Dr Adaam Ismaaciil Xassan
Sida la ogyahay waxa muran badani ka taaganyahay heshiiska DP World ay la gashay Somaliland. Doodani ma khusayso Somaliya sababta oo ah waxan aaminsanahay cida ay wax ka go’aan waa reer Somaliland iyo dawladooda. Hadaba bal aan heshiiska si dheer u faaqidno (in depth analysis).
Xukuumadii Kulmiye ee uu Axmed Siilaanyo Madaxwaynaha ka ahaa ayaa heshiis la gashay shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Immaaraadka bishii May 2016 ka dib markii uu booqasho ku tegay Immaaraadka, waxana si rasmi ah loo saxeexay bishii November 2016 kii. Hase ahaatee heshiiskan hore wuxuu u dhexeeyay Somaliland iyo DP World oo keliya.
Heshiiskuna wuxuu ahaa mid laba daraf ah (bilateral contract agreement) oo dhigayay in Dekeda Berbera laga kireeyo DP World muddo 30 sano ah. Kharashka ku baxaya mashruuca waxa lagu qiyaasay ilaa $442 Milyan. Waxa lagu heshiiyay inay DP World yeelato saami ah 65% oo lacag ahaan u dhiganta $280 Milyan. Somalilandna saami ah 35% oo lacag ahaan u dhiganta $162 Milyan. Heshiiskan waxa laga ansaxiyay golaha wakiilada Somaliland in kasta oo aan la hor keenin heshiis dhan si ay u naaqishaan oo wixii qaldan saxaan. DP World na waxay Berbera la wareegtay bishii March 2017 kii.
Hadaba waxa dhacay in heshiiskaa hore wax laga bedelay markuu Wasiirka Arrimaha Dibedu booqday Addis bishii August 2017 kii oo lagu bedelay mid saddex darafle ah (trilateral contract agreement) kaas oo dalka Itoobiya ka siiyay saami dhan 19% oo 14% ka mid ah laga soo jaray DP World, saami dhan 5% na laga soo jaray Somaliland. Heshiiskan waxa wiigii hore lagu kala saxeexday Dubai. Waxase is waydiin leh maxaa Golaha Wakiilada dib loogu soo celi waayay heshiiskan cusub ee 19% siinaya dalka Itoobiya? Maadaama arrinta Itoobiya lagu siiyay saamigu ay tahay mid taabanaysa masiirka dalka (sovereignty implications) oo ah dhinaca dhaqaalaha, amniga iyo ganacsiga Somaliland waxanay ahayd in mar kale la hor keeno baarlamaanka oo weliba heshiis cad oo tafa tiran la hor keeno.
Xukuumadu hore iyo dameebto midna shacabka reer Somaliland kamay qancin dhibta iyo dheefta heshiiska (cost/benefit impact of the concession) oo baarlamaanka iyo dadwaynaha midna la ma soo dhigin qodobada heshiiska oo buuxa. Waxan qabaa inay dadku xaq u leeyihiin inay jawaab u helaan su’aalaha hoos ku xusan:
Heshiiskii hore ee laba daraflaha ahaa maxaa looga guuray ee lagu doortay mid saddex daraf ah oo Itoobiya ku jirto?
Maxay Itoobiya innoogu bedelaysaa inaynu 19% ka siino Berbera muddada dhan 30 ka sano?
Maalgashiga dhabta ah ee ay DP World gelinayso Berbera waa $230 ee ma aha sida dadka loo sheego $442 maxaa runta looga sheegi waayay heshiiska?
Miyay heshiiska ku jirtaa in jidka Berbera Corridor ay DP World dhisayso oo aan ku jirin lacagta dhan $230 ee ugu jirta saamigeeda?
Shirkadii Fransiiska ahayd ee Ballore waxay doonaysay inay Berbera geliso $677 Milyan maxaa looga doortay DP World oo $230 Milyan gelinaysa?
Miyay heshiiska ka mid tahay in aan muddadaa 30 ka sano ah dekedo kale dalka laga dhisi karin?
Yaa qaba waxyeelada soo gaadhaysa baddeena iyo berrigeenaba sida kalluunka iyo duur joogta ee uga imanaysa dhismaha dekeda cusub iyo shixnada imanaysa?
Halkee lagu tiirinayaa xuquuqda shaqaalaha dekeda kuwa hada jooga iyo kuwii laga fadhiisiyay shaqadaba?
Shaqaale intee le’eg ayaa loo qaadanayaa hawsha dekeda isla markaana tababarro intee le’eg ayaa la siinayaa shaqaalahaas?
DP World dhulka laga siiyay Berbera ma deeqbaa mise waa laga iibiyay, haddii laga iibiyay lacagtii ma khasnada dawlada ayay gashay?
Shirkedadaha dekeda dhisaya door intee le’eg ama 100 kiiba intee ayay ku leeyihiin kuwa dalka u dhashay?
Waxa lagu qiyaasaa inay Berbera hada DP World ka soo gasho lacag dhan $3 Milyan bishii, haddii sannadkii lagu dhufto waa $36 Milyan, taas oo micanaheedu yahay DP World waxay $230 keedii Milyan kula soo noqonaysaa wax ka yar 7 sano oo keliya, maxaa looga qaadi waayay faa’iido dheeraad ah 23 ka sano ee dambe haday taasi jirto ama waxa loo yaqaan Incremental Rate of Return?
Muddo intee le’eg ayay DP World ku guranaysay lacagta heshiiskii hore, sidee looga xisaabtamayaa?
Saldhiga ma shardi baa laynoogu xidhay maalgashiga DP World, heshiiskiisa se miyaanay ahayn in la ogaado waxtarka dalkan iyo dadkan ugu jira?
Su’aalahaa iyo qaar kale ayaa looga fadhiyaa inay xukuumadu ka qanciso ummada reer Somaliland, iyada oo aan la diidanayn maalgashiga iyo wixii dalkan faa’iido u leh khaasatan maalgashiga tooska ah dibeda ka imanaya (Foreign Direct Investment – FDI) hadana danta dadka iyo dalkuba waxay ku jiraan in heshiisyada la gelayo helayo dheef ee aan dhibi innoogu jirin la galo, taasina ma kala cada ilaa hada.
Gunaanadkii iyada oo ay dalka khataro badani soo food saareen xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ha kaga dhabayso ballanqaadkeedii ahaa sharcigu ha sarreeyo oo ummada talada dalka ee masiiriga ah ha la wadaagto, haddii kalena wadadii macalinkiisa ee dalka u horseeday musuqa, ku tumashada sharciyad iyo kala qaybsanaanta ha qaaddo!
Guul Somaliland!
Qaraa/Aqoonyahan
Dr Adam Ismail Hassan
aadanweli@gmail.com