Hargeysa: Caydiid Hotel Oo Ku Soo Biiray Hoteelada Casriga Ah Ee Hargeysa

0
1032

Picture4Hargeysa (Geeska)- Hudheel cusub oo Casriya oo lagu magaacabo Aideed  ayaa laga furay Magaalada Hargeysa, Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay Wanqasha Hoteelkan oo ku Yaala Dhinaca Galbeed ee Edna Hospital ee Degmada Axmed Dhagax ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiradda Ciyaaraha, Diinta iyo Awqaafta, Wasiiradii Hore ee Maaliyadda, Kaluumaysiga, Madaxda Hay’addo Caalami ah, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Masuuliyiin ka socotay Xisbiga Waddanil, Dadweyne tiro badan iyo waliba madaxdhaqaameed.

Hadal kooban oo uu furitaankii Munaasibada Hudheelkaasi cusub ka soo Jeediyay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ayaa waxa ku bogaadiyay Mulkiilaha Hoteelkaasi Cusub Jamaal Caydiid Ibraahim dedaalka badan ee uu geliyay sidii uu Magaaladda Hargeysa uga hir gelin lahaa Hoteel Casri ah “Waxa aan marka hore aad ugu hambalyaynayaa saaxiibkay Jamaal Caydiid, Runtii Magaaladda Hargeysa hudheelkani wax badan ayuu ku soo kordhinayaa, waxaanan leeyahay waxa aad magaalaysay xaafada uu hudheelkani ku yaalo”.

Eng. Cabdiqaadir Iimaan oo ahaa Guddoomiyaha Shirkada Dhismaha UNIECO oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray dhismaha Hudheelkan cusub iyo qaabkii uu ku yimid, waxaanu yidhi “Runtii Jamaal Caydiid Halkan uu hudheelka ka furay waa halkii ay deganaayeen Berigii hore, waxaanu ii sheegay in ay fikaradani ku dhalatay maalin isaga oo Muqdisho tagay oo uu ku degay Hudheel, dabadeedna uu go’aansaday in uu mar uun dhiso hudheel.

Waxa ku baxay Hudheelkan aduun lacageed oo gaadhaya 520,000 oo dollar, waxaana iminka u dhisan laba dabaq oo aanu ugu talo galnay in hadhaw uu ku daro wixii kale hadii ALLE  idmo”

Mulkiilaha Hoteelkaasi Jamaal Caydiid Ibraahim oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “1985-tii ayay igu dhalatay in aan sameeyo Hudheel, ka dib markii aniga iyo Suldaan Maxamed Baarjeex oo aanu wada soconay aanu ku degnay Hoteel la odhan jiray Mubaarak. Halkan aan iminka Hudheelka ka dhisay oo aanu deganayn, waxa aan go’aansaday in aan hudheelka ka dhiso, Runtii sida uu Eng Cabdiqaadir Iimaan u sheegay lacagta intaas le’eg ayaa ku baxday dhismaha, waxaana badankeeda iga caawiyay asxaabta oo marka ay wax go’aanba aan ku qaylinayay,  Hudheelkana  waxa aan Dhinaca Cuntada ka kireeyay niman Bakistaan ah, waxaana ku jirta iyaduna Waxa  aan aad u amaanayaa Eng. Cabdiqaadir Iimaan iyo shirkadiisa Dhismaha ee UNIECO oo qalabkeeda dhisamha inta ugu badan igu caawisay”.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo isna ka mid ahaa masuuliyiinti halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Hudheelkani uu u qalabaysan yahay si casri ah.

“Runtii Jamaal Caydiid Kumaan Ogeyn lacagta intaas le’eg, laakiin waa kaas inoo sheegay in asxaabtu ay ka caawiyeen.

Intii uu socday dhismaha Hudheelkan waa iman jiray, wixii talo ahna waan ka geysan jiray,w waxa laakiin dhistay oo tacabka inta ugu badan gelisay shirkada UNIECO oo uu wado Eng. Cabdiqaadir iimaan.

Waxa aan leeyahay Hudheelkani waxa uu qiimo badan u yeelayaa dhulka iyo xaafada uu ku yaalo, waayo waxa aan xasuustaa Berigii aanu dhisaynay Hoteel Maansoor dhulka waxala siisan jiray 300 oo dollar, maanta waxa uu gaadhay ilaa 30,000 dollar”

Mulkiilaha Qaybta Cuntada iyo Wakiilka Hay’adda FOA oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa amaanay bogcada uu ku yaalo Hudheelka AIDEED.

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), Maxamed Baarjeex iyo xubno kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Mulkiilaha Hoteelkaasi quruxda uu caasimada ku soo kordhiyay, waxaanay ilaahay uga baryeen in uu u barakeeyo.

Gunaanadkiina Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaas ka hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in Hudheelkani uu ka mid yahay Hudheelada cusub ee ku soo biiray Magaaladda Hargeysa.

Waxa uu ilaahay uga baryay in uu u barakeeyo Mulkiilaha Huteelkaasi, waxaanu yidhi “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo Xaflada Hudheelka Aideed ee Magaaladda Hargeysa, waxaanan Mulkiilaha Huteelka Jamaal Caydiid ilaahay uga baryayaa in uu u barakeeyo” ayuu yidhi.