Hay’ada HEAL Oo Hargaysa Ku Soo Ban-Dhigtay Qalab Biyaha Lagu Kaydin Karo

0
534

Picture3Hargaysa(Geeska)- Hay’adda HEAL Ayaa shalay Magaalada Hargaysa kusoo Bandhigtay Qalab Biyaha Lagu Kaydin Karo Kaas oo ka ilaalinaya Qashinka Keena Cudurada Shuban Biyoodka Ah.

Qalabkan Lagu Kaydinayo Biyaha Ayaa waxa uu ka samaysan-yahay Sibidh Shub Ah,waxaana Mashruucan Maal-Galisay Shirkada Canadiyaal Ah

Guddoomiyaha Haay’adda HEAL Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe ayaa ka warbixiyay Mashruucan iyo Faa’ida oo Bulshada u leeyahay Kaas oo ku dheeraaday in Bulshada kaga Baaqsan Karto In Ay cabaan Biyo Sumaysan waxaana uu yidhi.

“Halkan Waxa aynu Maanta ku xidhaynaa Tababar Socday mudo Ku siman 10 Cisho oo lagu Baranayay Qalab Biyo Nadiifiyaal Ah Sida loo sameeyo,Waxaana Tababarka

Qaatay Dad Gaadhaya 30 Qof,Waxaana Bixinayay Maxamed Xasan Oo u Shaqeeya Shirkada Canadiyaal Ah,Qalabkani Waxa ay Caruur Badan ka Baajin Doonaan Shuban Inuu ku dhaco

Musonda oo Ah Macalinkii Bixinayay Mashruucan Dadka Lagag ilaalinayo Caafimaad Darada ku dhacda iyo Sidii Dhalinyarada Looga Baajin Lahaa Inuu ku dhaco Shuban Ayaa waxa uu yidhi. “Qalabkan Halkan Aanu Ku Samaynay waxa uu Biyaha Lagu Shubo ka ilaalin Doonaa in ay ku dhacaan Qashin iyo waxa yaabah Sababi Kar Cudurada Keena Shuban Biyoodka,Dadkii Mashruucan Ka faa’idaystay Waxa ay Noqon Doonaa Qaar iyaguna Usii Faa’ideeyey Dadka Kale,Waxaana Aan odhan Karaa Mashruucani waa mid Waxa Badan Dadka Ka kafayn Doona,Dadka ku Nool Miyigan Faa’ida Badan ugu Fadhiyi Doona.

Guddoomiyaha Guddida Diwaan-galinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka C/risaaq Jaamac Cumar (C/risaaq Ciyaale) oo isna kulankan Ka hadlay Ayaa sheegay inuu Aad u soo Dhawaynayo Mashruucan Ay hir Galisay Haay’adda HEAL Waxaana uu yidhi.

“Muhiimada ay leeyihiin Biyo Safayntu waad Garan Kartaa,Maalin kasta Malayiin Qof ayaa ugu Dhinta Dunida Biyo Aan sifays-nayn,Khabiirku waxa uu inoo Sheegay in ay Aduunyada oo dhami ka kacday Dareentayna Cudurka Ebola Halista uu leeyahay,Markaas Dawlada iyo Bulshadaba Waxaanu ku Baraarujinaynaa in ay Mashruucan Garabka Qabtaan,Waayo waa midaan Dhaqaale Badan u Baah-nayn,Lakiin Tayada uu leeyahay Ayaa ah Mid Cuduro Badan lagag Bad-baadi Karo.

Masuul Sare oo ku hadlayay Afka Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in Wasaaradooduna Kaalin Laxaadleh Ka qaadan Doonto Mashruucan Ay soo Kordhisa Haay’adda HEAL. “Fadhi iyo Fuud Yucubeed Laysku Waa Ayaan Odhan Lahaa Anigu Baryo Dhan Ayaanu Raadinayna Mashruucan oo wasaarada Caafimaadku Doonaysay in wadanka Lag hir Galiyo,Waana ilaahay Mahadii Hadii Maanta La helay Aaladan Caafimaadka Shacabka ka talinaysa,Dalkeena waxa laga isticmalaa Bahal Caag Ahaan jiray Cilada uu yeeshay waxa uu ahaa Waxa waliba Haday Gadhaan Wuu jabi Jiray,Kana Waa mid Ka samaysan Shub.

Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi Galinta Somaliland Maxamed ilkacase Ayaa isna Soo dhaweeyey Qalabka Cusub ee dalka Lagu soo kordiyay oo sida uu sheegay wax Badan ka qaban Doonta Dadka Jooga Miyiga ee Barkadaha wax ka caba,waxaana uu cadeeyey in ka wasaarada Ahaan Kaalin Laxaad leh Saari Doonaan sidii ay dadka u fahan Siin Lahayeen Mashruucan.

Gab-gabadii waxa munaasibada soo Afmeeray Wasiir ku xigeenka Dhinaca Amniga ee wasaarada Arimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Cilmi oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay.

“Haay’adda Canadiyaanka ah Mashruucan ay inoo Keentay waa mashruuc Aad iyo Aad u qiimo Badan Biyo Caafimaad Qaba Marka La helo Ayaa La helaa Bulsho Caafimaad Qabta,Runtii Mashruucan Aad iyo Aad Ayaan usoo dhawaynayaa Dawladaha Hoosane Anaga ayay nahoos yimadaane Waxaanu ku dhiiti Galin Doonaa Iyaga ka shakeeya Arimaha Bulshadee In ay Ka qayb Qataan Mashruucan – See more at:

Kaydiyaha Biyaha ee ka difaacaya Biyaha qashinka Keeni Kara Cuduruada Faafa Ayaa Waxa Hir galisay Haay’adda Heal oo Kaa Shanaysa Haay’adda Canadiyaal Ah.