Hargeysa(Geeska)-Waxa magaalada Hargeysa shalay lagu qabtay xus balaadhan oo duco iyo Alle bari ah oo loo sameeyay guddoomiyihii Baanka Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo sannadkii hore geeriyooday.
Xuskaas Alle bariga ah, waxa ka qayb galay wasiiro, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, xildhibaano, haween, madaxdhaqameed iyo dhallinyaro, waxaana halkaas Alle lagaga baryay inuu naxariistiisa janno ugu deeqo Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ay toddobaadkan ku beegnayd maalintii uu geeriyooday.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE md. Muuse Biixi Cabdi, safiirka Somaliland ee Kenya Dr. Maxamuud Sifir, wasiirul dawlaha xanaanada xoolaha, xildhibaan Cabdiqaadir indho-indho iyo masuuliyiin kale oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda Marxuum Jaamac Maxamuud iyo sida uu isugu xidhi jiray labada wadan ee Somaliland iyo Djibouti, waxaanay sidoo kale ka warameen xidhiidhkii kala duwanaa ee uu la lahaa dadyawga afka Somaliga ku hadla eek u nool gobalka Geeska Afrika.
Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, waxa dadkii taariikhdiisa ka waramay ay sheegeen inuu ahaa nin deeqsi ah oo taageeri jiray dadka danyarta ah, waxaana halkaas loogu duceeyay inuu Alle qabriga u nuuro.