Hargeysa(Geeska)Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya aanay awood u lahayn in ay xidho xafiiska Itoobiya ee Hargaysa. Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Rooda Jaamac Cilmi, oo warbaahinta Qaarkood la hadashay , ayaa sheegtay in go’aamada Golaha Wasiirada Soomaaliya anay saamayn ku yeelan doonin Somaliland. “Go’aan kaasi go’aan na khuseeya anaga maaha, hadaanunahay dowlada Somaliland, wax anaga meel noo yaala oo saamyn nagu leh marnaba maaha, laba dal oo kala madaxbannaan ayaanu nahay markaa taasi anaga nooma taalo” ayay tidhi Marwo Rooda. Waxa ay sheegtay in markii la furayay xafiiska Itoobiya ee Hargaysa aan laga talogalin dowlada Soomaaliya, isla markaana imikana aanu go’aan kaasi soo dhaafi doonin qolkii ay ku shireen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Isfahamka Somaliland iyo Itoobiya ayay ku tilmaantay mid labada dhinac ay aayahooda kaga tashadeen, waxayna sheegtay in talaabooyinkii ay dowlada Soomaaliya qaaday si ay u joojiso heshiiska anay wax saamayn ah ku yeelan uuna hirgalayo. “Go’aamada kale ee soo socdaana wax saamayn ah nagu yeelan mayaan, waxa hubaal ah in ay riyoodeen, golaha wasiirada ee xalane ku dhexjira iyo Xasan Sheekh ba, maalin cad ayay riyoodeen” ayay hadalkeeda sii raacisay Marwo Rooda. Golaha Wasiirada Soomaaliya, ayaa maanta galinkii hore go’aamiyay in Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu Addis Ababa dib ugu noqdo, isla markaana la xidho xafiisyada Itoobiya ee Hargaysa iyo Garoowe, xili uu khilaaf siyaasadeed u dhexeeyo labada dal.

0
142

Sool (Geeska) Sida ay kusoo waramayaan warbaahinta gobolka Sool 5 qof ayaa ku nafwaayay 9 kalena way ku dhaawcmeen dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala tuulada Bali-Hadhac oo ka tirsan degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sida uu baahisay Warbaahinta Qaarkood waxa  waxa dabka ku nafwaayay hooyo xaamilo ah iyo laba hablood oo ay dhashay, iyada oo qoyska goobta ku shufbeelay ay ka hadheen kali ah gabadh iyo aabaheed oo iyagu aan goobta joogin markii ay masiibadu dhacaysay.

Guud ahaan dadka ku dhintay dabka ayay tiradoodu gaadhaysa 5 qof sidookale dadka dhaawacaha ah ayaa loola cararay degmada Laascaanood, Widhwidh iyo magaalooyinka kale ee ku dhaw goobta uu dabku ka kacay.

Hooyada xaamilada ah iyo hablaheeda agaa la sheegay in ay iibsanayeen dharka ciida markii ay masiibadu haleeshay, maamulka degmada Laascaanood ayaa goobta dabku ka dhacay u diray dabdamis, dawooyin iyo gaadiidka gargaarka caafimaadka.

Wali xog faahfaahsan lagama hayo sida uu dabku ku bilaabmay, lakiin dabka oo ka bilaabmay goob suuq ah oo la sheegay in ay kaalin shidaal ku taalay ayaa ku fiday goobo kala duwan.