Hawlo Culus Ayaa U Yaalla Farmaajo: Amniga Somaliya, Qaddiyadda Somaliland, Maamul-Wanaagga Iyo La Dagaalannka Musuqa

0
721

Muqdisho (Geeska)- Wargeyska caanka ah ee Financial Times oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa cadadkiisii Jimcihii 10ka Feebarweri ku daabacay warbixin uu kaga hadlayo hawlaha muhiimka ah ee horyaalla madaxweynaha dhowaan loo doortay dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, hawlahaas ay warbixintu ku sheegtay kuwo aad u waaweyn, waxaa ugu horreeya wax-ka-qabashada musuqa maaliyadda, amni la’aanta, dawladda dhexeoo jilicsan iyo abaaraha.

1

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera waxa ay sheegtay in Soomaaliya aanay rubuc qarni nasiib u yeelan dawlad shaqaynaysa, iyada oo uu dalku muddadaasba ku jiray xaalad amni oo aad u xun, taas oo uu ugu weyn yahay dagaalka uu Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab muddada Tobanka sano ah waday. Waxa ay warbixintu sheegtay in dagaalkaasi uu Soomaaliya geyeysiiyey in ay u baahato 20 kun oo askar shisheeye ah oo gacan ka geysta xakamaynta Alshabaab, laakiin aanay ciidamadaasina weli guul kama damays ah ka gaadhin, waxaa intaas dheer loollano muddo dheer ka soo dhex jiray beelaha.

Wargeyska Financial Times oo ka sii warramaya caqabadaha horyaalla dawladda cusub ee madaxweyne Farmaajo, waxa uu ka hadlay taag-darrada ciidamada Soomaaliya iyo sida aanay waxba u tarin caawimada beesha caalamku la garab taagan tahay, “Ciidanka Soomaaliya ee jiraa waa magacyo warqad ku dhigan uun, in kasta oo ciidanka Soomaaliya la siiyo caawimooyin balaayiin doolar ah, haddana ma’ jiro ciidan dhisan, dagaalkii laga rabay in uu ciidankani galena waxaa kaalintiisii buuxiyey maleeshiyooyin qabiil”

Sida warbixintan lagu sheegay diblumaasi uu wargeyska Financial Times weydiiyey xaalka ciidanka Soomaaliya ayaa ku jawaabay, “Noloshayda ma’aan arkin maalgashi baaxaddaas weyn leh, oo haddana aan wax midho ah oo la sheegi karo keenayn” isaga oo wargeysku intaas ku daray in ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay khatartiisu gaadhsiisan tahay heer aanay dadka shisheeyaha ahi dhex mari karin haddii aanay wadan ciidamo hubaysan oo ilaaliya.

Dawlad jileec

Dhinaca kalana waxa ay warbixintani ka warrantay dawlad jileeca ka jira Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay si aad u liidata uga muuqato inta badan ee deegaannada dalka, ama ay dawladnimaduba ka maqan tahay deegaanno badan, dawladduna ay ka jirto oo keliya magaalooyinka waaweyn, iyada oo ay sababtu tahay xoogga ururka Al-Shabaab.

Warbixintan Financial Times waxa kale oo ay xujooyinka horyaalla madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ku dartay arrinta Somaliland oo ay sheegtay in qaybta ugu weyn goballada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, oo ah Somaliland ay sannadkii 1991kii ku dhawaaqeen in ay ka madax bannaan yihiin Soomaaliya inteeda kale.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Soomaaliya aanu ka jirin nidaam garsoor, iyo cashuur qaadis rasmi ahi, arrintaasina ay sababtay in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu horumar aad u ballaadha sameeyo, laakiin xukuumaddii uu bado lacag la’aan iyo in lagu yeesho deymo gaadhaya Balaayiin doolar iyada oo dakhliga keliya ee soo gala uu yahay cashuurta laga qaado gegida diyaaradaha ee Muqdisho oo aan sannadkii ka badnayn 230 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Sidoo kale ma jiraan shuruuc iyo xeerar maalgashiga shisheeyaha lagu maamulo, musuquna waxa uu dhexgalay dhammaan waaxyaha iyo qaybaha kala duwan ee xukuumadda iyo xitaa bulshada, iyada oo bishii hore ururka la dagaallanka musuqmaasuqa ee caalamiga ahi, Sannadkii tobnaad Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqa badan dunnida oo dhan.

Diblumaasiyiinta ay warbixintan Financial Times la hadashay ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay aad ugu adkaan doonto xakamaynta damaca iyo danaysiga shakhsiga ah ee ka jira Soomaaliya, mid diblumaasiyiintaas ka mid ahina waxa uu yidhi, “Abidkayba ma’aan maqlin, cid muwaadiniintooda uga arxan daran, siyaasiyiinta labeenta ah ee Soomaalida”

Si kastaba ha ahaato ee wargeyska Financial Times waxa uu warbixintiisan ku sheegay in ay jiraan sababo diidaya in xaalka laga rajo dhigo, bishii Noofambar ee sannadkii tegey, waxa ay xukuumadda Soomaaliya samaysay qorshaheedii horumarinta qaranka ee 25 sano ee soo socda, kaas oo ah kii ugu horreeyey ee dalka laga sameeyo, sidoo kale waxa ay bilowday in ay dhaqangeliso dib-u-habayn ay haayadda lacagta adduunka ee IMF soo jeedisay si loo abuuro heer uu dalku u qalmi karo in la caawiyo, waxa se ay diblumaasiyiintu ka digeen in haddii aanu madaxweyne Farmaajo natiijo la taaban karo dhaqso u gaadhin in uu waayi doono calool dabaca uu hadda ka kasbaday deeq-bixiyeyaasha.