Hargeysa(Geeska)-Wasiir-xigeenka wershadaha Cali Maxamed Axmed ( Cali-dhagoole) ayaa ka hadlay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Gabiley oo dhawaan ku qabtay Baastoolad.
Wasiir-xigeenka oo shalay xafiiskiisa ugu waramay saxaafadda, wuxuu sheegay inay xildhibaanka isku qabteen arrin, waxaanu isagoo ka waramaya dhacdada uu yidhi “Nin la yidhaahdo Cali Duul-duul oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa noo yimid oo noo sheegay cagaf ay leedahay Degmada Agabar oo loogu shaqaynayo danta guud ee degmadaas uu ka xumaaday Geer-bogaskii, oo ay markaas soo ogaadeen cagaf taala wershada shamitada oo hawlgab ah oo uu ka bed qabo geer-bogaskaas oo keliya, sidaas darteed la siiyo geer-bogaskaas, si degmadu ugu shaqaysato, waxaanu markaas ku nidhi afka waxba la iskuma siiyee waxaad soo qortaan qoraal aad ka soo qoraysaan degmada Agabar, markaas ayaanu warqad idiinku lifaaqi doonaa oo aanu odhan doonaa haddii ay cagaftaasi tahay mid ka baxday shaqadii qalabka looga baahanyahay uga saara, dabadeed qoraalkii ayuu soo qoray wasiirka ayaanu u keenay, wasiirkuna wuxuu yidhi waxaan jecelahay inaynu warqada wada saxeexno adduunyadana lama arag wasiir iyo wasiir-xigeen wada saxeexa, waxase uu yidhi meeshu waa Berbera oo waa iska kaftan, markaas iyadoo ay baratakool ahaan khalad tahay wasiirkayga waan ka aqbalay inaanu warqada wada saxeexno, warqadii ayaanan u qornay isu duwaha gobalka Saaxil ee wershadaha iyo badhasaabka, warqadii sidii ayay ku baxday, taliyaha qaybta oo laga soo bedelay Gabiley ayaa warqadii markay u tagtay ayuu baadhay waxaanu la hadlay maayarka Gabiley iyo madaxdeedii, dabadeedna madaxdii iyo maayarkii Gabiley waxay u sheegeen inaanay jirin warqad ay soo qoreen iyo cagaf ka xun toona, waanu ila soo hadlay oo wuxuu yidhi Gabiley waan la hadloo cagaf naga xumi ma jirto ayuu yidhi, dabadeedna waxaan ku idhi mar hadday nuxurka ay warqadu xambaarsantahay aanay ahayn wax jira iska soo celi oo waxba kama jiraan oo ujeedadii loo qoray haddii aanay jirin waa la soo celin karaa.”
Wasiir-xigeen Cali, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Halkan ayuu ninkii iigu yimid, wuu ii hanjabay oo uu wuu I caayay, waxbana kama soo qaadin oo dulqaad ayaan muujiyay, markii dambena baastoolad ayuu iila soo baxay oo wuu igu fiiqay, dabadeedna ninkii ila fadhiyay ayaa handaday oo ku yidhi waar wax horena waanu idiin tirinaynee ma waxaasaad maantana ku dartay dabadeed intuu baastooladii halkaas miiska dhigay ayuu cararoo iska tagay, waanu u yeedhnoo waar baastooladaaad qaado oo naga tag ayaan idhi , cidna ugumaan uyeedhin, madaxa iyo minjaha ayuu I qaaday, waxaanan ku idhi waan ku cafiyee iska tag, markaas waxba uma haysto waana iga cafis.”