Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika oo weli sii wada in uu akhristayaashiisa afka hooyo ugu soo rogo qodobbada ugu muhiimsan ama masiiriga aynu ku sheegi karno ee ku jiray heshiiskii dhowaan jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadku ka galeen maamulista dekedda Berbera, waxa aynu qaybtan oo tii saddexaad ahna ku eegaynaa:
Dammaanada qaadka dawladda:
Heshiisku waxa uu dawladda Somaliland ka rabaa in ay damaanad qaaddo fulinta waajibaadka uu heshiisku saarayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin, balse aan ku koobnayn, damaanad qaadista in ay shirkadda dekedda lagu wareejinayo siinayso magdhowga uu heshiisku saarayo, haddii ay dawladda Somaliland laalsho heshiiskan.
Deynta ay shirkaddu u soo qaadato maalgelin dheeraad ah:
Dawladdu waxa ay qiraysaa in shirkadda la wareegaysa dekedda shaqadeedu ay lacag dheeraad ah u soo qaadan karto maalgelinta dekedda. Sidaa awgeed dawladdu waxa ay ogolaatay ay qayb ka noqoto dhukumantiyo amni iyo wareejin xuquuqeed, oo ay tusaale ahaan ku jiraan wareejinta xuquuqda heshiiska wareejinta, iyo heshiiska adeegga dekedda, hadba sida ay ugu baahato cidda deynta soo siinaysa shirkadda dekedda lagu wareejinayo, iyada oo ciddaas laga rabo in ay si maangal ah u sababayso doonisteedaas.
Sharciga lagu kala baxayo:
Caadi ahaan waxa ay maalmihii u dambeeyey dad badani is weydiinayeen sharciga ka garsooraya, haddiibauu muran ama isfahmi waa ka yimaaddo heshiiskan ay Somaliland dekedda Berbera ku wareejinayso shirkad hawlwadeen ah, haddaba sida ku cad qoraalka heshiisan uu wargeyska Geeska Afrika helay, heshiiska wareejinta wixii ka yimaadda waxaa lagu maamulayaa oo lagu dhisaa shuruucda England.
Hannaanka xallinta khilaafka:
Haddiiba ay dhacdo in muran, sheegasho, Is-mari-waa, kala duwanaanshiyo iyo wax uun la mid ahi dhex yimaaddaan dhinacyada heshiiskan ama ay ka soo baxaanba heshiiska wareejinta laftiisa, ama sharciga la jebiyo, marka hore dhinacydu waa in ay isku dayaan in ay si silmi iyo saaxiibtinimo ah u xalliyaan, muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabanaysa marka uu khilaafani labada dhinac midkood dhinaca kale u sheego, iyaga oo si niyad wanaag ah uga doodaya dhexdooda, ama dhinacyada heshiiska ku lug lihi.
Haddii murankaas iyo khilaafkaas lagu xallin kari waayo 30 kaas maalmood ama muddadii kale ee ay iyaga oo isla ogol labada dhinac qoraalna ku caddaynaya ay ku darsadaan in ay wada hadalka sii wadaan, waxa ay noqonaysaa in arrintan loo gudbiyo Imaraadda Dubai si looga garsooro iyada oo ay ka garsoorayaan DIFC-LCIA.
Fiiro Gaar ah:
Xarfaha DIFC waxa ay u taagan yihiin ereyada afka Ingiriisiga ee, ‘Dubai International Finance Centre (Xarunta Maaliyadda Dubai ee caalamiga ah), waxaa jirta maxkamadda DIFC oo ah maxkamad madax-bannaan oo garsoorkeedu afka Ingiriisiga ku socdo, shuruucda ay raacdaana yihiin kuwa Ingiriiska ka soo jeeda ee ‘Common law’ loo yaqaanno, waxa aanay ka garsoortaa murannada rayidka ah iyo kuwa ganacsiga ee heer qaran (Imaaraadka), heer gobol iyo dunida oo dhan meel kasta oo ay ka dhacaan, oo cidda uu muranku u dhexeeyaa isula soo garsoor doonato.
Xarfaha LCIA Waxa ay u taagan yihiin ereyada, ‘London Court of International Arbitration’ oo macnahoodu yahay maxkamadda London ee dacwadaha caalamiga ah. Waa maxkamad xarunteedu tahay London, oo si madax bannaan u bixisa adeegga garsoorka.
Laakiin sida uu wargeyska Geeska Afrika ka soo akhriyey bog internet ka ah oo ay labadan shirkadood oo mid isku ahi wada leeyihiin. Laakiin intii ka dambaysay dabayaaqadii bishii Noofambar ee sannadkii hore 2015ka, labadan haayadood waxa ay si rasmi ah isugu noqdeen hal haayad ah oo labadii magac isugu yimaaddeen, DIFC-LCIA (Marka ay Imaaraadka ka shaqaynayaan) waana sida ay ugu qoran tahay heshiiskan Somaliland iyo Imaaraadku ka yeesheen dekedda Berbera.
Saxeexa heshiiska:
Ugu dambayntii heshiiska qaybtan wareejinta dekedda B, waxaa si gaar ah indhaha wargeyska u soo jiitay saxeexa u dambeeya oo sida ka muuqata caadi ahaan loogu tala galay in ay wada saxeexaan labada dhinac oo kala ahaa hal saxeex oo ah dhinaca shirkadda Shirkadda DP World FZE, iyo hal dhinac oo lahaa laba saxeex oo laga kala rabay, Maamulka (Wakaaladda) dekedda Berbera (Berbera Port Authority) iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Labada saxeex ee dhinaca Somaliland looga baahnaa waxaa labadaba saxeexay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire, oo marna saxeexay kaalintii wakaaladda dekedda, marna kaalintii uu ku metelayey xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaas oo keenaysa in la is weydiiyo sababta uu dekedda dhinaceeda ugu saxeexi waayey maareeyaha guud ee dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor oo ka mid ahaa waftiga madaxweynaha ee heshiiskan goob joogga ka ahaa, marka horena geeddi socodka heshiiska kaalin iyo joogisba ku lahaa.