Hargeysa (Geeska)- Qalfoofka 42 qof oo ka mid ahaa dadkii reer Somaliland ee ay xasuuqday dawladdii keli-talihii Siyaad Barre ee Soomaaliya oo laga helay hal xabaal-wadareed, ayaa shalay loo sameeyey aas qaran oo dib loogu xabaalay deegaanka Biyo-shiinaha ee Waqooyiga Hargeysa.
Dadkan la xasuuqay oo ahaa shacab si badheedh ah loogu laayey hub culus oo ay u adeegsadeen ciidammadii dawladdii Siyaad Barre, ayaa si kedis ah lafahooda looga helay xabaal-wadareed la isugu geeyey oo ku taal kaamka biyaha ee la yidhaa Biyo-shiinaha oo ka tirsan degmada Daarasalaam ee waqooyiga Gobolka Hargeysa, kadib markii lafahoodu ku soo baxeen qodista beeb cusub oo lagu ballaadhinayo biyaha caasimadda Hargeysa ee ka yimaada deegaanka Geed-deeble oo shaqadeedu halkaasi ka socoto. Waxaanna xabaashaasi loogu tagay dharkii dadkaasi xidhnaayeen iyo qalabkii ay siteen markii la laayey oo aan isbeddelin oo ay ka soo wareegtay muddo 27 sanno ahi, kuwaas oo muujiyey in ay u badnaayeen dumar iyo carruur aan gelin wax dambi ah, balse xabbad aan loo kala aabbo yeelin loogu xasuuqay si cadaawad ah.
Aaska qaran ee loo sameeyey 42-kaas qof oo ka dhacay isla deegaanka Biyo-shiinaha shalay, waxa ka qaybgalay wasiirrada Wasaaradaha Caddaaladd iyo Warshadaha, Wasiir-ku-xigeenka iyo culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Maayarka caasimadda Hargeysa, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, culimaa’udiin, masuuliyiin kale iyo dadweyne badan, kuwaas oo muujiyey siday uga muragaysan yihiin dhibaatadan oo ku salaysanayd isir-nacaybka iyo inuu caddaan yahay xasuuqii Siyaad Barre kula kacay shacabka reer Somaliland.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in xabaashani soo baxday kadib markii hawl-wadeennada qodaya dhuun cusub oo qayb ka ah mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa oo sahankiisu dulmaray, isla markaana markii ay ku wargeliyeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Xafiiska Baadhista Xasuuqa la isla gartay in lafaha dadkaasi la laayey dib loogu aaso si waafaqsan shareecada Islaamka.
Guddoomiyaha Xafiiska Baadhista Xasuuqa Somaliland Khadar Axmed-like, ayaa sheegay in xabaashani ka mid tahay ilaa laba boqol oo xabaal-wadareed oo ay filayaan inay ku yaalaan magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ku jiraan dadkii ka yaacayey dagaalka ee lagu duqeeyey diyaaradaha iyo hubka culus, isla markaana xafiiskoodu baadhis ku samayn doono guud ahaan goobaha ay ku jiraan dadkii la xasuuqay.
“Sida loo soo saaray dadkani may ahayn sidaanu annagu wax u baadhno, laakiin waxaan inala joogin dadkii markhaatiyada ka noqon lahaa, hase ahaatee waxa markhaati ka noqonaya agabka ay ka tageen ee lala aasay, dharkii carruurta iyo lafahoodii, dumarka hooyooyinka ahaa dharkoodii iyo wixii ay siteen iyo rasaasta dhammaantood lafahooda iyo dharkooda dhex fadhida, waa wax aynu u hayno dadka ilaa maanta aan aqoonsanayn in xasuuq ka dhacay Somaliland oo indhahooda oo shan ah ayeynu tusi doonaa, adduunkuna markhaati ayuu ka furi doonaa,” ayuu yidhi Khadar-like.
