Heestii Abwaan Jaamac-Riyo U Sameeyay Madaxweyne Siilaanyo Oo Cod Iyo Miyuusig Loo Sameeyay

0
641

Picture4Hargeysa(Geeska)- Heestii uu Abwaan Jaamac Faarax Xirsi (Jaamac-Riyo) u sameeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa suuqyada u soo baxday iyadoo wadata cod iyo Miyuusig.

Heesta uu xildhibaanku u sameeyay Madaxweynaha oo lagu magacaabo “Ka soo daata” ayaa waxa ku luuqaynaya Abwaan Jaamac-Riyo, waxaana lagu baahiyay baraha Internetka. Heestan oo la miisaan ah heestii uu Abwaanku ku tukhaantukhiyay Madaxweyne hore ee “ Ka soo dhaadhac” ayaa sababtay in nin gadoodsani uu dhawaan Abwaanka weerar gacan ka hadal ah ku qaado, isagoo shaah dusha kaga shubay. Ninkaas ayaa weli ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa.