Hawraar Qayaxan: Hal-beege Mise Hal-abuure? Cabdirisaak Saalax

0
966

1Si uu Is-Fahamkeenu u fududaado, hor iyo horraysaba Suugaanta Soomaalida aynu Saddex u kala qaadno; (1) Suugaantii Sooyaalka ahayd (Classical Poetry): Waa Hilaaddii Gabyaaga iyo Golaha. Waa Suugaantii duugga ahayd, ee taariikhdii hore ee Soomaalida baalka dahabka ah ka gashay. Waa suugaantii sida durdurka u socotay ilaa laga soo gaadhay 50-nadii qarnigii inna dhaafay. (2) Suugaantii Masraxa (Modern Poetry) 1950s – 1991: Waa Casrigii ay suugaantu golaha ka soo guurtay, ee ay fagaaraha u soo mudhay. Waa xiliyaddii ay bilawdeen ee ay baalasha furteen, hal-abuurka iyo Heesaaga casriga ahi. Waa xilliga loogu yeedhi karo, Casrigii Jilliinka (Somali Casting Era). (3) Suugaantii Dibed-yaalka (Contemporary Poetry) 1991 – Maanta: Waa ta aynu naqaan, ee cid looga sheekeeyaa aysan jirin. Waa ta ay heestu maansadii ka nooshahay ee ay ka takhalustay Gabaygii iyo Masrixiyaddii kale ee ka horreeyey. Waa ta qormadeenan gun dhigga u ah.

Shaki kuma jiro, in Maraaxilka Suugaanta ay sidaa u qaabaysay Kala-guurka wadciga siyaasadeed ee ay Soomaalidu soo martay. Waa i) Xornimada Wixii ka horeeyey, ii) Calan-saarkii ka dib, iyo iii) Burburkii dabadii.

Haddii aad saddexdaas marxaladood dib u raacdo, waxaa kuu soo baxaya; in Marxaladdiba marxaladda ka horraysay aanay baro bixin uune, ay waaxyeheediina qaybo ka mid ah ay la fuqday. Tusaale ahaan; Gabayga oo ahaa Calansidaha maansadii hore, Xiligii Masraxa kama uu goblamin oo qudha Macnihii Guud ee Gabayga iyo Gabyaagu lahaa, balse waxa kale oo ku waayay Sifihii iyo Sawricii uu lahaa. Waxa ka mid ah, Luuqdii, doobtii iyo rakaaddii Gabyaagga lagu majiiran jiray; Maansada oo uu Hal-abuurku Sharro meerisyada uu hadba marinayo IWM. Inkasta oo ay da’daa dhexe ee Masruxu dadaaleen, dhaxal waara reebeen, oo wax cusubna la yimaaddeen haddana Gadaafooyinka Suugaantii asalka ahayd soo gaadhay way u qoolan yihiin, haba yaraystaane.

Labada hore waxaa is waydaartay, laba hab oo si walba u kala duwan. Suugaantii Afka uun ahayd, golaha, geedka iyo guriga uun taalay ayaa inta la casriyeeyey, oo fagaare loo soo saaray, Murti, Maaweelo iyo Maadba laga dhigay. Marxaladda u dambaysaase, hagaasin mooyiye, wax ay hagaajisay oo badan lama arag. Kala wareegga labada marxaladdood ee hore waxa aan marnaba is badalin, Dhuuxii Maansada iyo Adeegsigii qummanaa ee Murtida iyo Maahmaahda. Waxa aan sal-guurin, Sarbeebta iyo sogordoha oo ahaa suuraddaha bila Sawraca iyo Sinjiga Suugaanta Soomaalida lagu garan ogaa. Marxaladda Saddexaadse intaaba Kitaabkooda waa ay laabtay.

Sababaha Saboolka ka dhigay, suugaanta Maanta (Ma aha Saboolnimada aan u jeedaa, sida la malaysan karo, xagga aqoonta ereyada oo qudha, balse Hufnaantii iyo Hal-adaygii Hal-abuurka ayaa wiiqmay) Tiiyoo ay meeshaba ka baxday Xulashadii Hal-abuurka wanaagsani!

Xulasho La’aan…. Xulasho La’aan… Xulasho La’aan…

Gabyaaga runta ah (Sooyaalka ah), Xulasho waxa ugu filnayd inta gabaygiisu gaadho. Taas Macneheedu waa Ninka aan gabaygu Hibadiisa ahayn, waa ka aanad waligaa maqlin! Waa taas sababta aad u baratay; Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Ugaas Nuur Ugaas Rooble, Salaan Carabay, Timacadde Iyo qaar kale oo badanba ee aad u baran wayday qaar kale oo badan.  Sidaas ula soco. Hal-abuurka Fiicanna (Hilaaddii Masraxa), Dawlad iyo Haya’ado u xil saaran ayaa imtixamaysay. Waa taas sababta ay Heesaha/Riwaayadaha; Xasan Ganey, Singub, Kaariye, Iyo qaar kaloo badaniba ay kaaga soocan yihiin hal-abuurka kale.

Ma lihi Hal-abuurka sidaa wax u curin kara ayaan inaga mid ahayn. Xaasha! Cid inaga dhex madha ayuun baynu waynay oo xusha. Cid kan fiican ee aan la ogayn hibadiisa soo saarta, ka liitana ‘U Kaadi’ tidhaahda ayuunbaynu waynay.

Hal-abuurka maanta joogaa (Ma aha Gabigoodaba, balse badankooda), iskii iyo kartidiisa kuma meel maro. Waxa kal-kaala hal-abuurka iyo xirfadda dad kale. Waa heesta ta aynu u soconaaye, Ka Coddeeyey, Ka tumay, iyo ka qaaday ayuu gabbaadsadaa. Waa taas sababta aad qaar badan oo aanad barateen haddii ay wakhti aan hadda ahayn noolaan lahaayeen, aad u taqaannaa. Haddaanay sidaas kuula muuqan, bal is waydii Hal-bayd oo heestiisa dhaafsan oo maanso uu leeyahay ah? La soco………………

Dhinac markii aad ka fiiriso, waxa culays badan ku haya Suugaan Dhaadhiga, oo faq iyo fagaareba ku dhiiran in ay nalka cas u daaraan deelqaafyada iyo laaxinka ay tahay in ay ka saxaan. Taasi waxay ku beertay cabsi. Suugaanyahanka maantu, waxa uu la kufaa-kacayaa, Dheelitirka Miisaanka Maansada uu Dudduucayo. Suggidda miisaanku, waa waxyaabaha uu Gabyaaga iyo Hal-abuurka dhiifooni aanu shidaysanba ee uusan isku hawlin, deel-qaafna daa warkiisa. Waa dareewalkii yaraa, ee uu dareewalka wayni raarta u galay xaalkiisu. Waxa uu la halgamayaa dareenka ah “Yaan lagu odhan ‘Maansaddaadu way Jaban tahay!’”. Taasaa keenaysa, in uu wixii maankiisa ku soo dhaca isku aad-aaddiyo.

Mar saddexaad, Suugaantu waxa ay suugaan ku tahay, Shareeridda dul-u-hadalka, iyo hagoogta. Waa in aanay wada qayaxnayn ee macne huursan oo jiid jiidma ay leedahay. Waa taas ta ay haddalka kaga soocan tahay. Tusaale ahaan; haddii aan Waagii saaka ii baryay iyo qoraxdii ii dhacday wixii isoo maray dhawrkaa saacadood aan suugaan ku cabbir is idhaa aseenan waxba ka tagin, caday-na ha ku noqotee, taasi Suugaan ma aha. Hadalka ayaynu u naqaanay qubane, aan xeer qabtaa jirine, Hawraartiina badideedii qubane ayay noqtay waliba qeexan. Waa sida uu celceliska suugaanta maanta la tiriyaa inoo sheegayo.

Maansada dambe, oo ka arradan tii laga falkin jiray arimaha caamka ah ee bulshada ka dhex taagan, waxa ay hal-abuurka dambe ka curiyaan inta badan mashaakil iyaga gaar u ah. Kolkaasuu sheekadii dabo iyo dacal maanso ku dareerinayaa. Isagoon hindhiso-na iloobin ayuu dadka soo hor dhigayaa. Macnihii iyo Hagoogtii buu ka talaabsanayaa, Manfacii ay ummadda kale u yeelan lahayd haddii uu wajiyo badan ka dhigona wuu galaafanayaa.

Ugub ma aha oo Dhaaxuu Abwaanku Marxalad noloshiisa ah ka soo hadlay. Hal-abuurkeenii hore marka ay arimo u gaar ah umadda la wadaagayaan, waxa ay iyaga oo toodiina aan hilmaamin ta ummaddana aan ka tagin ay Bulshada ku abuuri jireen, Dareen Ulasho iyo Ogaal Doon. Inkasta oo aanu hadduu doono, ereyo ad-adagba xulan, haddana keenta ‘Tolow Muxuu U jeeday Halkaa?’ ‘Sidanbuu u jeeday!’ ‘Mayee, sidan kaluu u jeeday’! waa sababta illaa maanta maansooyin badan iyo heeso badwayn ahi kaaga gadmadeen sababihii loola jeeday.

Bal u fiirso Buunigii Waynaa Maxamed Cali Kaariye Sida uu u soo gudbiyay, dareenkii caashaq ee ay ku curisay gabadhii uu u golon golay, haddiiba uu is moogaysii is yidhina ay ku carisay Inantii Magaca, iyo Muuqaba la wadaagtay tii uu caashaqeeda la hadhsan waayay. Waa gabadhii yeedhmada mageceeda uu ardaagii guriga uu wax ka fadhiyay inta uu ka maqlay uu soo hinqaday. Haddiiba uu haasaawihii uu asxaabta la waday uu hakiyay, inta how yidhi, ardaaga u booday. Shan kasta oo ay magaca la wadaagtay, muuqana u ekayd, waa inantii markii ay noqon wayday midda uu u soo kohday uu ku halaan-halay Ereyaddan, gadaalkiina noqotay heesta caan baxday. Wuxuu yidhi;

Kuwa Loogu magac darayee

Muuqa aan la kala garan

Caku muhashadoodiyo

Heesaha macaaniyo

Muusigiyo codkaa I dilay

Dhegaha aan ka maalee

Markii aan ilaawaba

Wax I soo mir kiciyoon

Maqlo waayi maayee

Ma hayoo,

Mana sugaayoo

Iimana maqnee

Mareeyoo siddeebuu cishqigu

Maskaxdiyo qalbiga uga maydhmayaa

Imisa Macne oo kale oo ka duwan taa rasmiga ah ayaad heestan u maqashay. Kaariye, Dareenkiisiina waa cabbiray, inagana dareen ulasho oo hor leh ayuu inaggu beeray! Xaaladdii uu galay waxba kamuu tegin in uu inoo sheego, qofkii aan dhacdadaa ogayna kuma qadinine, Macne kale oo uu ka dhigan karo ayuu ugu yeelay. Waa taa Suugaantu.

Ka sokow, mahadhooyinka isaga soo mara, Hal-abuurku waaqoodba, waxa uu wax ka alifi jiray mahadhooyinka cid ay aqoon u leeyihiin qabsata. Si ka duwan sida kuwa maanta, hadalka uma qaawin jirin. Xaasha, xukunkoodu sida kuwa maanta dhan kama rarnayn. Badiba, Way ka dhawrsan jireen in ay labada qof ee caashaqa isku seegay in ay midkood hubsiimo la’aan eedda huwiyaan! Bal tusaalahan kale ila dhugo.

Jilaagii Maadeeyaha ahaa, Hal-abuurkii waynaa Maxamed Cumar Huryo, ayaa maqlay wiil da’ yar oo ay macrifo ahaayeen, oo Jacayl bastii la ah. Waa wiilkii gabadha ku tabcay, ee uu gadaalkiina iyada iyo reerkoodaba qurbe u dhoofiyay. Waa gabadhii uu guurkeeda meel dhigtay, gadaalkiina war dhiilo badani uga yimid. Laye “Cabdoow, Hebla Waa la Guursaday”. Waa dabuubtii uu maqalkeeda isaga oo la duuban oo la dadaysan, uu Huryo Soo dul joogsaday. Bartaana ka mariyay heestii uu “Birmad Caashaq” ee uu ku baantay Bukaankii caashqa. Waa heestii uu sida farshaxanka leh,ugu tilmaamay dareenkii wiilka, ku dar-dar galiyay, kula dardaarmay, ee uu ugu ducaayey Cabdi yare. Waa heestii ay Khadra-Dhool cadkeedii la yaabka lahaa ay ku bilaabaysay;

“In uu beer jacayloo,
kalgacayl ku baahiyo,
Hadalada baroortii,
boogaha damqinayaan,
Oo ku baabay maqalnaye,
Baxnaanadu siday tahay,
Haddii aad weli bastaa tahay,
Allahayaw ku samo bixiyeey!

 

“Cabdaw beri samaadkii,
marka sheeko baraley,
Kaftan laysla beegsado,
Ma baraarugtaayoo,
Boholyaw ma oydaa!!!”

“Wadnahaagu bihin-bihaa,
Qof badwayn dusheediyo,
Ka tallaabay buuraha,
Ma u baaqayaayoo,
Weli ma u baroortaa!!

Bidhaan uu san gaadhayn,
Biligteeda muuqaa!”
Ma kadaba baqoolaa,
Bacadkiyo kulaylaha,
Dhibta ma u badheedhaa!”

 

“Bukaan socodka liittaa,
Dadka waa ku badanyahaye,
Ha u baraq nuglaanin,
Dhibka baaxaddiisee,
Barashadan is nuugtiyo,
Axdigaagan baaba’ay,
Haweenbaad ku barataye

Ka adkayso baydoo

Haka daba balan balin

“Adaan kuu birmanayee,
Bash-bash iyo barwaaqiyo,
Badhaadhaan rajeeyee,”
“adaan kuu birmanayee,
Samir wehesho weligaa,
Oo yaan dantaadu baylihin!

Imisa Cabdi oo kala Kaan ah ayaa heestan laguugu sheegay?

Maanta, ka sokow, suugaanta miid beeshay, Waxa kale oo guuray edaabtii! Wali ma ku soo maray, mid arintan u dambaysa oo kale wax ka sameeyey, oo lamaane kala tagay midkood wax u sheegaya oo yidhi(In aan toos u soo xigto ma rabo) wax u eeg; Nin Xun baa ku helay, ama Naag xun buu Alle oori kaaga dhigay! Go’aan dhawaa! Mise waa Abwaanoo, uurkuu Daalacanayaa?

Bal suuree, labadan dhacdo, barbaarka maanta joogaa hadii uu u warinayo jiilka soo maqan (Sida ay labadan Abwaan ba inoo soo gaadhsiiyeen), dhankeed is leedahay wuu kaga tagi lahaa?

F.G. Waxa ay ahayd in aan tusaalayaal dambe oo arintan la xidhiidha aan qaato. Waanse ka sarriigtay. Waxa san cideeda u tiiri, waxa xunna haba soo qaadan. Waa taas halku-dheggu. Tusaale, suugaantaa qayaxan ah adaa iskugu filan, Maansada ama Heesta kuugu soo horraysa ee aad dhegaysato uun ka eeg inta waji ee qof ay ku cusub tahay ay u samayn karto?

 

Abdirasak Salah

 

Contact:

Abdirasaksalah@gmail.com

+917093187448

+252634466677

Hyderabad, India