa la filayaa in Hillary Clinton ay noqon doonto murashaxa doorashooyinka madaxtooyada ee sannadka 2016ka uga qayb geli doona xisbiga Dimuqraadiga. Buuggan oo ku kooban muddadaas ay xilka wasaaradda arrimaha dibadda joogtay ayaa ay dad badani u arkaan in uu qayb ka yahay tartanka ay u gelayso doorashada oo ay ku muujinayso aragtideeda wax yaabaha ka qaldan madaxweynaha ay isku xisbiga yihiin ee ay doonayso in ay beddesho, iyo sida ay iyadu ka yeeli lahayd haddii ay talada hayso, sidoo kale waxa uu jawaab u sii yahay su’aalaha laga yaabo in ay ka hor yimaaddaan xilliga doorashada ee lagu dhaliilayo siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumaddii ay ka tirsnayd.

Dan-jirihii hore ee Maraykanka u joogay dalka Suuriya Robert Ford oo isaga qudhiisuna dhowaan la hadlay talefishanka CNN ayaa aad u dhaliilay siyaasadda madaxweyne Obama ku qaabilay dalka Suuriya, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa ay dhaaftay heerkii aan difaaci karayey siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan dalka Suuriya… Maanu ku guulaysan in aanu daweyno xididka mushkiladda, haddii ay tahay iska horimaadka dhulka ka jira ama isu-dheelli-tirnaanta dhulka ka jirtay iyo weliba khatarta sii kordhaysay ee dhinaca xag jirka ah ee dalkaas ka jirta” Danjire Ford oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray, “Ma jirto guul aanu sheegan karno oo aan ahayn in la burburiyey boqolkiiba 93 hubkii Kiimikada ahaa ee uu Asad haystay, laakiin weli waakaas sunta u adeegsanaya kuwa ka soo horjeeda” Safiirka oo ka hadlayey dhibaatada ka dhalatay gaabiska uu Maraykanku ka gaabiyey arrinta Suuriya ayaa yidhi, “Asad dalka Saddex meelood laba kama taliyo, laba sano ka hor ayaanan ka dignay taas oo kale haddii ay dhacdo in kooxaha xag jirka ahi ay ka faa’idaysan doonaan, sidii aynu horeba uga soo barannay Afghanistan, Soomaaliya, Maali iyo Yemen”

Dhowaan ayaa madaxweyne Obama hadal uu jeediyey waxa uu ku sheegay ereyo loo qaatay in ay yihiin duur-xul uu ku muujinayo in Hilary Clinton ay tahay ruuxa marka uu isaga xilku ka dhammaado talada dalka ugu tartami doonto xisbigiisa dimuqraaddiga waxa aanu ku ammaanay in ay tahay qof xilkaas ka soo bixi karta.