Hargeysa: Munaasibad Loo Sameeyay Furitaanka Sanad-dugsiyeedka 2015-2016 Ee Dugsiyada SALAAMA

0
510

Picture5Hargeysa (Geeska) – Maamulka dugsiyada SALAAMA ee Magaalada Hargeysa ayaa xaflad ballaadhan u sameeyay furitaanka Sanad-dugsiyeedka 2015-2016-ka.

Munaasibaddan oo doraad lagu qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb-galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada, agaasimaha Wasaaraddaasi ee waaxda dugsiyada gaarka ah, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, xildhibaanno, waalidiin iyo boqollaal ka mid ah ardayda dugsiyada Salaama.

Xafladda oo masuuliyiin badan ka hadleen ayaa waxa ugu horeyn khudbad ku aadan marxaladihii dugsiyada Salaama soo mareen ka jeediyay Guddoomiyaha guud ee dugsiyadaasi, Jaamac Biixi Muuse “Waxaynu u fadhinaa xafladda furitaanka sanad-dugsiyeedka 2015-2016-ka ee dugsiyada Salaama, waxaynu abaal-marinno guddoonsiin doonaa 148 arday, kuwaasi oo isugu jira ardaydii imtixaanka ka galay kaalmaha 1, 2 iyo 3-aad iyo araydii ugu akhlaaqda wanaagsanaa sanad-dugsiyeedkii 2014-2015-ka” ayuu yidhi, Guddoomiyaha guud ee dugsiyada Salaama, waxaanu intaasi ku daray “Dugsiyada Salaama waxay ka kooban yihiin 8 qaybood oo kala ah Dugsiga hoose/dhexe ee Salaama 1 oo ku yaala bariga Jeelka dhexe ee Hargeysa, Dugsiga hoose/dhexe ee Salaama 2 oo ku yaala xaafadda 150-ka, Dugsiga hoose/dhexe ee Salaama 3 oo ku yaala xaafadda Goljanno, Dugsiga hoose/dhexe ee Salaama 4 oo ku yaala xaafadda Calaamadaha, waxa kale oo jira dugsiga Sare ee Salaama oo  kala ah qaybta hablaha iyo qaybta wiilasha, macnaha wiilashuna meel gaar ah ayay ku dhigtaan, wiilashaduna meel gaar ah ayay ku dhigtaan. Qaybta luuqadaha iyo xisaabaadka, qaybta culuumta Koombuyuutarka iyo qaybta Maaddooyinka dugsiga sare”

Maamulaha guud oo sii hadlaya ayaa sheegay “Dugsiga SALAAMA waxa uu raacaa Manhajka wasaaradda waxbarashada, hadday yihiin dugsiyada sare iyo hadday yihiin dugsiyada Hoose/dhexe ee Salaama, waxaanu xidhiidh dhow la leeyahay wasaaradda waxbarashada, aadna waanu uga mahad-celinaynaa dhiiri-gelinta ay wasaaradda waxbarashadu la deba taagan tahay dugsiyada SALAAMA”ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey oo uu si kooban uga sheekeeyay taariikhda la aasaasey dugsiyada Salaama iyo wacyigii ay ku bilaabmeen “Dugsiyada Salaama waxa la aasaasey sanadkii 2008-dii, waxaanu lagu bilaabay 7 fasal oo kaliya, laakiin maanta waxa uu marayaa in ka badan boqol fasal. Dugsiga sare Salaama sanadkani wuxuu ahaa kii labaad ee uu u fadhiisto imtixaanka shahaadiga ah ee wasaaradda waxbarashada, sanadkii hore waxa imtixaanka shahaadiga ah ee wasaaradda waxbarashada u fadhiistay 146 arday, markaa dugsiga sare ee Salaama waxa uu ka mid noqday 10 ka arday ee ugu sareeyay imtixaanka shahaadiga ah ee dalkeena Somaliland, 146 arday ee imtixaankaasi u fadhiistay 145 ka mid ahi waxay ku baxeen derajada (A iyo B), halka arday kali ahi uu ka keenay derajada (C). imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan waxa dugsiga sare ee Salaama u fadhiistay 319 arday, taasoo macnaheedu yahay inay tiradii hore ka badan tahay laban-laab, 20-kii arday ee dalka oo dhan ugu sareeyay imtixaanka shahaadiga ahna Salaama waxa uu ku yeeshay 6 arday. 10-kii hablood ee imtixaankaasi ugu sareeyay Somaliland oo dhanna Salaama waxay ku yeelatay 4 hablood, halka Somaliland inteeda kalena ay imtixaankaasi ku lahaayeen 6 hablood, taasi oo macnaheedu yahay in 40% imtixaanka shahaadiga ah ay hablaha reer Salaama soo hooyeen (guul)…”

