Hargeysa: 170 Arday Oo Ka Qalin-Jabiyey Qaybta Ingiriisida Ee Jaamacadda Islamic Online

0
668

Hargaysa(Geeska)- Dufcaddii koobaad oo tiradoodu dhan tahay 170 arday, ayaa Axadii ka qalinjebiyey barashada Ingiriisiga oo ay ka baranayeen Jaamacada Islamic Online University Faraceeda Hargeysa, iyagoo qaatay darajada Diplome-ka.

1615195_944224909007776_1896649527_n

Ardaydan oo muddo sannad iyo laba bilood baranayey kooras deg-dega oo la xidhiidha luqada ingiriisiga, waxa munaasibada qalin-jabintooda ka soo qayb-galay Wasiir ku Xiggeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland, Masuuliyiinta Jaamacada IOU oo uu ugu hogaaminayey Madaxweynaha Jaamacadaasi Dr Bilal Philips , Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha iy dugsiyada Magaalada Hargaysa, Waalidiin iyo Marti sharaf kale.

Ugu horayntii waxa Munaasibadaasi ka hadlay Siciid Cabdilaahi Siciid oo ah Wakiilka Jaamacada Islamic Online University ee bariga Afrika waxaana uu ka waramay baahidii keentay bilowga barnaamijkan iyo ujeedada loo qabtay munaasibadan waxaana uu yidhi:-“Jaamacada IOU waxa ay ka shaqaysaa in ka badan laba boqol oo wadan , waxay faracyo iyo laamo ku leedahay intaas oo magaalo iyo intaas oo tuulo oo caalamka islaamka ka mid ah, Barnaamijkan aynu maanta u fadhinaa waa Intensive English Course oo laba sanno ka hor aynu bilownay oo aynu ka bilownay waddankeenan Somaliland ,barnaamijkii ayeynu maanta midhihiisii u fadhinaa oo aynu la dabaal-degaynaa ardaydaasi”.

Siciid Cabdilaahi Siciid Wakiilada Jaamacada IOU ee Bariga Afrika oo ka waramaya baahida keentay in barnaamijkan laga bilaabo somaliland waxa uu sheegay“barnaamijkan waa barnaamij loo aas-aasay in uu ka jawaabo baahi dhab ah oo bulshada haysata , waxa inala jooga masuuliyiintii Jaamacadaha iyo dugsiyada , caqabadaha ugu badan ee loo baahan yahay in xooga la saaro waxa weeye waa luqada ingiriisiga ,ardaygii isagoo aqoon leh oo wax badan garanaya ayaa haddana marka ay timaado ingiriisigiisii ay wax badani ka hor imanayaan”.

Siciid Cabdilaahi Siciid isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi mar kale:-“Dr Bilal philips iyo kooxda Jaamacada IOU waxay go’aansadeen in ay isu keenaan aqoonyahano iyo khubaro muslimiin ah oo runtii ku xeel-dheer qaabka loo dajiyo muqararka ingiriisiga waxa laga bilaabay barnaamijkan dalka Gambia sannadkii 2013-kii ,barnaamijkii markii laysku duba-riday inagu waxa aynu noqonay wadankii labaad ee ku guulaysta in barnaamijkan ingiriisiga ah laga sameeyo”.

Madaxa Barnaamijka Intensive English Course ee Jaamacada Islamic Online University Raxiima Samiim oo halkaasi ka hadashay ayaa ugu horayntii bogaadisay ardayda qalin-jabisay iyadoo ku sifaysay in ay yihiin ardaydani kuwo si dhab ah u matali kara bulshada marka loo eego aqoonta ay barteen.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Aadan Buuni, Raxma Ciise Nuur Iyo Cabdiraxmaan Mustafe Cabdilaahi oo ku hadlayey afka ardayda qalin-jabisay waxaana ay mahadnaq balaadhan u jeediyeen Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacada Islamic Online University oo ay uga mahadceliyeen sidii hagar la’aanta ahayd ee ay ugu soo tabceen muddadii ay waxbarayeen , waxa ay ardaydani madashaasi ku soo bandhigeen mawduucyo ingiriisi ah oo ay kaga waramayeen Sidii ay wax u barteen iyo tayada wixii la soo baray.

Dhinaca kale waxa munaasibadaasi hadalo ka jeediyey shirkado iyo dugsiyo wada shaqayn la leh jaamacada IOU kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Aadan Maxamed oo ku hadlayey afka shirkada Hemo, Dr Daahir Cali Jaamac oo ka socday Haayada waxbarashada ee Geeska Afrika, Dr Axmed Yuusuf Gool-cade oo ka mid ah masuuliyiinta Jaamacada Hargaysa,Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nouradiin Mahad Ibraahim Maxamed Iyo Aamina Axmed Jaamac oo ah Maamule Ku Xiggeenka Dugsiga Sare 26-juun ee magaalada hargaysa dhamaantoodba waxa ay bogaadiyeen wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Jaamacada iyagoo tilmaamay in Jaamacada Islamic Online University ay wax fiican dalka ku soo kordhisay.

Madaxweynaha Jaamacada IOU Dr Bilal Philips oo isna Munaasibadaasi ka hadlay waxa uu hambalyo u diray ardayda maanta ka qalin-jabisay Jaamacada IOU isagoo ku tilmaamay in kooraska ay dhamaysteen uu ahaa mid aad muhiim u ah waxaana uu yidhi:-“ “Marka hore waxaan u hambalyeynayaa dufcadan qalin jabinaysa rag iyo dumarba, waxaanad u taagan tihiin ardaydii tirada yarayd ee aanu ka soo xulanay dadkii faraha badnaa ee soo codsaday kuliyadan aad hada dhamayseen sanad ka hor, Course-kan aad dhamaysateen waxa uu ahaa mid aad u muhiim ah, manuu ahayn mid ay iska dhamaysteen ardaydan tiradan badan, ma eegayno tirada badan balse waxaanu tix galinaynaa tayada ardayda sidaas darteed waan u hambalyeynayaa dufcadan maanta qalin jabinaysa.”

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo munaasibadaasi soo xidhay ayaa sheegay in Wasaarada Waxbarashada Somaliland ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso isla-markaana ay hagto cid kasta oo wax ka qabanaysa horumarinta tacliinta Somaliland isagoo ku bogaadiyey Jaamacada Islamic Online University doorka muhiimka ah ee ay kaga jirto tayeynta waxbarashada Somaliland .

Gabagabadii waxa munaasibadaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey ardayda qalin-jabisay oo dhamayd 170-arday, iyadoo jaamacadu geesta kalena u balan-qaaday in ay deeq waxbarasho oo heer degree ah siinayso tobankii arday ee ugu sareeyey barnaamijka Intensive English Course.