“Hargeysa Waanu Ku Soo Dhawaynaynaa Xulka Awdal”

0
586

Picture2Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka Gobolka Hawd garyaqaan Ayaanle Maxamed Cige, ayaa Sheegay Inay Soo Dhawaynayaan Ciyaartoyda Iyo Taagerayaasha Gobolka Awdal, isagoo  hambalyona U Diray Gobolkiisa Iyo Taagerayaashaba.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Ayaanle, wuxuu ku yidhi sidan “Anigoo ku hadlaaya afka ciyaartoda gobolka hawd ugu horayn waxaan hambalyo u dirayaa tobobarayaasha iyo ciyaartoyda gobolka hawd sidii hawl karnimada iyo dedaalka la hayd ee ay uga soo baxeen group kii ugu adkaa ee tartarnkii isreebreebka ciyaaraha gobolada somaliland ee ka qabsoomay gobolka awdal 'wuxuuna sheegay inay laga sugaayo koobka. Sidoo kale afhayeenku wuxuu cod dheer ku sheegay inay soo dhawaynayaan taagerayaasha iyo ciyaartoda Gobolka boorama ugana mahad celin doonaan sidii quruxda badnayn ee ay ugu soo dhaweeyeen gobolkaas 'wuxuuna intaa ku daray inay gobol ahaan u kirayn doonan gobolada Hawd iyo Awdal laba guri oo isku xiga maadama ay walaalo yihiin Ugu danbayna wuxuu u mahadceliyey taagerayaasha gobolka hawd oo uu sheegay inay yihiin sirta ka danbaysa soo bixitaankooda isla markaana ay gobolka u yihiin laf dhabar' wuxuuna sheegay inay ka mahad celinayaan sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyey caasimada baligubadle iyo caasimada hargeisa ….. Ayaanle Xaliye Afhayeenka Gobolka Hawd