Maamulaha guud, waxa kale oo uu halkaasi ka sheegay in Dugsiyada Salaama leeyihiin Maktabad ay ardeydu wax ku akhristaan iyo shaybaadh lagu sameeyo dhammaan tijaabooyinka loo baahdo. Sidoo kalena waxa uu sheegay in dugsiyada Salaama ay natiijooyinka imtixaanaadka ku baahiyaan Mareeg (Website) dugsigu leeyahay, kaasi oo waalidiinta ardaydu meel kasta oo ay joogaan ka eegaan ama eegi karaan.

Maamulaha ii sii hadlaya ayaa sheegay in ardaydii fasalka 8-aad ee sanadkan u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ay celcelis ahaan ardayda dugsiyada Salaama ahaayeen kuwii ugu sareeyay derajo ahaan.

Maamule Jaamac Biixi Muuse waxa uu sheegay in hadafkoodu yahay in dugsiyada Salaama noqdaan mustaqbalka kuwa ugu tayada wanaagsan  “Qastigayagu waxa weeyaan in dugsiyada Salaama noqdaan kuwa ugu tayada wanaagsan ee ugu caansan Geeska Afrika…”ayuu yidhi, Jaamac Biixi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Waxa noo sharaf ah in ardaydii ka soo baxday qaybta luuqadaha ee dugsiyada Salaama ay maanta yihiin Macalimiinta ugu cadcad ee dalka wax ka dhiga”

Maamuluhu waxa kale oo uu sheegay inay hiigsanayaan isla-markaana dhawaan daah-furayaan (Soft Ward) ardayda u sahlaya fahamka tijaabooyinka la xidhiidha tiknoolajiyada, kaasi oo Maraykanka mooyaane aan meel kale weli ka suurto-gelin.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, Cabdirashiid Ismaaciil ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Dugsiga Salaama muddo yar ayuu furan yahay, haddana muddadaa yar ee uu furan yahay waxa uu ka mid yahay haddana waxa uu ka mid yahay illaa labadaa sano ee ugu dambeeyey, waxa uu ka mid yahay dugsiyada Kaalmaha la taaban karayo ee muuqda ka soo hooyey Imtixaanka guud ee Qaranka.”

Agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wasaaradda waxbarashada, Muuse Maxamed Shide, ayaa isaguna xafladdaasi ka jeediyay hadal kooban, waxaanu amaanay maamulka iyo macalimiinta dugsiyada Salaama iyo waalidiinta ardayda  u soo jeediyay inay ardayda Maskax ahaan u dhisaan, si hadhow marka uu bulshada dhex galo u noqdo qof isku kalsoon oo go’aan qaadan kara isla-markaana wax ka beddeli kara dalkiisa.

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa masuuliyiinta xafladdaasi lagu soo casuumay ayaa isaguna hadalkii uu ardayda u jeediyay waxa mid ahaa  “Haddaad ardayda tihiin, haddaad Waalidka tihiin iyo haddaad Macallimiinta tihiin, sannadkan guulaha aad ka gaadheen waan idiinku hambalyeynayaa, guulo kale oo waawaynna waan idiin rejaynayaa, waxaan idin leeyahay Hambalyo Dugsiyada Salaama” ayuu yidhi, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo sidoo kale ka hadlay ahmiyadda wakhtigu u leeyahay ardayda.

Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa isaguna amaanay horumarka ay dugsiyada SALAAMA sameeyeen muddadii ay jireen “Waxa jiray iskuullo ka horeeyay SALAAMA oo Somaliland la da’ ahaa, laakiin Saqiirey, balse iskuulka SALAAMA si wanaagsan ayuu u korey muddo yar oo gaaban, taana waxa ugu wacan maamul wanaagga iyo macalin wanaagga,  waayo arrin kastaa kama soo hadho maamulka…” ayuu yidhi, Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) iyo xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka kala tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa iyaguna ka hadlay Munaasibaddaasi ayaa amaanay horumarka ay sameeyeen dugsiyada Salaama, waxayna soo jeediyeen in halkaasi laga sii wado.

Gabogabadii waxa halkaasi abaal-marinno lagu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaankii dugsiyada Salaama iyo ardaydii akhlaaq wanaagga ku guuleystay.