Hargeysa: Munaasibad Lagu Maamusayo Xuska Dheelminta Rasuulkeenii Suubanaa SCW

0
604

Hargeysa(Geeska)-Munaasibad balaadhan oo lagu weynaynayo Xuska Munaasibada Layla-tul All Israa Wal-miciraaj ayaa Shalay lagu qabtey Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa . Munaasibadan Qaaliga ah ee Layla-tul All Israa Wal-miciraaj ayaa ah Habeenkii la dheelmiyay Nibigeenii Muxamed(NNKH)ku beeganayd  /27 Rajab 1435 oo waafaqsan /26/05/2014-ka Munaasibadan dheelminta Nabigeenii Suubanaa (NNKH)ayaa ah Munaasibad la Xuso ta ugu mudan.

Munaasibadan ayaa waxaa qaban qaabinteeda qayb weyn ka qaatey Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban qaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) iyo culimo kale oo ka mid ah Culimada dalka.

Xafladan oo ahayd mid aad loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka soo qayb galey Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban qaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi Nuur Badhasaabkii Hore ee Gobolka Maroodi Jeex ee Xukuumaddii Riyaale Axmed Cabdi Daa’uud,Wasiirkii Hore ee Diinta iyo Aw-Qaafta Xukuumadii Cigaal Sheekh Ayaatula Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax iyo Culimo aw diin kala Duwa –

Munaasibadan ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadley Sheekh Xasan Faarax Oo ka mid ah Culimada Waaweyn ee magaalada Hargeysa gaar ahaan Culimada Ansaarudiinka  Sh.ismaaciil Xasan Faarax Waxaa uu ku dheeraaday qiimaha ay leedahay Munaasibadan Xuska Layla-tul All israa Walmiciraaj

Intii ay socotay Munaasibadani  waxaa lagu soo badhigay Qasiidooyin kala duwan oo guud ahaantood ka waramaya Qiimaha All israa Walmiciraaj.

Waxaa iyaguna Xafladan hadalkooban ka jeediyey Wasiirkii Hore ee Diinta iyo Aw qaafta Xukuumaddii Marxuum Cigaal Sheekh Axmed Ayaatula iyo Badhasaabkii Hore ee Gobolka Maroodi Jeex Axmed Cabdi Daa”uud waxayna guud ahaantood ku dheeraaday Xuska Xafladani All israa Walmiciraaj iyo muhiimada ay leedahay in la xuso lana weyneeyo,iyagoo carabka ku adkeeyey in qof kastoo muslima in ay tahay in uu xuso isla markaana ay ugu qiimo iyo qaaya badan tahay Munaasibada la xuso.