Waxa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay, Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), Wasiirka Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Qabo, Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), Sheekh Axmed Dhimbiil, Guddoomiyaha degmada Daara-salaam Maxamed Kibbaar, Cabdisalaan Turki oo ka mid ahaa saraakiishii jabhaddii SNM iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe, kuwaas oo u duceeyey dadkaasi dib loo aasay oo ay isku raaceen in dilkoodu muujinayo gambood-falladii aan loo-meel-dayin ee keligii-taliyihii Siyaad Barre kula kacay muwaadiniintii gobollada Somaliland sannadihii sideetamaadkii.
Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaarada Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in arrintani ka mid tahay raadadka xasuuqii ba’naa ee ay Ciidamadii nidaamkii Siyaad Barre u geysatay shacbiga dalkan, kaasna aanay dawladda Somaliland ka hadhi doonin ee ay ka shaqaynayso sidii caddaalad loo marin lahaa kuwii ka dambeeyey.
Wasiir Xuseen waxa uu faahfaahiyey baaxaddii uu lahaa xasuuqu iyo siyaabihii uu u dhacay, waxaannu yidhi, “Maydadkaa 42 qof ee laga soo qoday halkii uu marayey beebkaa lagu wado Hargeysa iyadoo aan hareeraheeda la dayin, waxay calaamad yar uun ka tahay wixii dalka ka dhacay, waxaanna cad oo aannu haynaa macluumaad arrintan oo kale inay ka dhaceen goob kasta oo Somaliland ah Ceerigaabo iyo wixii ka shisheeya ilaa Saylac ayuu ka dhacay xasuuqa, iyadoo la beegsanayey dad gaar ah, waxaannu lahaa xasuuqu wejiyo badan sida in dad kumanaan qof ah la soo ururiyo oo iyagoo nool inta la isku xidh-xidhay la laayey, dad badan oo magaalooyinka iyagoo guryahooda degan lagu duqeeyey, dad iyagoo qaxaya lala dabagalay oo diyaarad rushaysa, madfac iyo tiknikaba lagu gumaaday iyo in kale oo badan oo saamayntii dhibaatadaasi ku keentay u dhintay ayaa ka mid ahaa, waxaanna waxa gaystay dawladdii ka masuulka ahayd shacabkaasi.”
Waxa kaloo uu beesha caalamka ka codsaday in garsoorka caddaaladda la soo taago dadkii ka dambeeyey dhibaatadii loo gaystay reer Somaliland oo uu tilmaamay inuu la mid ahaa xasuuqyada taariikhda galay ee dunida ka dhacay, “Cidda laga doonayo inay xasuuqaa ka gar-baxdo waa cidda magacii dawladnimadii Soomaaliya la odhan jiray haysa weeye, Ilaahayna waxaannu ka rajaynaynaa inuu tuso, caalamkana waxaannu ka codsanaynaa in xasuuqii ciddii lahayd la taba-qaado, xabaalahani waa calaamad cad oo muujinaysa wixii dhacay, iyadoo hay’ado iyo khubaro caalami ahi nala wadaan baadhista xasuuqan iyo sidii dadka loo laayeyba, waayo waxa xaqiiq ah oo aan la dafirsanayn in dhibta halkan ka dhacday ay la mid tahay kuwii ka dhacay dalalka Combodia, Ruwand, Bosnia iyo Herzegovina, Croatia iyo meelo badan oo caalamka ah, kuwaasna caalamku wuu u doodaa oo ciddii gaysatay maxkamaddo ayaa la geeyaa. Hase ahaatee, waxaannu la yaabbanahay waxa kan loogu soo jeedsan waayey ee maxkamaddii masuuliyaddooda lahaa u qaadan waayeen ee dadkii xasuuqaa gaystay weli loola xaajoonayo ee qaarkood loola dhaqmayo sidii madaxda, markaa waxaannu ka rajaynayaa beesha caalamka dawlad iyo hay’ad ahaanba wixii halkan ka dhacay waxay mudan yihiin in la sameeyo, maaha dambi Somaliland oo keliya laga galay ee waa dambi ka dhan ah bani’aadanimada,” ayuu yidhi Md. Xuseen Axmed Caydiid.