Hay’adda EDC Oo Xaflad Ku Soo Bandhigay Buugaag Akhris Oo Ay Gacan Ka Gaysatay

0
2511

 

EDCHargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Maxamed Xasan ayaa ka qayb galay kulan balaadhan oo ay hay’adda EDC ku soo bandhigtay buugaag cusub oo ay ay ku duuganyihiin sheekooyin kala duwan.

Buugaagtaas oo ay diyaariyeen ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe ee Somaliland, ayaa waxa xafladii lagu soo bandhigay goob joog ka ahaa abwaano iyo qorayaal caan ah, madaxda hay’adda EDC iyo masuuliyiin kale, waxaana Arbacadii lagu qabtay Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mr. Maxamed Xasan oo halkaasi hadal dheer kasoo jeediyay ayaa ka waramay muhiinmada ay tacliintu u leedahay bulshada isagoo cadeeyay in ardayga kusoo kora guri ay buugaag badani yaalaan uu ka maskax badnaanayo qofka ama ardayga kale ee kusoo kora guri bilaa buugaag ah oo aan waxba lagu akhriyin.

Agaasimaha wasaarada waxbarashadu waxaa uu kasoo qayb galayaasha kula dardaarmay inay ubadkooda ku dhiiri galiyaan inay wax akhriyaan waayo buu yidhi qofka wax akhriyaa maanta wuxuu noqon karaa qoraaga baritoole, akhriska iyo qaraalkuna sidoodaba ay isku xidhan yihiin.

Madaxa Mashruuca SIRIP ee haa=yada EDC  Khadar Bashiir Ali oo halkaas ka hadashay ayaa ugu horayn u mahad celisay dhamaan kasoo qayb galayaasha sidoo kalena ka xog ka warantay ujeedada ay hayadani ka lahayd oo ay sheegtay in haddii aanu ardaygu lahayn aqoon uu wax ku akhriyo inaanu waxba baranayn taasina ay tahay muhiimada koowaad ee ay mashruucan ka leeyihiin.

Khadar waxa kale oo ay sheegtay in buugaagta ay qoreen hayadoodu dhan yihiin sideed buug oo ay  halkan kusoo bandhigayaan afar ka mid ah halka afarta kalena ay ku jiraan soo bixitaankii, kuwaasi oo ay ugu talo galeen inay akhristaan dhamaan ardayda afka soomaliga ku hadla meel ay joogaanba.  “Waxaan aragnay luuqadii Soomaligu inay tayadeedii sii lumayso, oo waxbarashada luuqada soomalidu ay hoos usii dhacayso, taasina waa arin aad iyo aad u muhiim ah in la darso waayo, waxaa cilmi baadhis lagusoo sheegay ardaygu haddii aanu luuqadiisa hooyo garanayn waligii ma awoodi karo inuu barto luuqado kale oo qalaad.” Sidaasi waxaa sheegtay Khadar oo ka waramaysay muhiimada buugaagtani u leeyihiin kobcinta iyo tayaynta afka soomaliga.

Awbaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo isaguna munasibada ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay barbaarinta ubadka isagoo ku dheeraaday in marka labada qof ee qoyska ahi doonayaan inay ubad dhalaan looga baahan yahay inay ogaadaan ama is waydiiyaan sababta ay u doonayaan inay ubad dhalaan, taasina ay tahay ta keenaysa in ilmuhu noqdo mid wanaagsan iyo mid xun.

Abwaan Hadraawi waxaa kale oo uu xusay in buugaagta ay hayada EDC qoreen ay waxbadan ka anfici doonaan caruurta qurbaha ku dhalatay ee ilaabay luuqadoodii iyo haybtoodii ee ku abtirsada wadamada ay ku dhasheen.
Nimco Haybe Cismaan oo ka mid ah hawl wadeenada hayada EDC gaar ahaan qaybta soo bandhigaysa buugaagta ayaa iyaduna ka warantay taariikhdii qorista buugaagtaasi oo sheegtay inay ku qoran yihiin labada luuqadood ee afka soomaaliga iyo ingiriisiga, ayna horaysiiyeen luuqada afka soomaliga, maadaama dadka akhrisanayaa ay Soomaali yihiin.

Nimco Haybe waxaa kale oo ay sheegtay inay buugaagtaasi qoreen qorayaal da’yar ah kuwaasi oo ay tilmaamtay inay fursad u ahayd qorista buugaagtani, taasi oo ay sheegtay in haayada EDC ugu talo gashay inay caruurta Soomalidu aanay noqon oo kaliyaata dad wax akhriya laakiin ay noqdaan qorayaashi badali lahaa qorayaasha waawayn iyo abwaanada maanta.

“Waxaa kale oo aanu ku talo galnay inaanu (EDC) ogaano mawduucyada ay ku fikirayaan caruurtu waayo dhibaatooyin badan ayaa haysta, mushkilado badan ayaa haysta, taasina waa sababta aan ka helnay sheekooyinkan in laga soo saar sheekooyin aad u tayo wanaagasan.” Sidaasi waxaa sheegtay Nimco Haybe oo ka waramaysay mid ka mid ah faa,idooyinkii laga doonayo ururinta sheekooyinka buugaagta ay haayadoodu maanta soo bandhigeen.

Nimco Haybe waxaa kale oo ay halkaasi uga mahad celisay qorayaashii iyo abwaanadii buug ahaan u qaabeeyay markii sheekooyinka lasoo ururiyay oo ay sheegtay inay ka mid ahaayeen Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Awbaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Yuusuf Cismaan Cabdule (Yuusuf  Shaacir), Ciise Muxumed Siyaad, Cabdi Dheeg Yuusuf, Cabdiqaadir Cali Cigaal, iyo C/laahi Cawad Muuse, iyo sidoo kale wasaarada waxbarashada oo ay sheegtay inay ka caawiyeen markii sheekooyinka lagasoo ururinayay ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo haayada EDC oo aanay la,aanteed suurto galeen soo saarista iyo qorista buugaagtaasi.  “Afarta buug ee aan maanta soo bandhigi doono waxaa magacaantooda la kala yidhaa: Mugdi iyo maandooriye, Guur iyo Gaadasho, Lilaahi iyo Lugooyo, iyo ka u danbeeya oo la yidhaa Ilayska Aqoonta.”