Haweenayda Maalqabeenka Bariga Afrika Marwo Aamina Oo Somaliland Lagu Soo Dhoweeyey

0
539

Hargeysa(Geeska)- Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada soomaaliland, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha xisbiga Ucid, Salaadiin  iyo dadweyne kale ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey haweenayda maal qabeenka bariga Afrika ah ee Aamina Xirsi Mooge.

amiana

Haweenaydan oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliland ayaa wadanka ku sugnaan doonta mudo laba cisho, iyada oo la filayo inay kulamo la qaadato xukuumada, golaha baarlamaanka  iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay soo dhawaynta haweenaydan maal qabeenada ah ee Aamin Xirsi Mooge  ayaa waxa uu ku tilmaamay inay ka mid  tahay dadka horu marka ka gaadhay dhinaca ganacsiga “Aamina waxay ka mid tahay dadka asal ahaan ka soo jeeda somaliland oo qiimo leh , haddii aynu ka faa,iidaysan lahayna wax badan inoo qaban lahaa, Aniga waxa iigu horaysay sanadkii 2004 markaas oo aan arimo qaran u tagay wadanka Uganda jaaliyad badana may jirin, Aamina ayaana ii suura galisay dano badan oo aan ka lahaa dalka Uganda, hadana sanadkii 2007-dii  ayaanu u tagnay anaga oo wafti balaadhan oo baarlamaanka iyo asxaabta ah, waxaanay noo suura galisay wixii aanu dawlada Uganda ka doonaynay, waxaanay noo diyaar garaysay inaanu tagno wadanka Rwanda iyada oo waliba naga bixisay tigidhadii oo dhan.”

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada somaliland Axmed Aadan Ismaaciil(Kayse) oo ka hadlay soo dhawaynta Aamina Xirsi Mooge ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ku rajo weynahay inay xidhiidh cusub noo samayso dalka ay ka timid ee Uganda iyo guud ahaan wadamada Bariga Afrika oo aanu qaar ka mid ah haatan wakiilo ku leenahay balse aanu doonayno inaanu ku sii fidno.”

Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horu marinta somaliland marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta marwo Shugri Xariis Ismaaciil  ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyey Aamin Xirsi Mooge, waxaanay ku tilmaameen haweenay wax badan u qaban karta dalkeeda Soomaaliland

Ugu danbayna Aamina Xirsi Mooge oo ka hadashay soo dhawaynta loo sameeyey ayaa u mahad celisay cid kasta oo ka qayb gashay soo dhawaynteeda waxaanay tidhi “Maanta waa maalin weyn waana maalin aan aad ugu farxay inaan dhulkayga hooyo oo ay maanta iigu horayso sidaas lay saraysiisay waana xaga ilaahay, aadna waan ugu mahad celinayaa dawlada, madaxweynaha, wasiirada iyo qof walba, dadka aan la dhashay ee somaliland aad ayaan ugu mahad celinayaa iyaga ayaa ii saraysiiyey, wixii fiican ee xagaas ka sameeyana warbaahinta somaliland ayaana ugu horaysa inay dunida oo dhan  u sii faah faahiyaan, markaa dadka magaca I siiyey dadka soomaaliland ayaa ugu horeeya.”