Hawl-wadeenada Ammaanka Madaarada Somaliland Oo Tababar Loo Soo Xidhay

0
639

Hargeysa(Geeska)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ahna Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta iyo Dhaqanka Cismaan C/laaahi Saxaradiid ( Cadaani ) ayaa shalay Tababar socday Laba toddobaad u soo xidhay Hawlwadeenada Amaanka Madaarada Somaliland, Tababarkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay xidhitaankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaarda Duulista Cumar Sayid C/laahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Muuse Salf, Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil  iyo Hawlwadeeno kale, waxaa ugu horayn halkaa ka hadlay Nawal Axmed Saleeban oo ah Madaxa Tababarada Sharikada Amaanka ee SRM oo tidhi:-  “ waxaan aad ugu mahad naqayaa Allaha maanta inugu simay in Tababarkani inoo dhamaado, intaa ka dib waxaa mahad iska leh Wasiirkeena, oo runtii wakhti badan galiyey sidii uu Tababarkani u qabsoomi lahaa, waxaan sidoo kale u mahad naqayaa Macalinka Tababarka bixinaayey Mr Tendai Chakeizira, Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Hawlwadeenada qaadanayey Tababrka .”

1

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed yuusuf Ismaaciil, oo isna yidhi:-

“ Tababarkani waxa uu laha laba Wiji, waa marka koowaade, waxaa kor loogu qaadayey Aqoontiina Amaanka Madaarada, mida kale waxa weeyan Wasiirkena oo ahmiyad fiican siinayey oo danaynayey Halwadeenada Amaanka Madaarada sidii ay aqoon fiican ugu yeelan lahaayeen hawlaha Sugida Amaanka.”

Wasiirka Wasaaradda Duulista oo Tababarkan soo xidhay ayaa halka ku siiyey Hawlwadeenada Amaanka dardaaran, waxaana ka mid haa hadaladiisii:-

“waxaan u imi halkan waxa weeye, in aan idiin xidho Tababarkan, oo ay tahay waxa qudhee hadhsani, in Qofkasta dib loo baadho in uu leeyahay, wax Danbiya oo uu Dalka ka galay dabeed la siiyo warqada danbi la’aanta.”

Wasiirku waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay in ay shaqadooda ku dibakhaan cilmigan la baray, sodookale waxa uu u soo jeediyey in ay isku duubnaadaan oo ay dadka iska jeclaadan oo ay wadjir u wajahaan hawlaha ay u hayaan Qaranka.