Hay’adaha Ammaanka Oo Cabsi Geliyay Wefti Ka Socday Imaaraadka Carabta

0
545

Hargeysa(Geeska)-Ciidamo Boolis ah ayaa shalay tagay guri ku yaala bariga magaalada Hargeysa oo la dejiyay wefti ka socda shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay inay qorshe balaadhinta biyaha caasimadda u yimaadeen magaaalada Hargeysa.

Weftigan Carbeed oo ka kooban saddex xubnood waxa ay magaalada Hargeysa u yimaadeen fulinta qandaraas ay ka qaateen dawladda Imaaraadka Carabta oo ah inay biyaha xumbo-weyne dhuumo kaga soo qaadaan oo ay soo gaadhsiiyaan caasimadda, gaar ahaan dhinaca bari ee Hargeysa. Xubnahan oo ay ka hortageen masuuliyiin uu ku jiro madaxda Baratakoolka madaxtooyada, ayay ciidamada Boolisku shalay isku gadaameen guriga la dejiyay, waxaanay ku amreen inaanay dibadda u soo bixi Karin islamarkaana aanay cidn al kulmi Karin. Masuuliyiinta hay’adaha ammaanka oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inay ciidamada Boolisku raadinayeen nin u dhahay Imaaraadka Carabta oo iska leh shirkaddan oo lagu magacaabo Falaax, kaas oo aan weftiga la socon. Ninkaas ayaa la sheegay inuu hore u joojiyay mashaariic uu riigag kaga qodayay gobalada bari ee dalka, ka dib markii ay is afgaran waayeen xukuumadda.

Warar kalena waxay sheegayaan in hawlgalka hay’adaha ammaanku la xidhiidho muran u dhexeeya shirkadan qandaraaska ka qaadatay Imaaraadka Carabta oo ay wakiilo u yihiin dad reer Somaliland ahi iyo wakaaladda biyaha Hargeysa.