Hargeysa: Dawladda Hoose Oo 28 Qoys Ka Rartay Galbeedka Dayrka Madaxtoyada

0
606

Hargeysa (Geeska) – Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa shalay 28 qoys ka rartay galbeedka Qasriga Madaxtooyada, gaar ahaan inta u dhaxaysa labada dayr ee Madaxtooyada iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Qoysaskan oo muddo dheer halkaasi degganaa ayaa dawladda hoose u rartay deegaanka Xeedho ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo dhul looga diyaariyey, waxaana alaabtoodii u qaaday gaadiidka dawladda hoose ee Caasimadda.

Qoysaskan oo noqonaya kuwii u horeeyay ee si hadal la’aan ah loo raro, ayaa Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa sheegay in halkaasi looga raray si dhulkaasi Madaxtooyada loogu soo fidiyo isla-markaana aanay cidna u dhaxayn dhismayaasha Madaxtooyada iyo Maaliyadda, sidoo kalena waxay sheegeen in qoysaskan la raray ay hordhac u yihiin dad badan oo laga rari doono goobo dawladdu leedahay oo ay daggan yihiin hadda.

Xildhibaan Axmed Daaahir, oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa isaga oo ka hadlaya raritaanka qoysaskan yidhi “Halkani waa Galbeedka Madaxtooyada Somaliland, halkaas oo ay muddo dheer ku noolaayeen qoysas badan, iyadoo goobtani tahay goob ka tirsan soonaha Madaxtooyada, imikana waxa laga dhigayaa oo ay u gudbaysaa dhulkii Madaxtooyada, ayaa waxaanu ka rarnay 28 qoys, waxaanuna dejinay deegaanka Xeedho ee Waqooyiga Hargeysa, waxaana la siiyay oo lagu deegaameeyay dhul dawladdu leedahay”

Xildhibaan Axmed Daahir, wuxuu fariin u diray qoysaska kale ee daggan meelaha danta guud ah “Waxaan uga digaynaa dadka dariiqyada iyo Meelaha aan Munaasibka ahayn deggan waxaanu uga digaynaa inay ka waantoobaan oo ay ka sii tabaabulshaystaan, nin dariiq deggayna in loo iman doono oo laga rari doono (ha ogaado)”ayuu yidhi.

Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “28 qoys ayaanu halkan ka rarnay, waanad aragtaan oo shaqaalihii dawladda hoose ayaa alaabta u raraya, iska rogooyinka annaga ayaa ugu yeedhnay, dhulkiina annaga ayaa siinay, waxaana waxa nagu kailfaysa balanqaadyadii faraha badnaa ee ay ka mid ahayd inaanu ka shaqeyn doono bilicda Caasimadda Hargeysa, haddii ay tahay laydhka, haddii ay tahay wadooyinka iyo hadday tahay qashinka, haddaba annaga oo hagaajinayna bilicda, halkana tahay meel ku xigta Madaxtooyada JSL dadkii kamaanaan baa’biinin ee waanu qaadnay oo waxaanu siinay dhul ku yaala xeedho, kuwan oo kaliya maaha ee waxaanu iyagana qaadi doonaa dadka deggan iskuulka kalkaaliyayaasha, waxa kale oo aanu qaadi doonaa dad kale oo deggan meelaha Wasaaradaha, waxa jirta guryo Japan dhisayso, dhulkana dawladda hoose bixisay oo ku yaala degmada 31-ka May”