Hay’adda FAO Oo Looga Mahadceliyay Xafladii Lagu Furay Dhismaha Wsaaradda X/Xoolaha

0
578

Picture2Hargeysa(Geeska)-Hay’adda FAO, gaar ahaan xafiiskeeda Hargeysa, ayaa si weyn loogaga mahadceliyay xafladii xadhigaga lagaga jaray xarunta cusub ee loo dhisay wasaarada xanaanada xoolaha oo uu Madaxweyne Siilaanyo Axadii doraad xadhiga ka jaray.

Wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, oo furitaankii dhismaha cusub hadal ka jeediyay, ayaa wuxuu hay’adda FAO ku ammaanay oo uu uga mahadceliyay doorka ay ka qaadato horumarinta xoolaha, isagoo sheegay inay wasaaradda ku taageerto arrimo farsamo iyo dhaqaale oo xoolaha lagu horumarinayo. Waxa kale oo uu Wasiir Cabdi Aw Daahir uga mahadceliyay hay’adda FAO qalabka yaala xafiisyada dhismahan cusub oo ay FAO ku qalabaysay xarunta wasaaradda. FAO waxa kale oo ay wasaaradda ka caawisaa horumarinta caanaha xoolaha.

Hay’adda FAO iyo wasaarada xanaanada xoolaha ayaa waxa la filayaa inay 31 Oktoobar ku dhawaaqaan mashruuc balaadhan oo lagu talaalayo dhammaan xoolaha Somaliland ee gobalada dalka.